Xiisad xoogan oo ka taagan Somaliland iyo wararkii ugu dambeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ku howlan daminta xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka ah ee lagu sheegay in xal looga gaaray khilaafkii doorashooyinka.

Heshiiskaasi oo la sheegay inuu si rasmi ah u badalayo midkii ay saddexda xisbi qaran wada-gaareen 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan, ayaa dhigaya in cabashada ka taagan saami-qeybsiga aan dhag jalaq loo siin, isla markaana doorashada lagu galo sidii hore.

Qaar kamid ah Shacabka Somaliland ayaa ka horyimid heshiiskaasi, iyaga oo u arkaya in aan la tix-gelin cabashada beelo kamid ah kuwa Somaliland, oo iyagu qaba inaysan helin kuraastii ay xaqa u lahaayeen.

Gudaha Somaliland ayaa waxa laga dareemaya xiisadaasi, taasi oo ay xukuumada Muuse Biixi isku dayeyso inay dejiso, maadama ay beelaha qaarkood oo u badan kuwa darafyadu ay qaadaceen inay ka qeyb galaan doorashadaasi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Khilaafka ka dhashay doorashooyinka Somaliland ayaa u muuqda mid waji cusub yeeshay, isaga oo xiligii hore u dhaxeeyay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda, wallow uu hadda u muuqdo mid ka dhex aloosan beelaha dega Somaliland iyo xukuumada oo ay la safan-yihiin xisbiyada mucaaridka.

Xisbiyada mucaaridka oo iyagu laftigoodu hore ugu ololeyn jiray in wax ka badal lagu sameeyo arrinka Saami-qeybsiga, isla markaana hoos loo eego cabashooyinka beelahaasi ayaa hal mar heshiis ka dhan ah arrinkaasi la saxiixday xukuumada Biixi, taasi oo la rumeysan yahay in taageero badan ay ku lumiyeen.

Doorashooyinka Somaliland ee xisbiyada iyo xukuumada Muuse Biixi ku heshiiyeen in la qabto ayaa waxa dul saaran calaamad su’aal? maadama ay ka hor-yimaadeen qabashadeeda qaar kamid ah beelaha dega Somaliland.