Sawirro: Wafdi hordhac u ah safarka Farmaajo oo maanta soo gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdi hordhac u ah safarka madaxweynaha ayaa gaaray Dhuusamareeb, waxaana hogaaminaya agaasimaha madaxtooyada Abdinuur Maxamed Ahmed oo bartiisa Facebook kusoo daabacay qoraal iyo sawiro uu ku muujinayo iney hordhac u yahin wafdiga madaxweynaha ee maanta galinka dambe gaaraya halkaas.

Qoraalka uu soo dhigay agaasimaha madaxtooyada wuxuu u qornaa sidan:

Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug.

Galmudug waa hoyga martisoorka.


Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaas uga qeybgalo wajiga labaad ee shirkii dhawaan ka dhacay Dhuusamareeb markaas oo ay kulmeen madaxda shanta maamul ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkaas ayaa lagu casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaas oo isna goor hore halkaas gaaray inkastoo uu Garowe u gudbay si uu kaga qeyb galo aaskii allaha u naxaristee Ra’iisul Wasaarahii hore Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.