Ujeedka booqashada lama filaanka ah ee Abiy Ahmed uu ku tegay Eritrea?

Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa safar aan la shaacin oo lama filaan ah ku tagay caasimada dalka Eritrea ee Asmara, xili dalkiisa ay ka taagan yihiin rabshado hor leh.

Abiy Axmed ayaa waxa si weyn madaarka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyada oo noqoneysa booqashadiisi shanaad ee uu dalkaasi ku tago.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan yeeshay kadib markii ay labada dal soo afjareen xiisadii ka dhex aloosneyd bishii Luulyo ee sanadkii 2018.

Wararka aan ka helayno safarkaasi ayaa sheegaya in Abiy iyo Afwerki ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira xiisada ka taagan Itoobiya, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn qaabka ay diirada u saareen.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada-hadlay dadaalo lagu dar-dar gelinayo heshiiskii iskaashi ee ay kala saxiixdeen, kaasi oo soo afjaray khilaaf socday in ka badan labaatan sano.

Kulanka Afwerki iyo Abiy ayaa lagu soo hadal qaaday xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar ee Nile-ka, xili ay dowladda Addis-Ababa ay bilowday buuxinta biyo-xiteenka uu muranka badan ka taagan yahay.

Booqashada Abiy ee Asmara ayaa imanaysa xili ay dalkiisa ka taagan yihiin rabshado iyo qalaalase siyaasadeed oo ka dhashay dilkii Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan caan ah oo kasoo jeeday Oromada.