26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Turkiga oo xabsi dhigay shaqaalaha safaarada USA iyo xiisad ka taagan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya Xiisad heer sare gaarsiisan oo ka dhex curatay dowladaha Turkiga iyo Maraykanka, kadib markii labada dal mid waliba uu diiday bixinta fiisaha dal ku galka ah.

Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga oo xiriirkooda uu wanaagsanaa ayaa todobaadkan si rasmi ah u shaaciyay hakinta fiisaha, waxaana jira xiisad gaara oo ka dhexeysa Hogaamiyayaasha dalalkaasi.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Turkiga oo ka faaloonaaya xiisada ayaa qoray inay ka dhalatay kadib markii todobaadkii hore ay ciidamada booliiska Turkiga xabsiga dhigeen sarkaal u shaqeeya Qunsuliyada Maraykanka ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Xariga Sargaalka ka howlgalaayay Qunsuliyada Mareykanka ayaa la xiriiray tuhun ku aadan inuu waxbadan ka ogaa inqilaabkii fashilay ee dalkaasi ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay.

Dowlada Turkiga ayaa xariga Sarkaalka ku fududeysatay in asal ahaan uu kasoo jeeday dalka Turkiga kaa oo lagu magacaabo Metin Topuz.

Booliska turkiga oo ku guda jira baaritaanka ayaa Safaarada Mareykanka kala soo baxay Ehelka Sarkaal kale oo asal ahaan isna kasoo jeeda Turkiga.

Labadan sarkaal ee Turkida ah oo u shaqeeya Safaarada Maraykanka ayaa lagu eedeyey inay xiriir la leeyihiin wadaadka ku nool Maraykanka Fettullah Gulen oo lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey afgembigii la doonayey in xilka looga tuuro Madaxweyne Erdogan.

Xiisada labada dal ayaa xoogeysatay kadib markii dowlada Turkiga ay aad uga carootay go’aanka Maraykanka ay ku joojiyeen fiisooyinka dal ku galka ay siin jireen muwaadiniinta Turkida.

Dowlada Turkiga oo ka jawaabeysa go’aankaasi ayaa iyana ku dhawaaqday todobaadkan inay joojisay fiisooyinkii ay siin jireen muwaadiniinta Maraykanka ee dalkooda soo booqanaya.

Si kastaba ha ahaatee, xiisada labada dal ayaa saameyn ku yeelan doonta dadka dalxiiska u taga Turkiga ee ka imaanaya Maraykanka iyo waliba shaqaalaha Maraykanka ee ka hawlgala saldhigyada militari ee uu Maraykanka ku leeyahay wadanka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News