Dowladda UK oo war culus kasoo saartay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda Geeska Afrika ee ka dhalatay heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

“UK waxa ay ka walaacsan tahay xiisadaha kasii daraya ee Geeska Afrika. Waxaan dib u xaqiijineynaa ixtiraamka buuxa ee aan u heyno madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa ku baaqday is-xakameyn iyo si nabad leh loo xalliyo arrintan.

Dalka UK ayaa ayaa noqnaya dalkii ugu dambeeyey ee taageera madax-banaanida Soomaaliya. Waxaa horey Soomaaliya u taageeray Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Turkey iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhankooda difaacay kuna adkeystay heshiiska is-afgaradka.

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.