FARMAAJO iyo ROOBLE oo war kasoo saaray geerida ku timid Dr. SHEEKH SHARIIF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saartay geerida ku timid Allaha u naxariistee Muftigii Diimeed ee caanka ahaa Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray tacsi tiiraanyo leh ugu diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekha.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ahaa  caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka,  waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka tacsida ee kasoo baxay Villa Soomaaliya

Dhankiisa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi.

“Waxaan qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi oo Miqdisho ku geeriyooday,”.

AUN Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi oo ahaa Mufti Diimeed la qadariyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday xanuun kelyaha ka haayay maadaama shaqadoodii ay gabeen, si joogto ahna looga dhaqi jiray.

Sanadkii Sagaashameeyadii ayaa lagu xasuustaa inuu soo noqday Guddoomiyihii Hirgelinta Shareecadda Islaamka ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, xiligaasi oo dadka ay ku tiirsadeen maxkamaddii waagaasi jirtay ee Sheekh Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa.