27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Ugaaska Xawaadle oo ka qeylo dhaamiyay eray adag oo uu kala kulmay ugaaska Ceyr

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ugaaska Beesha Ceyre Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa sheegay in dhigiisa uu ku sameeyay bahdil, kadib markii ay wada qaaten kulan aan mirro dhalin.

Ugaaska Xawaadle waxa uu sheegay in dhigiisa uu kala kulmay erayo muujinaaya xushmad la’aan, isagoo aan garankarin sababta ka danbeysay in arrintaasi lagu sameeyo.

Ugaaska Xawaadle waxa uu tilmaamay in isaga iyo Ugaaska Ceyr ay kawada shaqeynayeen xal u helida colaado ka dhex aloosnaa maleeshiyaad labada dhinac kala taabacsanaa oo ku dagaalamaayay xuduudka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Ugaaska Xawaadle waxa uu cadeeyay in arrinta xalinta colaada loogu bedelay erayo bahdil ah, waxa uuna Ugaaska dhigiisa ah ka dalbaday inuu ka jawaab bixiyo bahdilkaasi.

Docda kale, Ugaaska Xawaadle ayaa ku baaqay in si wada jira xal looga gaaro colaada kasoo cusboonaatay xuduudka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News