Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa ansixiyay dhaqaalo joogto ah oo lasiin doono dowlada Federaalka Soomaaliya kadib markii lacagtaasi ay ansixiyeen golaha wasiirada ee dowlada Turkiga.
Dhaqaalahaasi oo bil kastaa la soon doono dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaarayaa 2 milyan oo doolar, iyadoo golaha wasiirada ay si rasmi ah u ansixiyeen in dhaqaalahaasi deeq ahaan loo siiyaa dowlada federaalka Soomaaliya.
Dhaqaalahaasi ayaa waxaa la sheegayaa in la doonayo in lago kabo miisaaniyada dowlada Soomaaliya iyadoo la doonayo in lagu taageero hayada kala duwan ee dowlada Soomaaliya, sida ay daabacday wakaalada wararka ee dalka Turkiga.
Wararka ayaa sheegaya in marka hore dowlada Soomaaliya la siin doono dhaqaalo gaaraya 6 milyan oo doolar iyadoo kadib la siin doono adduun lacageed gaaraya 2 milyan bil kastaa, waxaana guud ahaan dhaqaalaha sanadkii soo gaaraya la gaarsiinayaa 24 milyan.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhaqaalo wanaagsan ka hesha dowlada Turkiga waana dowlada kaliya ee si toos ah dhaqaalo u siisa dowlada Federaalka Soomaaliya, balse waxaa la isweydiinayaa danaha dowlada Turkiga ka leedahay dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

