28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo geeriyooday iyo madaxda sare oo qoraal soo saaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee, waxaa geeriyooday Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, taas oo uu ka tacsiyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Ugaas Cabdullaahi, oo ka mid ahaa ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inuu ku suntanaa nabad-jacayl iyo waddaniyad.

“Waxaan qoyska, qaraabada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi, oo intii uu noolaa ku caanbaxay nabad-jacayl iyo dadaal uu ugu jiray sidii ummadda Soomaaliyeed uga soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas ku daray: “Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xusuusan doonaa dadaalkiisii ku wajahnaa raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelkiisa, bulshadii uu ugaaska u ahaa, iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida Ugaaska. “Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelka, qaraabada, iyo bahda dhaqanka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Allaha u naxariisto, Jannooyinkiisana ha ku galladeeyo Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Wuxuu ka mid ahaa isimada dhaqanka waaweyn ee Soomaaliyeed, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo nabadaynta.”

Ugaas Cabdullaahi ayaa door weyn ka ciyaaray nabadaynta iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu dhisay dowladihii ku-meel-gaarka ahaa. Waxa uu sidoo kale laf-dhabar u ahaa dhismaha dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo mar walba u taagnaa dadaallada nabadeynta iyo midnimada bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News