Doha (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa booqasho ku gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar.
Wasiirka ayaa kullan khaasa oo dhowr saac qaatay la yeeshay amiirka Qadar Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani oo ay kawada hadleen xiisada kala dhexeysa Sacuudiga iyo is garabtaaga Turkiga.
Wasiirka ayaa amiirka Qadar u xaqiijiyay in dowlada Turkiga ay la garabtaagan yihiin garab dhan waliba ah, waxa uuna sidoo kale cadeeyay inaanu wax saameyn ah ku yeelan doonin qeyla dhaanta Sacuudiga.
Wasiir Mevlut Cavusoglu, ayaa sidoo kale amiirka u gacan galiyay qoraal uu kawaday Madaxweynaha Turkiga Erdogan, kaa oo ku saabsan xasarada Qadar kala dhexeysa Sacuudiga iyo qodobo lagu soo koobay go’aanka uu Turkiga ka qaadan doono, waa haddii ay sii socto xasarada.
Mevlut Cavusoglu ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaadan doono dhigiisa Qadar Sheekh Maxamed bin Cabdulraxmaan bin Jassim Al Thani oo ay kawada hadli doonaan isla xiisada taagan.
Turkiga ayaa la saftay dalka Qadar kadib markii dalal ay horboodayaan Sacuudiga iyo Imaaraadku ay cunaqabateyn kusoo rogeen dalka Qadar.
Sidoo kale, Dalalkan ayaa Qadar ku eedeeyay inay taageerto argagixisada arintaas oo ay Qadar ay iska fogaysay.
Dhinaca kale, dowlada Turkiga ayaa loo arkaa inay ka hortageyso dhibaato waliba oo Qadar kaga imaada dhanka Sacuudiga, waxaana xusid mudan in magaalada Doha ay ku gureyso raashiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]