29.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 13, 2025

Somaliland: Colaad 10 sano ka badan taagnayd oo heshiis laga gaaray

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa si rasmi loogu gaaray heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjaray colaad ka taagnayd deegaanka muddo ka badan toban sano.

Colaaddan oo u dhaxaysay laba beelood oo wada dega gobolka ayaa muddo dheer sabab u ahayd khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo sidoo kale keentay barakac baahsan iyo xasilooni darro ku habsatay deegaannadaasi.

Shirka nabadda Ceel Afweyn oo muddooyinkii u dambeeyay socday, ayaa lagu dhammeystiray go’aanno muhiim ah oo ay isla oggolaadeen beelaha dirirtu dhex martay. Go’aamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii beelahaas loogu soo celin lahaa kalsoonida, loo xoojin lahaa wada-noolaanshaha, isla markaana loo damaanad qaadi lahaa in dagaallo dambe aysan mar kale ka dhicin deegaanka.

Go’aamada lagu gaaray shirka nabadda

Inta lagu guda jiray shirka, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay dhowr qodob oo sal u ah heshiiska lagu gaadhay. Go’aamadaas waxaa kamid ahaa in dhulka uu iska leeyahay Alle, xukuumadda Somalilandna ay tahay masuulka ugu sarreeya ee ka talisa dhulkaas. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in dhammaan dadka deegaanka ay wadaagaan ka faa’iidaysiga dhulka, daaqa, biyaha iyo waddooyinka sidii ay u wada manaafacsanayeen kahor dagaalladii dhacay.

Qodob kale oo muhiim ah ayaa ahaa in dadkii colaadda darteed uga qaxay deegaannadoodii dib loogu celiyo si nabad ah, iyadoo la oggolaaday in qof kastaa gurigiisa ku laabto.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in wixii deegaameyn cusub ah lagu saleeyo nidaamka dowliga ah, taasoo micnaheedu yahay in cid aan ahayn xukuumadda aanay sharci u lahayn go’aan ka gaarista deegaamayn cusub.

Hawlaha guddida nabadaynta iyo doorka xukuumadda

Guddoomiyaha guddida nabadaynta Ceel Afweyn, Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre, oo hadal ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee keentay in nabaddu dib u dhacdo ay ahayd in aysan jirin mag si sax ah laysku siiyay, iyo in aysan jirin gacantii fulin lahayd go’aannada laga gaaro khilaafka.

Suldaanku waxa uu sheegay in labadaas arrimood hadda la helay, isla markaana rajeynayo in nabaddu si buuxda uga hirgasho gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in laga bilaabo waqtigaas ay go’aamada shirka dhaqan gal yihiin. Waxa uu tilmaamay in ciidamada amniga ay haystaan amar cad oo ku saabsan fulinta go’aamadaas, ayna noqon doonaan kuwo aan wax laga beddeli karin.

Wasiirku waxa uu bulshada deegaanka u sheegay in nabadda aysan si fudud ku imaan, balse ay ahayd mid loo huray dadaal badan.

Dardaarannada hoggaanka

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u soo afmeeray shirweynaha, isagoo muujiyay in Ceel Afweyn ay u baahan tahay midnimo iyo isku duubni. Wuxuu carabka ku dhuftay in laga waantoobo dagaallada iyo isdilka u dhaxeeya dadka deegaanka, isagoo bulshada ku wargeliyay in aanay dib u dhicin colaaddii soo martay gobolka.

Dardaaran uu jeediyay madaxweyne-ku-xigeenka ayuu ku muujiyay sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo nabadda cusub. Waxa uu ka codsaday dadka deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada, in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kacsanaan.

“Reer Ceel Afweyn ha is dilaana, ha isku dan beelaan,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Waxa uu sidoo kale xusay in wixii tabasho ah lagu xallin karo dariiqa garsoorka iyo wada-hadalka.

Taageerada beelaha ee heshiiska la gaaray

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), oo ka mid ahaa wakiilada beelaha shirka ka qeybgalay, ayaa sheegay in beesha uu matalo ay aqbashay dhammaan qodobadii shirka ka soo baxay.

Waxa uu sheegay in haddii gar la iskugu yimaado la is aqbalo, waxna la iska dhaafo, waxna la isku kordhiyo. Waxa uu sidoo kale xukuumadda ka codsaday in ay adkayso fulinta go’aamada, si aanay mar kale dib ugu soo laaban colaadaha.

Boqorka ayaa xusay in muhiimaddu aysan ahayn oo kaliya heshiis qoran, balse ay tahay hirgelinta dhabta ah ee qodobada lagu heshiiyay.

Waxa uu ka digay in haddii aan si dhab ah loo dhaqan gelin, colaadda ay mar kale qarxi karto, sida ay horey uga dhacday shirar dhowr ah oo aan la fulin go’aamadoodii.

Rajada cusub ee nabadda Ceel Afweyn

Colaadda Ceel Afweyn ayaa ahayd mid salka ku haysay muran dhuleed iyo ceelal biyo ah, iyadoo sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, barakac iyo burbur dhaqaale.

Shirkan ayaa noqday mid lagu rajo weyn yahay in uu si dhab ah u soo afjaro colaadda, isla markaana gogol u furo nabad waarta oo laga hirgeliyo gobolka Sanaag.

Wixii horay u dhici jiray, sida heshiisyo aan la fulin, ayaa keentay niyad jab guud oo ku dhacay bulshada. Balse hadda, iyadoo xukuumadda Somaliland si toos ah uga go’an tahay fulinta go’aamada, beeluhuna ay muujiyeen diyaar garow, waxaa jirta fursad dhab ah oo lagu gaari karo nabad waarta.

Sidoo kale, Shacabka deegaanka Ceel Afweyn ayaa si weyn u soo dhoweeyay go’aamada laga gaaray shirka, iyagoo muujiyay rajo cusub.

Waxgaradka, salaadiinta, iyo culimada ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan hirgelinta heshiiska, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay burburiso nabadda la gaaray.

Shirkan wuxuu dhigay aas-aas cusub oo lagu dhisayo kalsoonidii luntay. Ceel Afweyn waxa ay u baahan tahay kaalmada dhammaan qaybaha bulshada si nabadda maanta la gaaray ay u noqoto mid lagu suuliyo dhaqankii hore, ka hana qaada deegaannadaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News