Xal kama danbeys ah oo laga gaaray murankii dib u dhigay magacaabida golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo dhamaaday wada hadaladii iyo wadatashigii loogu jiray dhismaha xukuumadda cusub ee laga sugayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo mudada sharciga ah ugu hartan tahay 11 maalmood kaliya inuu ku dhawaaqo.

Wararka laga helayo xarunta Villa Somalia ayaa ku waramaya in la isku afgartay qodobadii la isku haayay ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana la isla gartay in liiska golaha wasiirada ay noqdaan 25 xubnood, halka horay uu madaxweyne Farmaajo ku dheganaa in 30 laga dhigo si loo qanciyo beelaha.

Waxaa kaloo meesha ka baxday qodobadii kale ee ahaa in golaha wasiirada noqdaan kuwo horay xilal usoo qabtay iyo in wajiyo cusub ku cusub siyaasadda la magacaabo, waxaana la laalay shaqsiyaadkii ay kala wateeen Farmaajo, Kheyre iyo guddoomiye Jawaari.

Ra’iisul wasaare ayaa hadda soo gabagabeeyay wadashiyadii uu la lahaa madaxweynaha iyadoo ay is arkeen guddoomiyaha baarlamaanka oo isla gaarteen liiska kama danbeysta ah ee ay ka wada hadleen.

24-ka saac ee soo socda ayaa lagu wadaa in la shaaciyo liiska galaha xukuumadda oo ka koobnaan doono 25 wasaaradood, waxaana suuragal ah in ilaa beri ama habeen danbe la gaarsiiyo xiliga lagu dhawaaqayo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado 22 bishan inuu dalka Kenya ugu qeybgalo shir Nairobi ka dhici doona, waxaana la filaa in ka hor safarka madaxweynaha lagu dhawaaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com