Maxkamadda ICJ: Waa qasab inuu hir-gelo go’aanka kiiska Somalia iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa shaaca ka qaaday inay qasab tahay inuu dhaqan galo go’aanka ay ka gaarto kiiska badda Soomaaliya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo horyaalla maxkamadda.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in Kenya ay ku gacan seerto go’aanka maxkamadda, haddii uu noqdo mid aan dhankeeda u janjeeirn.

Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa.

Madaxweynaha xeer-beegtadda caalamiga ah ICJ, Cabdiqawi Axmed Yuusuf, ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Universal, waxa uu ku sheegay inaysan dhici doonin in la iska tuuro go’aanka maxkamadda, marka ay shaaca ka qaaddo.

“Annaga go’aanayadda, qasab waaye in la hirgeliyo, maxaa yeelay Maxkamadii Cadaaladda Aduunyadda ayaanu nahay,” ayuu yiri.

Cabdiqawi oo Soomaali ah ayaa sheegay in marka horeba, marka ay dowldaha hor-imanayaan maxkamadda, oo ay doonayaan inay kiisaskooda dhageysato, ay taas macnaheedu tahay inay aqbali doonaan go’aan kasta oo ay maxkamadda gaarto, taasi oo ah waxa Kenya ay horey u sameysay.

Hoos ka daawo Cabdiqawi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com