32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Galmudug oo ciidamo badan geysay galbeedka Gaalkacyo iyo warar sheegaya in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa lagu arkayaa deegaano ka tirsan Galbeedka magaalada Gaalkacyo halkaasi oo inta badan uu ka dhaco dagaalada u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Galmudug ee halkaasi dhooban ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay qalqal galinayaan dadka deegaanka ah dib uga soo laabtay barakaca.

Ciidamada Galmudug ee buux dhaafiyay Galbeedka magaalada Gaalkacyo, ayaa muujinaaya saan-saan colaadeed, waxa ayna talaabadaani imaaneysa xili Seddexdii maalin ee lasoo dhaafay la maqlaayay rasaas ay is weydaarsanayeen ciidamada labada maamul.

Saraakiil ka kala tirsan labada maamul oo la hadlaayay Saxaafadda ayaa isku jeediyay dhaliilo, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii Puntland ay furtay waddooyin dhowr ah oo xirnaa, halka Galmudug ay ka biya diiday inay furto waddooyinkaasi.

Maxamed C/llaahi Aadan oo ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Galmudug oo ka jawaabaaya furitaanka waddooyinka u xirnaa Puntland ayaa sheegay inaysan ku ekeen Puntland oo dhankoodana ay ka fureen waddooyinka.

Inkastoo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in ay fureen wadooyinkii ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo, ayaa weli waxaa jirta cabashooyin ka imaanaya shacabka, taas oo ku aadan in weli ay xiran yihiin dhaq dhaqaaqii Ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News