Uganda oo ku dhawaaqday amar cusub oo ka farxiyay Soomaalida ku nool dalkaas

Kampala (Caasimada Online) – Amar kasoo baxay maxkamadda sare ee dalka Uganda ayaa lagu faray waaxda socdaalka in dadka Soomaaliyaeed la siiyo dhalashada Uganda waa haddii ay buuxiyaan shuruudaha sharciga u yaalla Uganda.

Garsoore Mussa Ssekaana oo xukunkaasi ku dhawaaqay sheegay in go’aankaasi uu danbeeyay markii xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ay dacwo iyo cabasho ka dhan ah waaxda socdaalka u gudbiyeen maxkamadda sare sanadkii 2019-kii.

Xubnahaasi Soomaaliyeed ee dacwada gudbiyay ayaa loo diiday inay qaataan dhalashada Ugandha markii ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay.

Xubnaha dacwadda ka dhanka ah waaxda socdaalka gudbiyay maxkamadda ayaa kala ah, Abdu Abukar Hussein, Abdullah Ahmed Shiekh, Yahya Yusuf, Xirsi Mohamed, Abdinassir Hussein Shire, Mohamed Abduweli Abdulla, Ahmed Noor Osman iyo Multiracial Community Uganda (MCU) Ltd.

Kumanaan Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Uganda, waxaana jira Soomaali tira badan oo ka dhex muuqda ganacsiga ugu weyn dalka Ugandha. Sidoo kale, waxaa jira Soomaali dalkaas ku jooga sharciyo qaxooti.