Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii ka qarxay qeybo ka mid ah Somaliland

Ceel Afweyn (Caasimada Online) ― Sida ay Caasimada Online wararkeedi hore idinku soo gudbisay waxa uu maanta dagaal ka dhex-qarxay labo beelood oo mudooyinkii u dambeeyay isku dagaalsanaa deegaanada degmada Ceel-Afweyn, kuwaasi oo colaadooda mudooyinkii u dambeeyay soo cusboonaneysay.

Warar kale oo ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa sheegaya in uu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, kadib markii mid kamid ah labada beelood maleeshiyaad ka tirsan ay weerar ku qaadeen dad kale oo ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn.

Dadkan ku naf waayey dagaalkan ayaa tiradooda lagu sheegay shan ruux, kuwaasi oo saddex kamid ahi ay ahaayen dumar, halka labada kalena ay rag ahaayen, sida uu inoo xaqiijiyey maayirka magaalada Ceel-Afweyn.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxa dhaawac ka soo gaaray afar ruux oo kale oo iyaguna ku sugnaa goobta maleeshiyaad beeleedku ay rasaasta ku fureen.

Maayirka degmada Ceel-Afweyn oo isagu ka hadlayey dagaalkaasi ayaa waxa uu yiri “Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac”.

“Ciidamadu meesha way soo dhex-galeen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com