Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xasan Diirshe oo ah macalin ku taqasusay cilmiga siyaasadda, waxna ka dhiga Jaamacad ku taal dalka Koonfur Afrika, ayaa ka hadlay shirkii dalka Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweynayaha DF Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Max’uud (Siilaanyo) isaga oo u waramayey mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Cabdirashiid wuxuu sheegay in kulanka labadda nin aan lagu soo qaadin wax dan iyo maslaxad u ah ummadaha ay metelaan; balse ay ka wadahadlayeen sidii mid kasta uu kan kale kaga caawin lahaa inuu ku guuleysto doorashada ku soo fool leh.
“Xasan Shiikh iyo Siilaanyo nin kasta shacabkiisa ayuu been u sheegayaa kulanka Jabuuti wuxuu ahaa un dhoolatus; ujeeddada dhabta ah ee kulanka Jabuuti waa sidii mid kasta uu kan kale uga caawin lahaa inuu doorashadda ku soo fool leh ku soo baxo, Siilaanyo wuxuu doorasho galayaa 2015, Xasan Shiikhna 2016. Labadooda doorasho kulul ayaa sugeysa mid kasta inuu soo noqdo ayuu ku haminayaa, markii ay fikireen waxeey isla garteen in ay garab isi siiyaan” ayuu yiri Cabdirashiid.
Waxa uu intaas ku dara “Siilaanyo markii uu Hargeysa yimid wuxuu saxaafadda u sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay isu qaabileen sidii 2 Madaxweyne. Xasan Shiikh markii uu Muqdisho ku soo laabtay wuxuu saxaafadda u sheegay in Dowladiisu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa wadajirkii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed”
Waxa uu Cabdirashiid Xasan sheegay in shacabka ay tahay in ay iyagu dantooda qabsadaan oo aaney waxba ka sugin hogaamiyayaal uu ku tilmaamay daneysataal.
Cabdirashiid mar la weydiiyey sida ay isu garabsan karaan Xasan Shiikh iyo Siilaanyo; wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Xasan Shiikh uu u fududeynayo Siilaanyo shirar ma dhaleys ah oo aaney waxba ka soo baxeyn; deetana Siilaanyo uu sheeganayo natiijooyin been abuur ah.
“Siilaanyo isaga oo isticmaalaya saaxiibadiisa ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu fududeyn karaa in Xildhibaanada beesha Direed ay codkooda siiyaan doorashada 2016 Xasan Shiikh” Ayuu yiri Cabdirashiid.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]