Uganda oo ciidan xoog leh usoo dirtay kuna sheegatay dhul ay isku hayaan Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Kaluumeysatada Kenya ee ku dhaqan agagaarka harada Magingo ee ismaamulka Migori oo xad wadaag la ah dalka Uganda ayaa eed u jeediyay booliska Uganda oo xanibaad saaray howlahooda Kaluumeysi.

Ciidanka Uganda ayaa maalin ka hor waxay ciidan soo dhoobeen harada Magingo oo ah dhul ay ku muransan yihiin Kenya iyo Uganda walow ay si rasmi ah u degan yihiin muwaadiniin u dhalatay Kenya.

Gudiga ay ku mideysan yihiin kaluumeysata Kenya ayaa sheegay in markii hore ay cabsi galin kala kulmi jireen booliska uganda balse ay kordhiyeen xariga iyo jirdilka ay u geysanayaan.

Waxay ay sidoo kale sheegeen in Uganda ay sheeganeysoin dhulkan uu yahay dhul ay leedahay. Dhulkan ayaa muddo sanado ah ay labadan dal isku haysteen lahaanshihiisa.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Migori ayaa ku eedeyay dowlada Kenya in aysan ka jawaabin dhibaatada ay booliska Uganda ku hayaan shacabka Kenya.

Caasimada Online
Xafiska Nairobi
Caasimada@live.com