Fiqi oo xog ka bixiyey halista Gen. Gabre suuragalnimada in mar kale uu soo laabto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in Gen. Gabre laga qaaday wakiilnimada Ururka IGAD ee Somalia.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inaan la xaqiijin karin in Gen. Gabre uu faraha kala baxay dhammaan Siyaasada Somalia, balse waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in mar kale uu kasoo dhex muuqdo Siyaasada.

Xildhibaan Fiqi waxa uu cadeeyay in Gen. Gabre uu faragalin ku hayay Siyaasada Somalia muddo kabadan 10sano, iminkana ay suuragal noqon karto inuu mar kale soo rogaal celiyo.

Waxa uu sheegay in  Gen. Gabre uu Siyaasada Somalia uga dhex muuqan jiray midabo kala ceyn ah, sidaa darteed ay adag tahay inuu ka dhexbaxo.

Xil. Fiqi waxa uu tilmaamay in Gen. Gabre uu yahay mid ku sifoobay xasuuqa Umadda Soomaaliyeed, iyadoo markii ugu horeysay la arkay isagoo hogaaminaaya taangiyo dhowr ah iyo ciidamo Ethiopian ah.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa Gen. Gabre  inuusan soo noqon doonin lama hubo, laakin ka soo dhex-muuqashadiisa shirarka iyo meelaha Soomaaliya arimaheeda lagu haayo oo dalka Soomaaliya ku aheyd ceeb iyo Waji-gabax ugu yaraan waa laga nasan doonaa”

Fiqi waxa uu sidoo kale sheegay in weli magaalada Muqdisho ay ku noolyihiin dadkii sida hoose ula shaqeyn jiray Gen. Gabre

Si kastaba ha ahaatee, Xil. Fiqi ayaa ka digay in Umadda Soomaaliyeed ay ka raali noqdaan in dib uu Somalia uga dhex shaqeeyo Gen. Gabre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com