Boqolaal Soomaali ah oo ay dayaceen shirkadihii waday oo aan xajka gudan

Makka (Caasimada Online) – Boqolaal Xujey Soomaali ah ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan.

Xujeydan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka.

Tirada Soomaalida aan xajin ayaa lagu sheegay 400 oo qof, kuwaas oo sheegay in xitaa aysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan.

Dadka aan xajka gudan ayaa cabasho ka muujiyey ilaa afar ka mid ah shirkadaha Soomaalida ee sanadkan xajka usoo qaaday Soomaalida, oo ka baxay ballantii ay dadkan kasoo qaadeen.

Waxay sheegeen in markii hore ay shirkadahan si wanaagsan u wadeen howsha oo ay dejiyeen hoteello, balse markii Xajka uu soo dhowaaday ay meel cidlo ah uga tageen.

Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku xugan Xajka, kaasi oo sheegay inuusan ka war-hayn dad aan xajin.

Cusmaan ayaa sheegay inay jiri karaan qaladaad dhacay oo xagga acmaasha cajka ah, balse uusan rumeysneyn inay jiraan dad aan gebi ahaanba xajka gudan.

Hoos ka dhageyso wareysiyo ku saabsan cabashada dadkan iyo jawaabta wasiirka.

Codadka xujeyda cabaneysa

Jawaabta wasiir ku-xigeenka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com