Laba arrin oo sabab u ah safarka Axmed Madoobe uu maanta ku tegay Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado, soo dhaweyn heer sare ah ayaana loogu sameeyay.

Axmed Madoobe ayaa saddex maalmood ku sugnaa magaalada Garowe halkaas oo uu uga qeyb galay aaskii madaxweynahii hore Puntland (Maxamed Cabdi Xaashi ) iyo Ra’iisul Wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Safarka uu madaxweynaha ku tagay magaalada Cadaado laba arrin ayey dadka falanqeeya siyaasadda ku sheegeen.

Sababta ugu horreysa waxaa lagu sheegay in Axmed Madoobe iyo magaalada Cadaado ay ka dhaxeyso taariikh weyn maadaama aabahiis Shiekh Maxamed Islaam uu daaci ka ahaa muddo badan halkaas, waxaana jirta inuu wakhti ku noolaa magaladaas.

Waxaa jirta sabab kale oo ay dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika aad u hadal hayaan taasoo ah inuu isaga mashquulinaayo soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo oo galabta kusoo wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Xiriirka u dhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaan wanaagsaneyn tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha Jubbaland, waxaana jira khilaaf xoog leh.

Si kastaba labadaas arrin ayaa loo sababeynayaa safarka madaxweynaha Jubbaland ee magaalada Cadaado.