Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay Jimcihii in xog muhiim ah laga jabsaday nidaamka cusub ee dal-ku-galka e-visa-ha Soomaaliya, maalin kaddib markii uu Mareykanku soo saaray digniin taas la mid ah.
Sida ay daabacday majaladda Somalia Today, labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “tuhunno la aamini karo” oo ku saabsan in jabsi dhacay lagu kashifay xogta shakhsiga ah ee ugu yaraan 35,000 oo qof oo safar ahaa.
Digniintan ku saabsan jabsiga e-visa-ha ayaa kicinaysa cabsi amni oo weyn.
Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK (FCDO) ayaa cusbooneysiiyay taladiisa safarka ee rasmiga ah November 14. Talada cusub waxay si toos ah farta ugu fiiqaysaa digniintii Safaaradda Mareykanka ee soo baxday November 13.
Sida ay sheegtay digniinta Mareykanka, kooxo wax jabsada (hackers) ayaa u dhacay nidaamka e-visa-ha taariikhdu markay ahayd ama ku dhoweyd November 11. Safaaraddu waxay soo bandhigtay liis walaac leh oo ku saabsan xogta laga yaabo in la xaday.
Waxay (digniintu) sheegtay in xogaha banaanka u soo baxday ay ka mid yihiin “magacyada dadka fiisaha codsaday, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, ciwaannada email-kooda, xaaladdooda guur, iyo ciwaannada guryahooda.”
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay “inaysan awoodin inay xaqiijiso in xogta qof gaar ah ay qayb ka tahay jabsiga.” Si kastaba ha ahaatee, waxay ka digtay in qof kasta oo codsaday e-visa-ha Soomaaliya “laga yaabo inuu saameeyay.”
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maamusha nidaamka e-visa-ha. Wali ma aysan soo saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan jabsiga ama tallaabooyinka ay qaadayso si ay ku sugto amniga xogta dadka safarka ah.
Maalmo ka hor, UK waxay la-talinteeda safarka ee rasmiga ah waafajisay shuruudda e-visa-ha federaalka Soomaaliya, taasoo xoojisay gacan ku haynta Muqdisho ee xuduudaha dalka.
Tilmaamaha cusub ee UK, oo la cusbooneysiiyay Talaadadii, ayaa xaqiijinaya in dhammaan dadka safarka ah looga baahan yahay inay hadda maraan habraaca e-visa-ha federaalka.
“Waa inaad haysataa dal-ku-gal (fiiso) si aad u gasho Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.” Tani waxay xaqiijinaysaa in rakaabka ku wajahan Muqdisho ay qasab ku tahay inay internetka ka dalbadaan e-visa-ha federaalka inta aysan soo dhoofin.
FCDO-da ayaa ka digtay in shirkadaha diyaaraduhu ay u badan tahay inay dalban doonaan e-visa-ha federaalka si loogu oggolaado raacitaanka diyaaradda.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale xustay in mas’uuliyiinta Somaliland ay diidi doonaan fiisahan federaalka ah marka la yimaado. Taas beddelkeeda, Hargeysa waxay ku qasbi doontaa rakaabka inay “iibsadaan dal-ku-gal hal mar ah” isla goobtaas.

