Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka dhawaajisay lacago ay sheegtay inay Dowladda Soomaaliya siisay tan iyo sanadkii 2011 markaas oo abaar ba’an ay ku dhufatay.
Mehmet Simsek oo ah Ra’isulwasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay inay Dowladda Turkiga tan Soomaaliya ku wareejisay ilaa Hal Bilyan oo Dollar tan iyo sannadkii 2011-kii, taasi oo uu xusay inay qeyb ka tahay Istaraatijiyadda Turkiga ee Somaaliya ka leedahay.
Shirka Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyayaasha Bangiyadda Dhexe ee 20-ka Dowladood ee Horumaray ee Kooxda G20 ugu dhamaaday magaalladda Baden-Baden ee dalka Jarmalka ayuu Ra’isulwasaare ku xigeenka kaga dhawaajiyey hadalkaas.
Mas’uulkaan ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda Soomaaliya siiyaan bil kasta lacag gaareyso ilaa Malaayiin Doolar taasoo uu sheegay inay ugu talagaleyn in dadka loogu qabto adeegyada ay ugu horreeyaan Amniga iyo horumarinta.
Mehmet Simsek ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee dowladaha G20 ay tahay inay markaan xoogga saaraan dowladaha Africa ee kaalmada u baahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in 100-ka sanno ee soo socda noqon doona Sannadihii Afrika.
Wuxuu sheegay in la badin doono safaaradaha ay Turkiga ku leedahay Africa oo gaarayo 39 waana mid kamid ah tallaabooyinka ay Turkiga ku muujineyso istaraatiijiyada ay ka leedahay Africa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]