Jeneraal Mareykan ah oo isbarbar dhig yaab leh ku sheegay in Soomaaliya ay ka amni badan tahay Kenya

Washington (Caasimada Online) – Madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) General Stephen Townsend ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay uga halis badan tahay Soomaaliya in ciidamada Mareykanka ee loo xil-saaray Soomaaliya ay ka howlgalaan.

Townsend oo su’aalo uga jawaabayey guddi ka tirsan Senate-ka Mareukanka ayaa sheegay in go’aankii uu madaxweyne Trump ciidamada uga soo saaray Soomaaliya uu adkeeyey inay la dagaalamaan Al-Shabaab. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qacida ay tahay “kooxda ugu koritaanka badan, ugu hodansan, uguna wax dilista badan dhammaan kooxaha argagixisada ee caalamka.”

Waxa uu intaas ku daray in soo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay dadka Mareykanka ah ee ku sugan dalalka deriska la ah ka dhigtay kuwa wajahaya halis ka badan tii hore.

“Aragtideeda waxay tahay in dagaalkeena hadda goos gooska ah, ama aan ugu magac darnay dagaalka usoo safarka, uu horseeday caqabado iyo halis cusub oo soo wajahday ciidamadeena,” ayuu yiri Townsend. 

“Qiimeynteyda waxay tahay in taasi aanay wax ku ool aheyn, oo aanay ku filneyn islamarkaana ay ciidankeena gelineyso halis ka ballaaran sidii hore,” ayuu yiri Jeneral Townsend. 

Hadalka Townsend ee ah in ciidamada Mareykanka ay Kenya uga halis badan tahay inay ka howlgalaan Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo dalka Kenya uu ku asiibay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay la beegsato.

Al-Shabaab ayaa 5-tii bishii Janaayo 2020 weeraray saldhig ay ciidamada Mareykanka ku lahaayeen gudaha dalka Kenya ee la yiraahdo Mand Bay, halkaasi oo ay ku dileen askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ah.