Daawo: Jawaari oo shaaciyey damac yaab leh oo ku jira dalal ay ugu horreyso Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa si faahfaahsan uga hadlay khayraadka ku jira dhulka Soomaaliyeed iyo damaca uga jira dowlado badan oo Itoobiya ay ugu horeyso.

Ugu horeyn guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay sharci darro weyn tahay in maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya uu heshiis la galo dowlad shisheeye, isagoo cadeeyey in cid aan heyn dowladda federaalka aysan geli karin heshiis caalami ah.

“Maamullada gobolada waan idinla soconaa, waxaan idin kaga digeynaa inaad u kala dhuumataan dowladaha caalamka oo aad heshiis la gashaan, dhulkaan waa dihan yahay, yaan lagu xad-gudbin,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in dowlado ay ugu horeyso Itoobiya aysan u socon badda oo kaliya balse damacu uu badan yahay.

“Dhulkaan waxaa ceegaaga macaadin iyo shidaal, badda kaliya looma socdo, sidaas daraadeed waxaan u baahanahay digtooni badan,” ayuu yiri Jawaari.

Prof. Jawaari ayaa Soomaalida xusuusiyey dhibaatadii uu marsiiyey murankii badda ee Kenya ay uga guuleysatay Soomaaliya, sidaas darteed ay muhiim tahay in laga digtoonaado heshiisyadaan keenaya muranka iyo is qabqabsiga.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu horay u galay qalad noocaan ah, markii uu dekedda Berbera ku wareejiyey shirkadda DPWord ee Imaaraadka laga leeyahay, isagoo sharaxay doorkii baarlamaankii uu guddoomiyaha ka ahaa oo isku dayey inuu hor istaago heshiiskaas.

“Mooshin ka dhan ah heshiiskii uu xiligaas Muuse Biixi ku bixiyey dekedda Berbera ayaa waxaa soo diyaariyey xildhibaano badan, waxay u soo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana ka qaadanay qarar adag, in kastoo uusan saxiixin madaxweynihii xafiiska joogay Farmaajo,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Hoos ka daawo Jawaari