Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meesha ka saartay dacwad uu Sudan ka gudbiyey Imaaraadka Carabta, taas oo ku saabsanayd eedeymo ah in Imaaraadku gacan ka geystay xasuuq ka socda dalka Sudan.
Dacwadda ay Sudan horgeysay ICJ ayaa ku saleysneyd in Imaaraadka uu taageero siiyo ciidanka sida militariga u tababaran ee RSF, taas oo ay Sudan ku tilmaamtay inay qeyb ka tahay xasuuq – eedeymo ay Imaaraadku si cad u beeniyeen.
Balse ICJ ayaa ku dhawaaqday in ay “si cad u weyday awood sharciyeed” oo ay ku qaaddo dacwadda, islamarkaana ay gebi ahaanba diiday.
Markii Imaaraadka uu saxiixay Heshiiska Ka-hortagga Xasuuqa ee Qaramada Midoobay sanadkii 2005, wuxuu ku daray “xaddidaad” ku saabsan qodob muhiim ah oo oggolaanaya dalalka inay midba midka kale dacwad ku furaan maxkamadda. Xaddidaaddan ayaa micnaheedu ahaa in ICJ aysan awood sharciyeed u lahayn kiiskan.
Mas’uul Imaaraad ah ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda.
“Go’aankan waa caddayn cad oo muujinaysa in dacwaddan ahayd mid gebi ahaanba sal iyo raad toona lahayn,” ayay tiri Reem Ketait, ku-xigeenka wasiiru-dowlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, sida ay u sheegtay AFP.
Ka hor inta aan la gaarin go’aanka, Ketait waxay Sudan ku eedeysay in ay u adeegsatey dacwadda si arxan-darro ah, ujeeddaduna ahayd in laga jeediyo dareenka caalamka dambiyada ay dowladda Sudan u geysaneyso dadkeeda.
Tan iyo bishii April 2023, Sudan waxaa ruxay dagaal xooggan oo u dhexeeya taliyaha ciidamada qalabka sida, Abdel Fattah al-Burhan, iyo hogaamiyaha ciidamada RSF, Maxamed Xamdan Daglo (Hemeti).
Dagaalkaasi wuxuu horseeday xaalad barakac ah oo ay hay’adaha gargaarku ku tilmaameen tan ugu ballaaran caalamka, waxaana sidoo kale sii kordhaya baahida cunnada. Sida lagu sheegay qiimeyn ay taageereyso Qaramada Midoobay, macaluul rasmi ah ayaa ka jirta ugu yaraan shan gobol oo ka tirsan dalka.
Waqooyiga Darfuur ayaa noqday goob dagaal daran, iyadoo ugu yaraan 542 qof lagu dilay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in ay “si weyn uga walaacsan tahay musiibada bani’aadannimo ee ka socota Sudan, taas oo ah asalka dacwaddan.”
“Dagaalka rabshadaha wata wuxuu sababay khasaare naf iyo nafsiyeed aan la qiyaasi karin, gaar ahaan gobolka Galbeedka Darfuur,” ayay ku dartay maxkamaddu.
Maadaama ay maxkamaddu sheegtay in aysan awood u lahayn sii wadista dacwadda Sudan, kama aysan garsoorin wax ku saabsan salka kiiska.
Si kastaba, ICJ waxay xustay in: “Hadday dawladuhu aqbaleen ama aysan aqbalin awoodda maxkamadda, haddana waa in ay u hoggaansamaan waajibaadka saaran ee heshiiska xasuuqa.”
Sidoo kale, dal walba “wuxuu mas’uul ka yahay fal kasta oo ka dhan ah waajibaadka caalamiga ah ee saaran.”
Banaanbax kooban ayaa ka dhacay banaanka xarunta ICJ ee Peace Palace ee magaalada Hague, halkaas oo dad taageersan Sudan ay ku qaylinayeen isla markaana wateen boorar ay ka mid ahayd mid ay ku qornaayeen erayo sida “UAE waxay dishay Sudan”.
“Si buuxda ayaa u niyad-jabnay… Caddaalad kaliya ayaan dalbaneynaa,” ayuu yiri Hisham Fadl Akasha, injineer 57 jir ah oo kamid ahaa dibad-baxayaasha.
Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Raoul Wallenberg, oo fadhigeedu yahay magaalada Montreal, ayaa ku tilmaantay go’aanka maxkamadda “nasiib-darro iyo dhaawac caddaaladeed.”
“Maanta qof walba wuxuu dareemayaa naxdin – haddii uusan dareemin khiyaano – sababtoo ah waxaa socda xasuuq kale oo si aamusnaan ah loo qarinayo loona nadiifinayo,” ayuu yiri Irwin Cotler, aasaasaha xarunta, war-saxaafadeed uu soo saaray.
– Codsi magdhaw –
Intii lagu jiray dhegaysiyada kiiska bishii la soo dhaafay, wasiirka caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee Sudan, Muawia Osman, ayaa u sheegay maxkamadda in “xasuuqa socda uusan suurto-gelayn la’aanta Imaaraadka, oo ay ku jirto dirista hubka lagu siiyay RSF.”
“Taageerada tooska ah ee dhanka saadka iyo adeegyada kale ee Imaaraadka uu siiyay, welina sii hayo RSF, waxay ahayd sababta ugu weyn ee horkacaysa xasuuqa hadda socda – oo ay ka mid yihiin dilal, kufsi, barakicin qasbi ah iyo dhac,” ayuu yiri Osman.
Khartuum waxay ICJ ka codsatay in ay amar ku bixiso in Imaaraadku joojiyo taageerada RSF, islamarkaana bixiyo “magdhaw buuxa,” oo ay ku jirto lacago loo qoondeeyo dhibbanayaasha dagaalka.
Inkastoo ICJ ay diidday dacwaddii Sudan, dagaalka hubeysan ee dhiigga badan sababay ee dalkaasi kama muuqato calaamad muujinaysa in uu istaagayo.
Axaddii, RSF ayaa weerar ku qaaday magaalada Port Sudan, sida ay shaaciyeen ciidamada dowladda, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee xarunta dowladda la beegsado tan iyo markii uu dagaalku billowday labo sano kahor.