Beledweyne (Caasimada Online) – Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo kamid ah Ugaasyada Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay Colaadaha soo noqnoqday ee ka taagan deegaanada hoostaga Gobolka Hiiraan.
Ugaas Xassan, ayaa sheegay in dadka degan Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo isku dhow isla markaana is jecel, waxa uuna tilmaamay in Colaadaha soo laalaabtay ay yihiin kuwo siyaasadeysan.
Ugaaska waxa uu tilmaamay in goortii la doonaayo in la arbusho amniga iyo xasiloonida Hiiraan la adeegsado laba beel oo walaalo ah.
”Colaada soo laalabatay ee ka taagan Hiiraan waxaa ololinaaya Siyaasiyiin dano gaara leh ee ma jiraan Beelo is neceb oo doonaaya in Carruurtooda ay ku haligaan dagaalka”
Ugaas Xassan, waxa uu carab dhabay in loo baahan yahay in dhagaha laga fureysto Siyaasiyiinta dooneysa in mar un dhagahooda ay kusoo dhacaan Beelo walaala ah oo ku dagaalamaaya Gobolka Hiiraan.
Ugaaska ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay in colaadooda ay ku dhameeyaan wadda hadal iyo khliaaf kasta oo jira aan lagu xalin gaacan ka hadal, waxa uuna ka digay in dhagaha loo raariciyo waxa uu ugu yeeray dagaal oogayaasha.
Sidoo kale, Ugaas Xassan ayaa Siyaasiyiinta ka shaqeyneysa Colaada Gobolka Hiiraan ugu baaqay in faraha ay kala baxaan arrimaha ku xeeran Beelaha walaalaha.
Haddalka Ugaas Xassan ayaa imaanaya xili maanta magaalada Beledweyne lagu qabtay kulan lagu dhex dhexaadinaayay laba Beel oo colaad ay ka dhex aloosneyd.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

