B/Caalamka oo taageero u muujisay S/Land + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeysay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland, kaasi oo xal looga gaaray khilaafka doorashooyinka.

Dalalka beesha caalamka ee sida weyn ula dhacsan nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland, ee dhanka doorashooyinka ayaa garab istaag buuxa ugu muujiyey heshiiska cusub ee laga gaaray qabsoomida doorashooyinka.

Dalalkaasi oo ay kamid yihiin Mareykanka, Norway, Sweden, Canada iyo UK oo ay ku wehlinayaan hay’addo caalami ah oo ay hor kaceyso Qaramada Midoobay ayaa si wada-jir ah ugu sacabo tumay in doorasho loo dhan yahay ay ka qabsoomto Somaliland.

“Saaxiibada caalamiga ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay soo dhaweeyeen heshiiska ay gaadheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ee la saxeexay 12 Julay 2020 si doorashada baarlamaanka iyo deegaanka loo qabto 2020” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay si wada-jir ah usoo saareen in ka badan 15-dal iyo ururo caalami ah.

Waxa kale oo lagu yiri war-murtiyeedkaasi “Heshiiskan taariikhiga ahi wuxuu fursado cusub siinayaa in hore loo sii wado diyaar garowga doorashada waxaana looga baahanyahay guddiga doorashada inay 14 cisho gudahood waqti farsamo ee jadwalka ku keenaan oo ka bilaabmayay 12 Julay 2020”.

Dalalkaasi ayaa sidoo kale heshiiska laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland u arka mid si gar ah fursad u siinaya dhallinyarada haweenka iyo ragga leh ee aan weligood dooran wakiiladooda ay doortaan, maadama dhowr jeer loo muddo kordhiyey.

Ugu dambeyntiina waxay Madaxweynaha, xisbiyada siyaasadda, Baarlamaanka, guddiga doorashada iyo maxkamadda sare ugu baaqeen in dadka laga tirada badan yahay lagu daro inay codeeyaan oo ay murashixiin noqdaan, xili la isku af-gartay in wax badal lagu sameyn saamiga doorashada ee beelaha Somaliland.

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay jawhareer siyaasadeed oo ka dhashay dib udhac badan oo ku yimid doorashooyinka, inkasta oo dhawaan laga gaaray heshiis saddex geesood ah oo lagu xalinayo xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka.