Tuugo si cajiib oo dhib la’aan ah ku dhaca lacagta dadka oo ka soo shaac baxday dalka Sweden.

Beryahaan dambe waxaa kusoo batay dalka Sweden tuugo ka qaraabata sanduuqa boostada, iyagoo la baxa warqadaha biilasha ay soo diraan shirkadaha, ka dibna isbedal ku sameeya.

Qiyaanada ayaa ah in ay tuugadu la baxaan warqada biilka ay soo diraan shirdaha doonaya in uu qofku lacagta soo bixiyo. Tuugada ayaa wax ka soo badala koontada lacagta lagu shubayo iyagoo markaas warqad cusub qofka u soo tuura. Arintaas ayaa keentay in dadka qaar ay lacagta u diraan tuugada.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah tuugada ayaa waxay sameeyaan in ay iskood u soo dirsadaan warqado biil ah adiga oo aan waxba ka dalban. Tuugadaan ayaa waxay abuuraan shirkado been abuur ah iyagoo faktuurooyin badan u diray shacabta Sweden, arintaas ayaa keentay in dad badan ay lacag u soo shubaan tuukada.

Beryahaan dambe ayaa waxaa soo batay qiyaanooyinka ay sameynayaan tuugada ku qaraabada qiyaanada biilasha iyo internetka. Dad badan ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxaa sidoo kale lagu qiyaanay ka dib markii kombutarkooda Virus lagu shubay ka dhibna ay u soo baxday fariin u muuqada in ay ka timid Booliska oo qofka lagu leeyahay “waa lagu ganaaxay” taas ayaa sidoo kale keentay in dad badan ay lacago ganaax been ah bixiyaan. Booliska ayaa sheegay in aysan dadka qaabkaas ganaax ugu dirin.

Si aad isaga ilaaliso in lagugu qiyaano warqadaha biilasha ayaa waxaa haboon in aad lacagta kirada, korontada iwm aad ku bixiso waxa loo yaqaan “E-faktura ama Autogiro. Sidoo kale iska fiiri koontada la socota warqada iyo magaca shirkada in ay isleeyihiin.

W/Q: Jimcaale, Somaliska