24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Musharaxiinta madaxweyne doonka ah oo u batay saddex beel (Aqriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdsho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan lagu wado in dalka Somalia ay ka dhacdo Doorasho Madaxweyninimo, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Musharaxiinta xilkaasi qabashadiisa u taagan ay kor u dhaafayaan 20 Musharax.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi ayaa waxaa ku jira Mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka iyo kuwo ku cusub saaxada Siyaasada oo haminaaya in mar un magacooda laga hormariyo Madaxweyne.

Musharaxiinta oo kor u dhaafeysa 20 ayaa waxaa la xaqiijiyay inay u badan yihiin Beesha Mudullood, waxaana soo labeeya Beesha Majeerteen.

Marka Musharaxiinta laga eego tiro guud ayaa waxaa la saadaalinayaa in 3 meelood laba meel ay yihiin Mudullood, halka barka soo haray ay isugu jiraan Habar-Gidir iyo Daarood.

Beesha Labaad ee ugu badan Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Beesha Majeerteen, waxaana soo saddexeeya Beesha Habar-Gidir, oo wali ay jiraan siyaasiyiin aan Musharaxnimadooda si ramsi u shaacin sida C/kariin Guuleed iyo Axmed Fiqi oo dhex kusoo jira.

Musharaxiinta Beelaha Abgaal iyo Habar-Gidir oo leysku dhaho Beesha Hawiye, ayaa waxa uu mid waliba u hanqal taagayaa in mida kale uu ka guuleysto, waxa ayna saadaashu tahay inay Musharaxiinta Abgaal ay ku horeyn doonaan Kursiga maadaama ay yihiin kuwo kala miisaan badan, marka loo eego Siyaasada.

Musharaxiinta Beesha Habar-Gidir, ayaa iyaguna ku loolamaaya in dhowrka ay yihiin kasoo dhex xushaan Hal musharax si miisaanka loo saaro Musharaxaasi.

Musharaxiinta Beesha Daarood oo ilaa 8 lagu khiyaasay ayaa iyaguna kaashanaaya Dowlada Imaaraadka oo si ba’an kaga soo horjeeda Musharaxiinta Beelaha Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada @live.com

- Advertisement -

Read more

Local News