Nairobi (Caasimada online) Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda Edward Ssekandi ayaa ugu baaqay wadamada carabta iyo hogaamiyaasha Africa taageerada holwgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya iyo ka qeyb galka wadamada bariga Africa.
Inti uu socday kulankiiu seddexaad ee wadamada Carabta iyo Africa oo ka dhacayay dalka Kuwait, waxaa madaxweyne ku xigeenka Uganda uu sheegay in loo baahan yahay hergelinta amaanka siyaasada iyo xaalada dhanka aadanimo ee gobolka.
Kulanka ka dhacay dalka Kuwait waxaa ka qeyb galay 50 wafuud oo ka kala socotay dalalka Africa iyo Carabta waxaana la isku afgartay xiriir wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah oo dhex mara labada gobol.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda oo hogaaminayay wafdiga Uganda kaga qeyb galay kulankaasi ayaa sheegay in wadankiisa uu si aad u daneynayo nabad iyo kala dambeyn ka dhalata gobolka iyadoo ciidamada Uganda ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
Wuxuu ka dalbaday taageero dheeraad ah golaha amaanka ee QM, si gacan weyn looga geysto dib usoo celinta amaanka dalka Soomaaliya.
Wafdiga dowlada Uganda ee kulanka ka qeyb galay wasiirka arimaha dibada Sam Kutesa, wasiirka xiriirka gobolka Asuman Kiyingi, wasiirka kaluumaysiga Rush Nankabirwa iyo saraakiil kale oo Ugandes ah.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho