Ujeedada qarsoon ee ay dowladda Kenya ka leedahay tallaabadii ay shalay qaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxay shalay si fudud duulaan ugu qaaday waxa ugu weyn oo ay Soomaalida wada ilaashato oo ah midnimo halka uu danjire Tarsan-na uu shalay hantiyey dhibco siyaasadeed oo uu shaqo ahaan u curin waayey intii uu xafiiska joogay.

Nairobi waxay isku diyaarineysaa waji cusub oo ay kula dhaqanto Soomaaliya oo hoggaamiye cusub dooratay 15-kii Bishii lasoo dhaafay ee May. Waxay kasoo gudbeen Kenyaanka 5 sano oo aysan ku raaxeysan cilaaqaadka diblomaasiga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay Kenya u aheyd mid kamid ah dalalkii uu ugu xagjirsanaa xagga la macaamilka siyaasadda.

Inkastoo ay shacabka Soomaalida ku kala qeybsameen sida uu Farmaajo u fogeeyey Kenya una soo dhaweystay Itoobiya, haddana markii la arko wax lamid ah dhacdadii shalay, waxaa bata dadka taageersan inuu Farmaajo ku saxnaa sida uu ula macaamilay Kenya.

Haddaba maxaa dhacay shalay?

Shir sanadeedka diblomaasiyiinta shisheeyaha ah ayuu shalay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu yeeray safiirada iyo diblomaasiyiinta jooga Kenya, waa shirkiisii ugu dambeeyey maadaama ay Kenya doorasho galeyso horraanta bisha August ee sanadkan, iyadoo ay tartamayaan madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Shirkaas waxaa soo xaadiray safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Sidoo kale waxaa isna joogay wakiil ka socday xafiiska Somaliland uga furan magaalada Nairobi.

Waxaa la sheegay inuu daniire Tarsan dalbaday in la saaro wakiilka Somaliland iyadoo ay Kenya ilaalineyso midnimada Soomaaliya, laakiin jawaab ku haboon lama siin diblomaasiyiinta Soomaalida taasoo keentay inuu danjire Tarsan isaga baxo shirka kadibna warqad ashtako oo deg deg ah u qoro dowladda Kenya. Dad badan ayaa bogaadiyey tallaabadaas.

Uhuru waxaa muddooyinkaan ku dhex jira Raila Odinga oo ay wada socdaan siyaasad ahaan. Raila Odinga wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta Kenyaanka ah ee aaminsan in Somaliland la aqoonsado.

Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadii shalay ku tilmaamtay kala qeybin iyo ku xadgudub lagu sameeyey jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Somaliland ayaa iyadana si kulul uga jawaabtay in daniire Tarsan uu dartood uga baxay shirkii kala war qaadashada madaxweynaha Kenya iyo diblomaasiyiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxay arrintaani ku qeexday mid muujineysa waxa ay ugu yeereen naceyb iyo cadaawad soo jireen ah oo ay dowladda federaalka ee Soomaaliya u qabto Somaliland.

Dowladda Kenya oo iyadana dhankeeda ka jawaabtay dhacdadii shalay waxay sheegtay inay ka shanleeneyso sidii ay wax u dhaceen iyo nooca falcelinta ka timid Soomaaliya, waxayna farriinta Kenya u muuqatay mid cudur-daar ah.

Laakiin marka lagu eego indho diblomaasiyadeed waxaa kuusoo baxeysa fasiraad kale.

Maxaa lagu qeexi karaa ujeedka dowladda Kenya ee dhacdadii shalay?

Diblomaasiyiinta waxay aaminsan yihiin in Kenya aysan ilduuf u sameyn arrintii shalay, balse ay ku xoojineyso loolankeeda cusub ee Soomaaliya.

Nairobi waxay durba walaac ku abuurtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dhawaan waxaa bilowday wada-hadallo la rabay in lagu fasaxo jaadka kasoo go’a Kenya ee suuqiisa ugu weyn uu yahay Soomaaliya iyo hagaajinta cilaaqaadka labada dal oo xumaa muddooyinkii lasoo dhaafay.

Maadaama laga wada hadlayo dano iyo wax kala badalasho, Muqdisho waxyaabaha la hor dhigi karo waxaa kamid ah waxa ay ku bedelaneyso inay Kenya wiiqdo cilaaqaadka Somaliland, waana xujo jirta.

Dadka Soomaalida ee isha ku haya wada-hadalka labada wadan waxay badi sugayaan fursad dhanka socdaalka ah in la dhaafsado fasixidda Jaadka, laakiin Nairobi oo aan jecleyn inay dhankaasi wax ka badasho ayaa diblomaasiyiintu qabaan inay shalay meel kale oo muhiim ah farta ugu fiiqday Soomaaliya.

Imtixaanada hor yaala madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kamid ah sida uu ula macaamilo dowladaha Kenya iyo Itoobiya.