26 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

UK oo war ka soo saartay mooshinka la hor-geeyay baarlamanka Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa, Stuart Brown ayaa markii u horeysay ka hadlay mooshin dhowaan loo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland.

Danjire Stuart Brown ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo mooshinkaasi, kaasi oo uu ku tilmaamay mid cadeyn u ah sida ay xisbiyada Somaliland uga go’antahay in la fuliyo heshiiskii qabsoomida doorashooyinka.

Mr. Brown ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “Waan soo dhowaynayaa mooshinkii xisbiyadu u dhamaayeen ee ku saabsanaa xubinimada gudida doorashooyinka”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa cadayn muhiim ah oo muujinaysa inay xisbiyada oo dhan ka go’an tahay inay fuliyaan heshiiskii 27-July ee laga gaadhay qabashada doorashooyinka Somaliland ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanad”.

15-xildhibaan oo kamid mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa mooshinkaasi u gudbiyey golaha, kaasi oo la filayo in Ciida dabadeed ay xildhibaanadu dood ka yeeshan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News