Ugaaska SADE iyo musharax Garyare oo maanta kulmay

Musharax Xildhibaan Abdiweli Ibrahim Garyare iyo Ugaaska beesha Sade ee deggan gobollada dhexe ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho.

Kulanka Ugaas Taakooy iyo Abdiweli Garyare ayaa waxaa uu la xiriiraa kawada hadalka dariiqa loo marayo doorashada xildhibaanada ee maalmo kadib bilaaban doona.

Waxaana ay isla garteen in dariiqii lagu socday laga soo bilaabo 2000 in aan laga leexan oo ay ku socoto doorashada dalka wadadaasi.

image-0-02-01-b3405819e8da218b32c5be8769fc7856de045331f5b5258460550e4dae078038-v

“Waxaa Ugaas Taakooy isla garanay taageerida isbadel dhab ah oo yimaada iyo in wixii kasoo baxa 51 qof ee dooraneysa xildhibaanka la aqbalo, iyaddoo kor joogto loo yeelayo codbixinta” ayuu yiri Abdiweli Ibrahim Garyare.

Dhinaca kale, waxaa ay kawada hadleen xaalka ammaan ee magaalada Cabudwaaq oo ah mid faraha kasii baxaya.

Ugaask Taakooy ayaa ka mid ah saddexda odey ee  135 odey   ugu jira beesha Sade, qeybtooda deggan gobollada dhexe.