Muqdisho (Caasimada Online) – Rajadii uu Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka lahaa in loo doorto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa wiiqantay kadib markii ay kasoo horjeesteen maamullada Puntland iyo Jubbaland ee beesha Daarood.
Labadan maamul ayaa lagu warramayaa in iminka ay taageerayaan labada musharax ee kala ah Saciid Cabdullahi Dani iyo Cali Xaaji Warsame oo labaduba kasoo jeeda deegaanada Puntland.
Xildhibaano kasoo jeeda deegaanadan ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aanka Puntland iyo Jubaland uu yimid kadib markii inta badan xildhibaanada labada aqal ee beesha Daarood ay diideen inay taageeraan Cumar Cabdirashiid.
Wararku waxa ay sheegayaan in inta badan xildhibaanada ay rumeysan yihiin in Cumar Cabdirashiid uu ku xiran yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan, sidaa darteedna madaxtinimadiisa aysan waxba u faa’iideeneyn beesha Daarood.
Shariif Xasan iyo Cumar Cabdirashiid ayaa muddo fog saaxiibo ahaa, waxaana la rumeysan yahay in Shariifka uu mas’uul ka ahaa in laba mar uu Cumar dalka ka noqdo ra’iisul wasaare.

Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland iyo Jubblanad laga soo doortay oo uu Cumar Cabdirashiid shalay qado ugu sameeyey hotelka Paradise ee Muqdisho dorraad, ayaa badankood diiday inay u ballan qaadaan inay taageero siinayaan.
Arrinta ayaa noqotay mid sii caddaatay markii madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas oo kulanka ka qeyb galay uu isna ka gaabsaday in xildhibaanada uu ka codsado inay codkooda siiyaan Sharmaarke.
Gaas ayaa xildhibaanada ugu baaqya inay u codeeyaan musharax u adeegaya dantooda iyo danta deegaanada ay kasoo jeedaan, taasi oo loo macneeyey inuu si dadban ugu baaqay inaan loo codeyn Sharmaarke.
Waxaa sidoo kale Gaas arrintan kala mideysan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isaga markii horeba ka soo horjeeday in la doorto Sharmaarke.
Saciid Cabdulahi Dani iyo Cali Xaaji Warsame oo labaduba ah laba nin oo qunyar socod ah ayaa hadda taageero badan oo ka duwan tii marki hore la filayey ka helaya xildhibaanada beelaha Daarood.
Cumar Cabdirashiid ayaan hadda la ogeyn tallaabada xigta ee uu qaadayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

