Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha Koowaad waa..)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Hordhac

Sida cinwaanka qoraaladan ka muuqataba, waxaan usoo gudbinayaa gabdhaha muslimaadka ah, qaar kimid ah furayaasha sababtooda lagu helo kheyrka aduun iyo kan aakhiroba. Waa furayaal: hadii gabadha muslimada ahi ay barato, qaadato, kuna dhaqanto, aan rajaynayo in ay sabab ugu noqon doonaan in ay noqoto: hooyo muslimad ah oo Ilaahay raali kayahay, hooyo aqoon leh oo dadkeeda iyo diinteeda anfacda, hooyo ka taxadirta in uu gurigeedu bur buro amaba sababteeda guryo kale u burburaan, hooyo gurigeeda ku kooban oo aan socod badnayn, hooyo aanay waxba yeeli karin kuwa habeen iyo maalin malaayinka ku bixinaya in ay gabadha muslimada ah: ka dhigaan xijaabkeeda, kasaaraan gurigeeda ilaahy ku asturay, ku diraan ninkeeda ilaahay ku asturay, ku diraan dhaqankeeda, dadkeeda, diinteeda ayagoo markaa ugu soo gabanaya waxa ay ugu yeeraan ‘Xoriyatu Al-mar’ah’ ama ‘women freedom’ (xoraynta haweenka). Belaayo intii ay le’ekayd waxa ay hada shaqo ka dhigteen gabadha muslimada ah sidii ay u fidnayn lahayeen, qaar badan oo kamida gabdhaha muslimaadka ahna waaba ku dagmeen fidnooyaankaas oo waa raaceen, qaarna qarka ayeey usaaran yihiin.

Sidaa darteed, waxa aan qoraaladan ugu talagalay in ay gabadha muslimada ah u noqdaan tilmaan ay raacdo taas oo ku hogaamisa dariiqada saxda ah ee aay ku badbaadi karto, aakhiro iyo aduunba. Qoraaladan waxa aan tixraac uga dhiganayaa, Qur’aanka, Sunada Rasuulkeena Muxamad(Naxariis iyo nabbed gelyo korkiisa ha ahaatee), cilmigii saxaabadeena iyo ijmaaca muslimiinta. Waxaan kale oo tixraac uga dhiganayaa wixii khibrad ah, xaqaa’iq ah, qisooyin ah, xikmado ah oo aan rajayanyo in ay anfici doonaan gabadha muslimada ah kuwaas oo aan ka hor imaan doonin diinteenaa. Qaybo kamida furayaashan waan ku dheeraan doonaa, ahmiyada gaarka ah oo ay leeyihiin darteed, qayba kalena waan soo koobi doona, inkastoo guud ahaan qoraaladani iska kooban yihiin.

Qaybta hore wax aan kaga hadli doonaa furayaasha asaaska u ah diinteena islaamka, sida shanta tiir ee islaamnimada lagu soo galo, inkastoo, sida lagu yaqaan kutubta culimadu qoraan aanan ugaga hadli doonin, ee waxa aan ku kaaftoomayaa wax yar oo dulmarid ah, anigoo markaa tilmaami doona meesha mawduuca laga heli karo isagoo fidsan amaba sifiican loo bal balaariyey iyo sida loo baran karoba, hadii rabi wayne ii fududeeyo.

Waxa kale oo aan kaga hadli doonaa qoraaladan arimo kale oo badan oo dhaqanka Soomaliga hada aad ugu soo batay sida: Qabyaalada oo weji cusub oo kii ay Soomaalidu taqaanay ahayn yeelatay, burburka qoyska oo aad usii badanaya, waqtiga kafaa iidaysigiisa oo aad uyaraaday, guurka, furniinka, xijaabka, isku dirista dadka, xanta, safarka maxram la’aanta ah, kasoo bixida masuuliyada, xanuunada qalbiga oo aad ufara batay sida: welwelka, murugada, buufiska, jinka oo aad loola shaqaysto ha noqoto qaab sixir ah ama qaababka kale ee jinka loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo badan.

Hadii Illaahay iwaafujiyo in aan qoraaladan usoo gudbiyo sida uu Illaahay raaliga ka yahay, kana dhigo qoraalo gabdhaha muslimaadka ah si fiican u anfaca, waa fadli iyo naxariis xagiisa ka ahaatay, mahad oo dhana Illaah keligiis baa iska leh. Sidoo kale, waxa aan Illaah ka baryayaa in uu iga aqbalo arinkan iigana yeelo camal aan isaga dartiis usamaynayo, iiguna naxariisto sababtiisa maalinka qiyaami ee aanuu maal iyo caruurba waxba ii tari doonin in uu igu bad baadiyo qalbi isaga dartii u nabad galay mooyaane, gabdhaha muslimaadka ahna uga dhigo qoraalo ay ku liibaanan daartan aduun iyo tan lama huraanka ah ee aakhiro.Aamiin.

Furaha koowaad waxa aan u doortay in uu noqdo Towxiidka Ilaahay, sababtoo ah waa furaha furyaasha (master key), khayr oo dhana isaga ayaa laga galaa, hadii isagu kuu toosnaado, furyaasha kalena waa kuu toosayaan hadii uu kaa jajabo, daxalaysto, qaloocdo, kaalumo, waa adagatahy in ay furayaasha kale kuu shaqeeyaan, sidaa darted, waxa aan ku bilaabanaynaa Towxiidka, ee walaashayda muslimada ahay sifiican iila akhri furahan, waqti sii, meelaha aan kuu tilmaamo si deg deg ah uga raadi towxiidka, balan ayaan kuu qaadayaa hadii aad sidaas yeesho in aad liibaanayso oo ay markaa gurigaaga kuugu imaanayso waxa ay gaalo iyo muslinba raadinyaan oo ah ‘HAPPINES’ ama ‘SACAADA’ afkeena hooyana aan filayo in lagu yiraahdo BASH BASH IYO BARWAAQO.

(1) Towxiidka

Walaashayda muslimada ahay waxa aad ogaataa in sababta laguu abuuray ay tahay in aad Illaahay caabudo keligiis sida uu ilaahay ku sheegay quraankiisa. Aayada hoos kuqoran waxa ay cadaynaysaa in sababta jinka iyo insigaba loo abuuray ay tahay in ay Ilaahay caabudaaan.

وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ (٥٦)
{jin iyo insi wax aan cibadadayda ahayn uma abuurin} Suurat Ad-daariyaat 56

Ukhtii, waxa uu Ilaahay kugu waajib yeelay in aad cibaadadiisa aad keligiis usamaysid oo aadan cid kale lawadaajin. Ugaaryeelida ilaahay cibaadadiisa loo gaar yeelo ayaa layiraahdaa ‘Towxiid’ waana meesha laga soo galo diinta islaamka. Sidaa darteed, waxaa laga rabaa gabadha muslimada ah in ay towxiidka sida sharciga islaamku farayo ay u barato una rumaysnaato, barashadaas iyo rumayntaas oo cilmiga sharciga ku dhisan. Uktii, waxa ilaahay quraanka inagu faray in aan Illaahay barano inta aynaan Illaahay rumayn sida aayada hoos ku qoran ay tilmaamayso:

فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنْبِكَ
{ Ogow( kuna sugnow Nabiyow) in aan Eebe mooyaane ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu’miniinta Rag iyo Haweenba, Eabena waa ogyahay dhaqdhaqaaqiina iyo nagaadigiinaba } Suurat Muxamad 19.

Illaahay waxa uu aayada kor ku xusan ku sheegay in Illaahay la barto inta aan la rumayn. Barashada Illaahay labartaana waxa ay waajib ku tahay qof kasta oo muslim ah, waxaa kale oo waa jib ah in barashadaasi ay qalbiga qofka muslimka ah si dhab ah ugu sugnaato ee aanay kanoqon wax uu dhaqankiisa ka arkay amaba dad kale kaga dayday isagoo markaa aan cilmi sax ah u lahyn Illaaha uu rumaysanyahay.

Al-imam Al- Bukhaari (Illaahay ha unaxariistee) kitaabkiisa saxiixa ah waxa uu kuqoray cutub (baab) uu u bixyey: [ waa baabkii cilmiga inta aan odhaah iyo ficil lala imaan]. Bukhaari baabkaas waxa uu sal uga dhigayaa aayadii aan kor ku soo sheeganay ee ku jirta Suurat Muxamad.

Culimada Islaamku sadex qaybood ayeey u kala qaadeen Towxiidka, sadexdaas qabybood oo kala ah: Towxiid Al- Rubuubiyah, Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Al-asmaa wal-sifaat. Mid walba culimada islaamku si gaar ah ayeey uga hadleen ayagoo daliil uga dhiganaya qur’aanka iyo sunada nabegeena suuban ee Muxamad (naxariis iyo nabad gelyoba korkiisa ha ahaatee). Waxa aan isku deyayaaa in aan si kooban u dul marno sadexdaa qaybood. Waxa aan ka cudur daaranayaa in aanan si dhamaystiran aanan uga hadli doonin sababtoo ah waa mawduuc aad ugada balaaran, muhiimad gaar ahna u leh muslimiinta. Sidaa darted; suurta gal ma aha in qoraalkan kooban towxiidka lagu soo kobo, laakiin, waxa aan isku deyayaa in aan ku tilmaamo qoraalkan aakhirkiisa sida ugu fudud oo loobaran karo.

Qaybta koowaad: Towxiid Al- Rubuubiyah

Qaybtan koowaad ee ka mid ah sadexda qaybood ee culimadu u kala qaybiyeen towxiidka waxaa soo hoos gelaya sadex arimood in Illaahay loo keli yeelo oo aan cidkale lala wadaajin, sadexdaas qaybood waxa ay kala yihiin:

Abuurista: Waa in qofka bani-aadamka ahi rumaysnaadaa in Ilaahay mooyaane aanay cidkale wax abuuri Karin. Allah asaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu ku yir aayadan qur’aanka ah:

إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ۬ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ يُغۡشِى ٱلَّيۡلَ ٱلنَّہَارَ يَطۡلُبُهُ ۥ حَثِيثً۬ا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ وَٱلنُّجُومَ مُسَخَّرَٲتِۭ بِأَمۡرِهِۦۤ‌ۗ أَلَا لَهُ ٱلۡخَلۡقُ وَٱلۡأَمۡرُ‌ۗ تَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَـٰلَمِينَ

{ Eebihiin waa kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday Carshiga, Wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg dega Qoraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana Abuurida iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday << oo Khayr batay>> Eebaha barbaariya Caalamka} Suurat Al-Acreaaf 54.

Dadka gaalada ah ee caabuda sanamyada iwm, Allah isagoo dadka noocaas ah lahadlaya oo leh waxa ay caabudayaan waxba ma abuuri karaan ee waxa ay caabudayaan oo asnaamta ah laftooda ayaa la abuuray, Ilaah waxa uu arinkaas ku cadeeyey aayadan :

وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخۡلُقُونَ شَيۡـًٔ۬ا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
{ waxay Caabudayaan oo Eebe kasoo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuray }Suurat An-naxal 20

Lahaanshaha: Waa in aan rumaysnaano in cidda keliya ee wax walba iska leh in uu yahay Illaah. Bani aadamku wax waa yeelan karaa laakiin waa lahaansho xadidan. Tusaale ahaan; waxa gacantaada ku jira sida aad doonto uma isticmaali kartid, waxa aad u isticmaali kartaa oo keliya sida sharciga islaamku ku farayo in aad u isticmaasho. Hadii aad diididna waxaa kuu danbaynaya ciqaab aakhiro oo aad u daran. Sidaa daraadeed, waxa gacantaada ku jiraa waa wax Allah kuu dhiibay oo uu kiyiri sida aan anigu rabo u isticmaal. Aayadaan qur’aanka ah Allah wuxuu ku sheegay sidan:

قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ ڪُلِّ شَىۡءٍ۬ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ (٨٨) سَيَقُولُونَ لِلَّهِ‌ۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ (٨٩)
{ Dheh Yeey yadiisa ( gacantiisa) ku jirtaa Xukunka wax kasta (maamulka), oo wax Magan Geliya,isna aan wax laga Magan gelinayn, Hadaad wax ogtihiin}. Allah Aayada ku xigta ayuu jawoobtooda ku cadeeyey waxana uu yiri: { Waxay Odhan Ebe, dheh xagee laydiin sixri }Suurat Al-mu’miniin 88-89.

Maamulka: Waa in aan rumaysnaano in maamulka caalamka oo dhan Illaah keliya iska leeyahay. Wixii bani aadamka gacanatiisa ku jiraa waa wax maamulkoodu aad u xadidan yahay, waxaana uu ku kooban yahay wixii sharcigu u ogolaaday in uu maamulo. Ilaahay arinkaan qur’aanka ayuu kaga hadlay, wuxuuna aayadan ku yiri:

قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أَمَّن يَمۡلِكُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَـٰرَ وَمَن يُخۡرِجُ ٱلۡحَىَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَىِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ‌ۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُ‌ۚ فَقُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ (٣١) فَذَٲلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلۡحَقُّ‌ۖ فَمَاذَا بَعۡدَ ٱلۡحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَـٰلُ‌ۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ (٣٢)
{Waxaad tiraahdaa yaa idinka Ar-saaqa Samada iyo dhulka , yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana kasoo bixiya wax Nool wax dhintay, kana soo bixiya wax Dhintay wax nool,yaana Maamula Amarka waxay ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn}Suurat Yuunus 31. { Kaasi waa Ilaahiin Eebihiina xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oo baadi hayn, ee xagee Laydiin Leexin} Suurat Yuunus 32

Hadaba Towxiid Al- Rubuubiyah gaaladii nebi Maxamed ( naxariis iyo nabad gelyoba korkiisa ha ahaatee) laga soo dhexsaaray way rumaysnaayeen in cidda keliya ee wax abuurta, wax lahaata amaba wax maamushaa in ay tahay Illaah oo keli ah. Ilaahayna wax uu quraanka ku yiri:

وَلَٮِٕن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ (٩)

{Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og}Suurat-Az-Zukhruf 9.

Qaybta labaad: Towxiid Al-Uluuhiya.

Qaybtan labaad ee kamida sadexda qaybood ee culimada islaamku u kala saareen towxiidka (waxaa kale oo looyaqaan qaybtan Towxiid Al-cibaadah.) waa qaybta uu qofka muslimka ahi ku baranayo in uu dhamaan cibaadooyinka uu la imaanayo in uu Ilaah dartiis ula yimaado oo aanuu cid kale lawadaajin Illaahay cibaadadiisa. Qaybtani waa qaybta ay diideen umadda badani, kuwaas oo qaarkood cibaadooyinka Ilaahay cid kale la wadaajinayey sida: Sanamyo, dad saalixiin ah oo kamid ah oo dhintay oo ay baryaan iyo siyaabo kale oo badan oo aanay suurta gal ahayn in aan qoraalkan kooban aan ku soo koobno.

Ukhtii, Cibaadooyinka Ilaahay inagu farad yeelay ee larabo in aan keligii u samayno waxaa kamid ah: Cabsida, Gowraca, Gargaar-waydiisaho, Kaalma-waydiisaho, jeclaanshaha ,necbaanshaha, Hijrada, Denbidhaaf-waydiisaho iwm.

Ukhtii:
• Illaah oo kali ah ka cabso, hadii laguu jeedo iyo hadii aad keligaa tahayba, Illaahay marwalb waa ku arkaa.
• Illaah dartiis wax ujeclow, u necbow, qofkii Ilaah jecel jeclow, kii Ilaahay neceb necbow qofka cid kuugu dhowba ha ahaadee, adigana Illaah baa ku jeclaan.
• Illaah dartiis, xalaal u cun, dartiis indhahaaga u ilaali, dartiis farjigaaga u xifdi, dartiis uguurso, dartiis caruur u dhal, dartiis ilmaha u kori, adigana intaas oo dhan Ilaah baa kuu xifdinya.
• Illaahay dartiis wax u gowrac, ee qabri, weli, jin, sixir waxba ha u’gowricin
• Hadii noloshu kugu adkaato, aad jirato, dhib aduun ku haleelo, Illaahay gargaar iyo kaalmo waydiiso, wuu kuu gargaariye.
• Hadii aduunkoo dhami kaa hor yimaado, dhinaca Illaaahy u carar, waad badbaadiye, Illaahayna waxaad ka heli hortaada.
• Ha murugoon, ha wer werin, hanixin ee xaga Ilaahay u carar waad qaboobiye.
• Hadii ninku kugu xumaado, qaraabadu ku nocdo, derisku ku colaadiyaan, Illaahay adigu raali geli, sabir, llaahay bari, waxaad heli doontaa dhamaantood oo Ilaahay kuu sakhiray adiga ayeena kuu adeegi doonaan.

Ukhtii, cibaadooyinkaa aan qaar ka tilmaanay ee dhamaantood larabo in Illaah dartiis loo sameeyo, qofkii markaa cid kale u leexiya oo Ilaahay cibaadooyinkiisa cidkale lawadaajiya, qofkaasi wuu gaaloobay hadii aanuu cudur daar sharciya haysan, Ilaahay kama aqbalayo qofkaas cibaadooyinka uu samaynayo. Illaahay waxa uu qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٲلِكَ لمَن يَشَآءُ‌ۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا
{Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo(Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay Ciduu doono, Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn}.

Ukhtii, sida aayada kor ku xusan ku cad Illaahay denbi kale oo dhan wuu dhaafaa, in cibaadadiisa cid kale lala wadaajiyo mooyaane. Tusaale ahaan, hadii uu qofku uu ku dhoco denbiyada waawayn sida sinada, khamriga, sixirka, hadii uu ilaahy doonona wuu u danbi dhaafi hadii kalena wuu cadaabi, laakiin Shirkiga (cibaadada ilaahy oo cidkale lala wadaajiyaa) denbi dhaaf maleh.

Ukhtii, inta aynaan ka bixin qaybtaan hadii aad tiraahdo: Wax aan Illaahy ahayn ayaan ka cabsadaa, sida abeesada, libaaxa, jinka iwm, ee cabsida noocani ma gaalnimaa? Su’aal meesha ku jirta weeyaan loona malayn karo in cabsida noocani ay lamid tahay noocyada kale ee cibaadada ah ee aan qaarkood kor kusoo sheegnay. Cabsida noocaan ah ukhtii ee su’aashaadu tilmaamaysaa waa cabsida dabiiciga ah oo Illaahay inaku abuuray, waad ka cabsan kartaa wax kale oo ku cabsi gelinaya, laakiin cabsida qalbiga ku xidhan ee Ilaahay oo keliya looga cabsado taas ayaa ladiiadayaa in aad cid kale aad u leexisid. Tusaale ahaan hadii uu qofku salaada ama soonka uu u sameeyo qofkale dartii, marka uu keligiis yahayna aanuu Illaahay kabaqayn, tan weeye mida uu markaa qofku cibaadadii uu Illaahay iska lahaa uu qofkale siiyey. Tusaale kale, qofku qof kale wax waa waydiisan karaa, in uu u gar gaaro oo kale. Laakiin wixii awooda bani’aadanimo ka baxsan lama ogola in cid aan Illaahay ahayn lawaydiisto, sida in qof dhintay layiraahdo roob, caruur iyo xoolo nasii, tan danbe weeye tan aan la’ogolayn oo gaalnimada keenaysaa iyo in cibaadadii Illaahay cidkale loo leexiyo. Tusaale sadexaad, hadii aad jirato oo aad utagto dhaktart oo tiraahdo idaawee, waa in aad aaminsantahy cida wax dawaysaa in aya tahay Illaah, laakiin dhakhtarkani uu sabab unoqonayo in Illaahy uu sababtiisa kugu daaweeyey. Laakiin; hadii aad aaminsantahay in aanuu Illaahay kudaawayn karin ee uu dhaktarakan keliya uu wax daaweeyo, tanina waa gaalnimada qayb kamida oo wax uu Illaahy iska lahaa ayaad cidkale oo makhluuqaadkiisa ah siisay.

Qaybta sadexaad: Towxiid Al-asmaa wal-sifaat.

Qaybatan sadexaad oo kamid ah qaybihii ay culimadu towxiidka uqaybiyeen, waa qaybta ay in badan oo muslimiinta ka mid ahi ay ku halaagsameen oo kaga leexdeen dariiqadii nabi Maxamed (naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee). Qaybtan sadexaad waxa ay sigaara uga hadasahaa Illaahay magacyadiisa iyo tilmaamihiisa kuwaas oo Illaahay naftiisa isugu magcaaabay ama uu isugu tilmaamay. Tilmaamahaas iyo magacyadaas Illaahay waxa uu ku sugay qur’aankiisa kariimka ah, qaar kale oo badan oo kamida magacyada iyo tilmaamaha Illaaahay waxaa inoo sheegay Nebigeena Muxamad ah( naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee). Sidaa darteed dhamaan magacyada iyo tilmaamaha Illaahay waa in sida qura’aanka iyo sunada nebi Maxamed(naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) ugu qoran yihiin loo rumeeyo iyadoo aan macnaha labedilin, la qaabayn, loo ekaysiin wax kale amaba la’in kirin

Ukhtii, sifaadka (tilmaamaha) Illaahay iyo magacyadiisaba waa in aan u fahano una barano sidii uu nebi Maxamed(naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) u soo gaarsiiyey saxaabada, saxaabaduna usoo gaarsiiyeen taabiciinta, taabiciintuna usoo garsiiyey kuwii ka danbeeyey. Qaybtaan sadexaad waa qaybta ay culimada muslimiintu aadka wax uga qoreen markii qaybo baddan oo musliniinta ahi diideen in ay sidda qur’aanka iyo sunadda kusugan ay u qiraan una fahmaan magacyada iyo sifooyinka Illaahay, laakiin, waxa ay kadoorbideen in ay caqligooda u bandhigaan oo wixii markaa caqliqoodu qaatana ay ka ogolaadaan wixii caqligoodu diidona ay inkiraan, leexiyaan, iyagoo markaa ku doodaya in ay sidaa Illaahay ugu dhowaanayaan. Tusaale ahaan tilmaamaha Ilaahay isku tilmaamay waxaa kimida oo qur’aankiisana inooku sheegay in uu Illaahay hadlo sida ayadan ku qoran:

وَرُسُلاً۬ قَدۡ قَصَصۡنَـٰهُمۡ عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُ وَرُسُلاً۬ لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَيۡكَ‌ۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَڪۡلِيمً۬ا
{iyo Rasuulo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuulo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal} Suurat Al-nisaa 164

Muslimiinta ka leexday dariiqadii Nabi Muxamad( naxariisiyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) waxa ay diideen dhamaan sifaatka/(tilmaamaha) Illaahay sida sifida Hadalka ee aayadu sheegtay. Waxa ay ku doodayaan dadka sunada ka leexday, hadii aan Illaaahy sifada hadalka u sugno, waxa aanu Illaahay u ekaysiinaynaa makhluuqaadkiisa, sidaa darteed, waa in aanu macno kale u leexino sifada hadalka. Sida madhabkoodaba ka muuqata caqligooda ayeey u bandhigeen sifooyinkii Illaahay oo waxa ay diideen sida ay qur’aanka iyo sunada ugu qorantahay. Culimada Islaamku arintaan waa ay u istaageen waana difaaceen , arintaan darteed ayaa culimo badan loo laayey, loo jirdilay, loo xir xiray, qaarna uga carareen dhulkoodii. Waxaa kamida culimada arintaan sida fiican u difaacday markii ay arintani islaamka lagu soo daray: Imaam- Al-maalik, Imaam-axmed, Imaam Al-shaafici, Imaam Al Bukhaari iyo dhamaan culimadii qarniyadii sadexaad ama kahor noolayd ee Hijriga. Arintani way socotay mudo ilaa qarnigii lixaad laga soo gaaro oo uu markaa Sheekh-ul Islaam Ibnu Taymiya xididada usaaray , wixii uu kategayna ay sii xaadheen aradydiisii sida Imaam Ibnu-Alqayim iyo culimadii lamid ahaa.

Sifooyinka Illaahay iyo kuwa makhluuqaadkiisu waxa ay wadagaan magaca oo keliya, laakiin Illaahay wax u’eki majiraan oo khalqigiisa kamida, tilmaamihiisuna si isaga oo keliyi garan karo oo wayniidiisa ugu qalanta ayeey yihiin. Bani’aadamka caqligooda iyo fahamkoodu magaari karo in ay fahmaan tilmaamaha Illaahay, kuwa isku dayeyna waa ku daaleen in ay wax ka ogaaddaan. Qur’aanka Allah waxa uu kiyiri isaga oo tilmaamaya in aanay cidna Illaahay u ekayn:

فَاطِرُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ‌ۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٲجً۬ا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَـٰمِ أَزۡوَٲجً۬ا‌ۖ يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِ‌ۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَىۡءٌ۬‌ۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ (١١)

{Isagaa abuuray Samooyinka iyo dhulka idiinkana yeelay naftiina noocyo(Lab iyo Dhedig) xoolahana idiinka yeelay noocyo, wuuna idin abuuray wax lamid ahina majiro, waana maqle arka.} Surat-A-shuuraa 11

Sida aayada inteeda danbe ku cad, Illaahay wax lamidi majiraan. Sidaa darteed, Illaahay oo magacyadiisa iyo sifooyinkiisa loo sugo sida sharcigeena ku qoran macnaheedu ma’aha in Ilaaahay iyo makhluuqaadkiisa la isu ekaysiinayo waayo aayada ayaa cadaysay in aanay suurta gal ahay.

Ukhtii, Ilaahay marka aad sida cilmiga sharciga ah waafaqsan ad u barato una rumayso waxaa kale oo lagaa rabaa in aad rumayso oo barato nebigiisa Muxamad ah (naxariis iyo nabad gelyoba kotkiisa ha ahaatee). Waa nebiga ugu danbeeyey anbiyadii Ilaahay caala mka usoo diray, waxaana loo soodariy in uu umada oo dhan ka bad baadiyo halaag aduun iyo mid aa khiroba. Illaahay waxa uu balanqaaday qofkii raaca nebi Maxamed in uu liibaanayo aduun iyo aakhiroba, kii diidana amaba la colaytama diinkiisa waxa uu Illaahay u balan qaaday in uu hoogayo aduunka inta uu joogo aakhirona uu kuwaari doono cadaab aad u daran.

Rumaynta nebigeena waxa ay ka koobantahay sadex nooc: in larumeeyo wixii uu ina soo gaadhsiiyey oo xaq ah; in lala yimaado wixii uu ina faray oo wanaag ah iyo in laga reebtoonaado wixii uu inaga reebay oo xumaan ah. Wax yar oo kooban ayaan ka tilmaami doonaa nebi Maxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).

Abtirsiinyaha: Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Dhalashadiisii: Waxa uu dhashay nebigeena Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) bishii Rabiic ul-awal, habeen isniin ah, waxaana culimadu ubadinyaan in ay habeenkaas bishu ahayd 12. Sanadku wuxuu ahaa sanadkii koowaad ee Maroodiga, oo ku began 571 taariikhda miilaadiga.

Soo degidii waxyiga: Afartan sano markii ay nebiga u buuxsantay ayaa waxaa samada uga yimi waxyi isagoo markaas ku sugan god buuraha maka ku yaala oo looyaqaan Xiraa. Waxaa waxyiga loogu soo dhiibay malag, sidan hoos ku qoran ayeena u dhacday:

Malagii waxa uu ku yiri nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) akhri! Nebigu wuxuu yiri anigu wax ma akhriyo.Malagii inta uu qabtay nebiga oo weliba si adag uqabtay oo majuujiyey ilaaa uu nabiga qabashadaa adag dareemay, markaas ayuu siidaayey oo kuyi nebiga akhri! Nebigu wuxuu yiri anigu wax ma akhriyo, laba jeer oo kale ayuu malagii sidii hore oo kale nebiga u qabtay nebiguna uu isla jawaabtii hore ku jawaabay. Markii sadexaad kadib ayaa malagii wuxuu yiri:

ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
خَلَقَ ٱلۡإِنسَـٰنَ مِنۡ عَلَق
ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ
{ Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray(khalqiga),{ dadkana ka abuuray calaq (wax yar oo ku dhega darbiga ilma. galeenka)}, {Akhri Eebena waa kan sharafta le-he} Suurat Al-Calaq 1-3

Aayadahaasi waa kuwii ugu horeeyey ee nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) lagu soo dejiyey. Intaas kadib, waxa uu qur’aanku soo degayey mudo dhan sadex iyo labaatan sano. Sadex iyo toban sano oo kamid ah nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyoba korkiisa ha ahaatee) waxa uu joogay Makka, tobankii kalena waxa uu joogay Madiina. Sadex iyo labaatankaa sano waxa uu nebigeenu u taagnaa in uu caalamka soo gaadhsiiyo diintii Illaaahay usoo dhiibay. Diintaas darted: ayaa lagu colaadiyey, lagu caayey, lagu dhibay, magaaladiisii uu ku dhasay looga saaray, saaxiibadiis jirdil foolxun loogu sameeyey si aan qof bani aadam ah loola dhaqmin. Towxiidka Ilaaahay in uu kor noqdo dartiis ayuu nebigeenu: ujihaaday, ugaajooday, ulugeeyey,usoo jeeday, umurugooday.

Geeridii Nebiga: Markii ay dacwadii wada gaadhay Jasiiradii carabta dadkii deganaana ay qaateen xaqii Nabi Maxamed ula yimi, noqdeena umad dhinac kasta iskaga filan, ayaa Ilaahay waxa uu u doortay in uu rasuulkiisa tuso mirihii dacwadii uu caalamka gaarsiiyey mudo dhan sadex iyo labaatan sano. Taariikhda Hijrigu markii ay ahayd 10 ayaa Illaahay waxa uu Nebigiisa ku karaameeyey in uu xajiyo. Waxa uu xajkaas kula dar daarmay umadiisa waxana uu umadiisa ugu khudbadeeyey maalinkii Carafa toga layiiraahdo Curana, iyadoo markaa dadku ay hareerihiisa buuxaan, ayuu ka dhex istaagay, khudbadiisii ama dardaarankii uu umadiisa kula dar daaramay waxaa ka mid aha:

“Dadyohow! Hadalkayga maqla. Anigu magaranyo in aan mardanbe idinla kulmayo iyo inkale sanadakaan wixii ka danbeeya iyo meeshaan iyada ahba weligeey, ee dhiigiina, xoolihiina, sharaftiina xaaraam ayeey dhexdiina ka tahay, sida maalinkaan xurmada leh oo kale, bishaan xurmada leh oo kale, wadankaan xurmada leh oo kale, Hooyaay, ogaada wax alaale iyo wixii arimo jaahiligii dhacay cagtayda hoosteeda ayaan dhigay, dhiigii jaahilgana sidoo kale.

Waxaa kale oo khudbadaa kamid ahaa oo uu nebigu yiri: Illaahay dartii uga cabsada haweenka, waxa aad ku qaadateen amaanada Ilaahay, cawradoodana (ferjigooda) waxa aad ku xalaashateen Illaahay kelimadiisa, idinkuna waxa aad xaq ugu leedihiin in aanay gogoshiina keenin cid aydinaan raali ka ahayn, hadii ay sidaa sameeyaan, garaaca, garacitaan aan waxbadan yeelayn, waxa dushiina ah masaariiftooda iyo dharkooda oo aad si wanaagsan usamaysaan, waxa aan idiinka tegay dhexdiina wax aydinaan weligiin lumayn hadii aad qabsataan: kitaabka Illaahay, aniga waa laykiin waydiin doonaa, ee maxaad oran doontaan? Waxa ay yiraahdeen: waxa aan qiraynaa in aad nasoo gaarsiisay, gudatay oo aad naseexaysay. Farihiisa intuu kor uqaaday oo samada ku fiiqay ayuu yiri: Ilaahow markhaati, Ilaahow markhaati, Ilaahow markhaati”.

Dhowr iyo sideetan maalmood ayuu nebigeenu noolaa markii uu xajkaas gutay. Ugu danbay waxa aan wax yar ka tilmaami doonaa daqiiqadihii ugu danbeeyey ee uu nebigeenu aduunka ka tegayey oo Illaahay xagiisa aaday: Xanuunka geerida oo aad u darnaa waxa uu ku jiifay Caaisha (Radiya AL-laahu canhaa) laabteeda, waxa markaa Caa’isha usoo galay walaalkeed Cabdiraxmaan Bin-Abii-bakar oo caday wata, rasuulka ayaa markaa cadaygii eegay, Caa’isha waxa ay fahantay in uu ubaahan yahay cadayga, markaas ayeey waydiisay, Nebiguna madixiisa ayuu uga tilmaamay in uu rabo. Caa’isha cadaygii ayeey u calalisay oo u jilcisay, Nebigu cadaygii ayuu ugu cadayday si aad u xeel dheer, markaas ayuu Nebigu farihiisa kor uqaaday indhahana kor uqaaday, bushmihiisana dhaq dhaqaajiyey, waxa uuna sadex joor ku cel celiyey “ Alaahu-ma al-rafiiq-ul-aclaa”, kadibna naftii ayaa ka baxday, taariikhdu waxa ay markaa ahayd, Maalin Isniin ah, laba iyo tobankii, bishii Rabiic-ul-awal, sanadkii 11 aad ee Hijriga, waxaana uu rasuulku markaa jiray sadex iyo lixdan sano. Geeri naxdin badan, qiiro badan, lama ilaawaan ah Nebigeenii oo aan aad ujecelahay, INAA LILAAHIU WA INA AILAYHI RAAJICUUN.

Maxaa laga dhaxlay nebi maxamed?Caalamka waxa uu keenay nebe maxamad: Cadaalad, naxariis,cilmi iyo dhamaan khayr aduun iyo mid aakhiroba, wax aanuu kategin maleh. Wixii khayr aduun iyo aakhiroba waa inoo sheegay, wixii shar ah aakhiro yo aduunba waa inooga digay, Bani’aadamka maanta nool waxa ay horumar gaareen oo dhan waxaa sabab u ah nebi Maxamed mid rumeeyey iyo mid aan rumaynba.

Ukhtii, inaga muslimiinta ahi waan aragnaa khayrka nebi maxamed, laakiin dadka aan muslimiinta ahayn ee gaalada ah qaar badan oo kamid ahi waxa ay qiraan in diinta Nebi Maxamed layimi ay tahay diin xaq ah, markii ay arkeen cadaalada, mucjisda, naxariista iyo dhamaan arimaha noocaas ah ee diinkeenu ka koobanyahay.

Ninka layraadho Michael H. Hart oo ah barafsoor u dhashay wadanka Maraykanka, ee qoray buuga caanka ah ee layiraahdo ‘ The 100 A ranking of the most Influantial persons In history’. Buugani waxa uu ka sheekaynayaa boqolkii nin ee aduunyada ugu taariikhda dheera, aduunkana wax ka bedelay ama saamayn wayn ku yeeshay. Buugiisa raga uu ku qoray waxaa kamid ah, Saynisyahano aduunka caanka ah, anbiyada Illaahy qaar kamida iyo rag badan oo taariikhda aduunka lagu xuso. Ninka ugu horeeya ee uu udoortay in uu yahay ninka taariikhda aduunka wax isagoo kale ah aaanay soo marinn waa Nebigeena Muxamad (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee). Hart, waxa uu buugiisa ku yiri sidan hoos ku qoran:

“Doorashadayda aan Muxamad u doortay in aan ugu horeysiiyo liiska dadkii aduunka saamaynta ku yeeshay, qaar badan oo buugayga akhriyi doonaa lama filaan ayeey ku noqonaysaa, qaarkalena su’aalo ayeeyba ka keeni doonaan , laakiin wuxuu ahaa ninka keliya ee taariikhda aduunak si awood leh ugu guulaystay dhinaca diinta iyo maadigaba(aduunka)”.

Ukhtii, sidoo kale, bal nimankaan barafasoorada ah ee iyagana aduunka aadka looga yaqaan ee ku takhasusay cilmiga caafimaadka, bal eeg waxa ay nebigeena iyo diinteena ka sheegeen markii ay ogaadeen in Nebi Maxamed(nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)) uu kun iyo afar boqol oo sano kahor ka waramay wax yaabaha ay hada ogaadeen. Dr T.V.N Persaud, waa barfasoor aad aduunka looga yaqaan una dhashay wadanka Kanada, wuxuu uu qoray ilaa 22 buug, waxa la siiyey bilad dahab sharafeed loo siiyey heerka sare ee uu ka gaadhaay cilmiga caafimaadka, waxa uu yiri sidan:

“Waxaa la iisheegay in Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ) uu ahaa nin iska cadi ah, waxba an akhriyin, waxna aan qorin, misna waxa aan ka hadlaynaa kun iyo afar boqol oo sano ka hor, waxa uu sheegay arimo saynis ahaan sax ah oo hada aan ogaanay, suurta galna aanay ahyan in waqtigiisii la’ogaado, wax fursad isaga iman karana maaha, sidaa darteed, wax muran ah kama qabo arimahani in Muxamed waxyi loogu sheegay oo ay xaga Allaah uga yimaadaan”.

Dadka gaalada ah ee Nebigeena uqiray in uu ahaa Nebi xag Illaahy kayimi, mucjiso, cilmo, xadaarad iyo wax kale oo aad ubadan aduunka ku soo kor dhiyey, aad ayeey u badan yihiin , waan soo wada guurin lahaa wixii ay nebigeeena ka sheegeen oo wanaag ah hadii aanan ka cabsanayn in uu qoraalku ila dheeraado. Laakiin, ukhtii, Nebigeenu iyo diinteenuba uma baahna in hadal nin gaal ahi yiri looga dhigo daliil, ee waxa aan usoo qaatay oo keli ah in aan muujiyto in cidkasta oo aduunka saarani muslim iyo gaalba aanay dafiri Karin xaqnimada Nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) iyo diinteenaba.

Ukhtii, Nebigeena diintiisu way jiridoontaa inta Ilaahay aduunka ka laa laabayo, dadka raacayna ayaga ayaa cidhib danbeedka wanaagsan iska leh, wixii kale oo nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) raaci waayana aduunka inta ay joogaana waxay ku nool yihiin nonol cidhiidh ah oo aad u xun, aakhirona hoog iyo cadaab daran ayaa u danbeeya. Naxariis iyo nabadgelyo kor kiisa ha ahaato, anagana hanaga dhigo, kuwii wixii uu layimina qaata wixii uu ka reebayna ka reebtoonaado. Aamiin.

Ukhtii, in aad Nebigeena Muxamada( Naxariis iyo Nabad gelyoba kor kiisaba ha ahaatee) aqoon u yeelato oo siiradiisa wax ka barato, wixii diin ah oo uu kusoo gaarsiiyeyna inta waa jibka kugu ah aad ka barato, sida salaada, soonka, xajka iwm, waajib ayeey kugu tahay arinkaasi. Ukhtii, sadexdan su’aalood ayaa qofkasta oo dhinta qabriga lagu waydiiyaa: Ilaahaagu waa kuma?, Diintaadu waa tuma? Nebigaaguna waa kuma? Markaa hadii intii aad aduunka joogtay aad ahayd mid: Allah taqaan, ka cabsata, Nebigiisana rumaysay oo raacday, diinka Allahna ku camal fali jirtey, Insha Allah su’aalahaa qabriga ee sadexda ahi way kuu fudu daanayaan, waana meesha janada iyo naarta qofka ugu balaabmi doonaan, qofkii aan Illahay u fududayn su’aalahaas oo garan waayaa, cadaabta maalinkaa u bilaabanta ayaa lagu soo saaraayaa maalinta qiyaame oo cadaab darani u yaalo,ukhtii, adiga, aniga iyo wixii muslimiin ahaba Illaahay su’aalahaas ha noofududeeyo, cadaabul qabrigana hanaga bad baadiyo. Aamiin.

Ukhtii, ugu danbayn, sadexdii qaybood ee towxiidka ahaa ee aan sida kooban uga soo hadalay iyo nebigeena suuban Muaxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee aan siirada kooban ka bixanay ayaa waxaa inoo noqonaysa tiirka koowaad ee kamida shanta tiir ee ay diinteenu ku taagana tahay. Sida adarteed kelimatu towxiid waxa ay ka kooban tahay labadaas qaybood ee ah barasha Illaahy, nebiigiisa iyo rumayntooda oo laga rumeeyo qalbiga afkana lagaga dhawaaqo. Sidaa darted, towxiidkii aan sida kooban uga soo hadalay sidan ayaa loogu dhawaaqaa:

اشهد ان لا إله إلا الله وأشهد ان محمد رسول الله
Oo macnaheedu yahay: (waxa aan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudaa aanuu Jirin Illaah mooyaane, waxaan kale oo aan qiraya in Nebi Maxamed uu yahy rasuulki Illaahay).

Qofka bani aadamka ahina marka uu towxiidka sidaas ugu dhowaaqo qalbigana uu ka rumeeyo, ayaa waxa uu noqonayaa qof Muslim ah, laakiin, towxiidku waa tiir kamida tiirarka Islaamak, sidaa darted, waxa uu ubaahan yahay shantii tiir ee kale in lagu ag qotimiyo si markaa ay islaamnimadu u dhamaystiranto. Dhab ahaana, towxiidka macanihiisa runta ahi waa: in uu qofka muslimka ahi uu ka reebtaanaado dhamaan wixii xumaan ah oo uu Ilaahay ka reebay, lana yimaado wixii wanaag ah oo Ilaahy faray, raacona wadadii uu maray Nebi Maxamed (clayhi salaatu Wasalaam).. Hadii uu qofka muslimka ahi, denbi ku dhocona waa in uu marwalba Ilaahay xagiisa unoqdaa oo uu towbadkeenaa. Intaasi, hadii ay ukhtii kuu bed qabto waxaad ogaataa in aad tahay qof Ilaahay si dhab ah u rumeeyey Nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) raacay. Waxadna kamid tahay kuwa: mu’miniinta ah, awliyada Ilaahay ah, mukhlisiinta ah, saalixiinta ah, muxsiniinta ah oo Ilaahay ugu bishaareeyey in uu xifdinayo aakhiro iyo aduunba. Insha Allah, kuwaa ka mid noqo, laakiiin, si sahlan sidaas looguma noqdee, ukhtii, towxiidka si cilmieeysan u baro oo markaa kadibna ku dhaqan.

Ukhtii, faaiidada towxiidka oo koobani waa:

• Fadliga towxiidka denbiga ayaa laguugu dhaafayaa;
• Towxiidka oo qalbiga si fiican kuugu qotansadaa waxa uu sabab kuugu noqonyaa in aad cibaadada ilaahy jeclaato, marka laguu jeedo iyo marka aad keligaa tahayba. Ukhtii, ogow hadii aad halkaa gaadho khayr aduun iyo mid aakhiroba tafahaaga ayuu kuu jiraa, ee Ilaahy u shukri, waydiisano in uu nicmadaas wayn oo uu kusiiyey: kugu dilo, kuguna soo saaro isagoo raali kaa ah.
• Hadii, Muwaxidad Illaah kaa dhigo waxa aad helaysaa balan qaad Ilaah oo ah nabadgelyo mid aduun iyo mid aakhiroba. Waxaa kale oo qofka muwaxidka h Illaah usheegay hanuun sida aayadan ka muuqata:

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يَلۡبِسُوٓاْ إِيمَـٰنَهُم بِظُلۡمٍ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ لَهُمُ ٱلۡأَمۡنُ وَهُم مُّهۡتَدُونَ (٨٢)
{Kuwa Xaqa rumeeyey oon ku dheehin iimaankooda dulmi(Gaalnimo) kuwaasaa nabadgalyo usugnaatay Hanuunsana}Suurat-Al-ancaam, 82 .

Ukhtii, faa’iidooyinka towxiidku waa badan yihiin hadii aanan ka cabsanayn in uu qoraalku dheeraado waan sheegi lahaa inta aan ka awoodo, laakiin intaas ayaan ku gaabsanayaa.

Ukhtii, hadii aad su’aal iwaydiiso oo tiraahdo sidee ama xagee ayaan ka baran karaa towxiidka? Si fudud ayaan kuu tilmaamayaa ee Illaahay u tala saaro in uu ku waafujiyo barashada iyo kudhaqanka towxiidka: Ukhtii, waxaad ogaataa cilmigeena sharciga ahi laba wado ayaa lagu bartaa: mida hore; waa in su’aalo aad waydiiso cidii cilmi sax u leh oo kaa jaahil bixin karta wixii cilmi ah oo waajib kugu ah in aad ka barato cilmiga towxiidka; mida labaad, waa in aad qof cilmi raadinaya oo ardayad dhab ah aad noqoto oo markaa xalaqaadka cilmiga ee lagu daraaseeyo kutubta towxiidka aad ka qayb qaadato, una samirto. Waxaad kale oo ka barankartaa towxiidka macaahida islaamiga ama jaamacaadka islaamiga ah ee kuyaala Somaaliya iyo wadamada kale ee muslimiinta. Ukhtii, labada wado ee xalaqaatka ama macaahida ayaa ugu fiican siyaabaha loo barto towxiidka iyo culuumta kale ee sharcigeena aan ku baranayno.

Ukhtii, kutubtan hoos ku qoran ee uu qoray Shiikh Maxamed Ibn-Al-cabdiwahaab ayaad ka baran kartaa Qaybta koowaad. Towxiid Al- Rubuubiyah:

1) Usuulu Al-thalaatha
2) Kitaab ul-toxiid
3) Kashf ul-shubuhaat

Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Al-asmaa Wal-sifaat. Labadan qaybood ee kamida noocyada towxiidka waxa aad kabaran kartaa kutubtan hoos ku qoran:

1) Al-caqiidatu Al- Waasidaya
2) Al-caqiidatu Al- tadmuriyah
3) Al-caqiidatu Al-xamawiyah

Sadexdan kitaab waxaa iska leh Sheekh Ul-islaam, Ibnu Taymiyah(raximahu laah). Marka aad sadexdaa kitaab barato waxa aad ku dhamaystirtaa ama ku afraysaa kitaabkan hoos ku qoran:

4) Al-caqiidatu Al- daxaawiyaha. Waxaa qoray kitaabkan Abuu-jacfar Al-daxaawi. Marka aad matnigiisa barato waxa aad akhrisataa sharuuxda ay culimadu ka qoraan sida sharaxa Li-ibni Abii-Cazi Al-xanafiyi.

Marka aad intaa dhamayso si fiican ayaad ufahmaysaa labadaa qaybood ee danbe oo dad badan oo muslimiin ahi kaga leexdeen dariiqadii nabe Maxamed diinta inoo soo gaarsiiyey, kuwaas oo diinteena caqligooda u bandhigay, kana qaatay wixii caqligoodu waa faqo, wixii kalena diiday. Arintani waxa ay muslimiinta ku soo korodhay markii ay muslimiintu dhexgaleen ama akhristeen diimihii, falasafadihii iyo mandaqii (logic), umadihii aan muslimiinta ahay ee ahaa Griiga, Kiristanka iwm.

Hadii aad rabto in aad wax ka ogaataa arimaha kusaaabsan kooxihii muslimiinta ahaa ee towxiidka saxda ah ka leexday kutubtan hoos kuqaran akhriso:

1) Al-Sunah:
2) Al-Ibaanah:
3) Sharxu Usuul Ahli- Sunah Wal-Jamaacah;

Ukhtii, waxa aan jeclahay in aan kuugu soo gaba gabeeyo, nasiixadaydii koobnayd ee ku saabsanayd Towxiidka, labadan qiso, si aad u ogaato midhaha towxiidka iyo sida uu Illaahay dhibka uga bad baadiyo qofka qalbiguusu ku wayn yahy Towxiidka Ilaahay. Qisada hore waa sidan:

Qisada koowaad: Ninkii La oran jiray Al-aswad Al-canasi oo reer Yaman ahaa ayaa waxa uu sheegtay in uu yahay Nebi, wixii diida nebenimadiisa oo muslimiinta ka mid ahaa: qaybna wuu gowracay, qaybna wuu gubay, qaybna wuu qaxiyey, culimadii muslimiintantana wuu cadaabay. Maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxa uu u yeeray culimadii muslimiinta mid kamida oo layiraahdo Abu- Muslim Al-khawlaani (raximahu laah) waxuuna ku yiri diintaada kanoqo, waxa uu markaa Abu- Muslim Al-khawlaani ugu jawaabay: Allihii i’abuurtay baan ku dhaartee in aanan diintayda uga noqonayn ee waxaad doonto samee. Intaa kadib, waxa uu isu soo uriyey dadkii si ay u daawadaan cadaabka uu cadaabayo Abu- Muslim Al-khawlaani, wuxuuna dadkii ku yri: hadii uu caalimkiinu xaq ku taagan yahayna xaqiisa ayaa bad baadinaya, hadii kalena waad arki doontaan sida aan ugalo. Markaa kadib, ayuu wuxuu shiday dab aad u wayn oo shimbirka dabkaa korkiisa duulaa uu soo dhocoya holaca dabkaa ka baxaya dartiis, kadib waxaa lakeenay Abu- Muslim Al-khawlaani oo labada lugood iyo labada gacmoodba ka xiran waxaana lagu tuuray dabkii. Inta uu hawada ku sii socday ee aanuu dabka ku dhicin ayuu Ilaahay keliyta xusuusatay oo keligii magan galyo waydiistay oo waxa uu yiri: “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil” oo macnaheedu yahay “Ilaahay baa igu filan” dabkii ayuuna ku dhex-dhacay iyadoo ay dadku daawanayaan oo markaa ay rabaan in ay sifiican u’eegan sida ay dabku u gubi doono. Dadkiibaa waxaa ku soo mudh yiri Abu- Muslim Al-khawlaani oo dabkii xarkihii ka fur furay, dharkiisiina aanuu guban, cagihiisuna ay ku dulsocdaan dhuxilihii dabka ahaa oo holcayey, isagoo qoslaya, markaas ayaa daalimkii baqay oo dadkii u hanjabay si aanay dadka intoodii kale u islaamin.

Abu- Muslim Al-khawlaani markaa kadib ayuu waxa uu aaday magaalada Madiina si uu ula kulmo saxaabadii Rasuulkeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) waana xiliguu uu muslimiinta hogaaminayey khaliifkii Abuu-bakar Al-sidiiq(radiyalaahu canhu). Abu- Muslim Al-khawlaani, markii uu madiina gaadhay, ayuu masaajidka rasuulka laba ragcadood ku tukaday. Sayidinaa Cumar Ibn-al-khadaab ayaa warkii gaaray dabadeedna waxa uu soo aaday dhinaca Abu- Muslim Al-khawlaani, markii uu lakumayna waxa uuna ku yiri: ma waxa aad tahay ninka layiraahdo Abu- Muslim Al-khawlaani? Haa ayuu ku yiri, markaas ayaa cumar laabta laabta u saaray oo ooyey oo waxa uu yiri: Illaah baa mahad iska leh iga dhex tusiyey umada nebe Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) dhexdeeda qof wixii nebi Ibraahim(calayhi salaam) lagu sameeyey oo kale lagu sameeyey.

Ukhtii, qofkii Illaahay xifdiya oo towxiidku qalbiga uga buuxsamo, Ilaahay waxa uu xifdiyaa maalinta ay dhibi haysato. ILaahna waxa uu quraankiisa ku yiri:

ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدۡ جَمَعُواْ لَكُمۡ فَٱخۡشَوۡهُمۡ فَزَادَهُمۡ إِيمَـٰنً۬ا وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ وَنِعۡمَ ٱلۡوَڪِيلُ
{ Ee ah kuwuu yidhi dadku(Gaaladu) dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u Siyaadiyey Rumayn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaan ufiican wakiil},{ Oo noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan Racayna Raali ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade} Suurat Alli-cimraan 73-74

Qisada Labaad:

Waaxa magaalada Dimishiq, caasimada wadanka Suuriya, furtay Nin kamida boqoradii muslimiinta oo layiraahdo C/laahi bin Cali Al-cabaasiyi. Hal saac oo keliya ayuu wuxuu dilay sodon kun oo muslimiin ah. Waxa uu masaajidka caanka ah ee kuyaala Dimishiq ee Layiraahdo Masaajidkii Umawiyiinta uu lagalay fardihiisii. Dabadeed inta uu dadkii soo hor fariistay ayuu wasiiradiisii waxa uu kuyiri : qof iga hor imanayaa miyuu jiraa? markaasay waxa ay ku jawaabeen maya. . Markale ayuu ku celiyey oo wuxuu ku yiri: ma u’malaynaysaan in uu jiro qof hadal igu soo celin karaa? markaas bay waxa ay yiraahdeen: hadii uu jiro qofkaasi waa: Al-awzaaciyi. Al-awzaaciyi waxa uu kamid ahaa Imaamyadii xadiiska inoosoo gudbiyey kuwii ugu waawaynaa, aadna ucibaado badanaa aduunkana iskaga saahiday(aakhiro keliya ushaqaystay) waxaana xadiiska dadkii kaweriyey kamid ahaa Imaamul Bukhaari iyo Muslim, waxa uu noolaa sadexdii qarni ee qarniyada islaamak ugu horeeyey ee nibegeenu uu yiri qarniyada oo dhan sadexdaas qarni ayaa u khayr badan.

Boqorkii askartiisii ayuu soo diray oo wuxuu ku yiri ninkaas ha la ii keeno. Markii ay askartii u timid oo tiri soo kac meeshiisii uu fadhiyey kama uu kicin, markaas bay waxa ay ku yiraahdeen: waxaa ku raba boqorka. markaas ayuu wuxuu yiri: Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil, oo macnaheedu yahay “Ilaahay baa igu filan” wax yar isuga ayuu ku yiri askartii, wuu baxay wuuna soo qubaystay kafantiisiina maryihiisii hoostooda ayuu soo gashaday, waayo waxa uu ogaaday arintu in ay dhimasho tahay, dhiigiisuna uu manta daadanayo. Laakiin naftiisa ayuu waxa uu usheegay in ay manta tahay maalinkii uu kelmada xaqa ah oran laha asagoo aan ka cabsanayn cid aan Illaah ahayn.

Al-awzaaciyi waxa uu yiri isagoo qisada ka sheekaynaya: markii aan ugalay boqorkii mise labada dhinacba waxaa kasafan ciidamo seefahoodii galka kalabaxay, waan ugulay ilaa aan gaadhay meeshii uu fadhiyey, isagoo markaa sariirtiisii ku fadhiya, cadhada wejigiisa ka muuqatana aad ka yaabaysid. Mar alaale markii aan arakay ayaan Illaah baan ku dhaartee waaba anigoo hortayda uu duqsi taagan yahay “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil”,waxa uu yiri: qofna maan xusuusan walaa reer, walaa caruur, walaa xoolo, walaa xaas ee waxa aan xusuustay carshiga Illaahay ee muuqan doona maalinta qiyaame. Indhaha ayuu kor iigu qaaday asagoo cadhada ka muuqata ilaahay keliyi garan karo, marakaas buu wuxii i yiri: war Awzaaciyow maxaad kaleedahay dhiigii aan daadinay? Markaas baa Al-awzaaciyi wuxuu yiri xadiiskan:

Ibnu Mascuud waxa uu kaweriyey nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) in uu yiri: [qof muslim ah dhiigiisu mabanaana qofkaas oo qiraya in Illaah mooyaane Illaah kale jirin aniguna aan ahay nebigiisii in uu qofkaasi sadex mid noqdo mooyaane: qof guur soomaray oo sinaystay, naf naf loo dilayo iyo midkii diinta ka teagay oo jamaacada kabaxay ].

Hadii dadkii aad dishay ay sadexdaa mid ahaayeen waad kusax sanayd dilkooda, hadii kalase dhiigoodu waa dushaada, ushii ayuu igu soo tuuray markaas bay cimaamadaydii kor uqaaday aniguna seefta ayaan sugayey in ay igu dhacdo, waxaana arkay wasiiradiisii oo maryaha faydanaya iyagoo kafaydanaya dhiiga iga daadan doona. Su’aal kale ayuu markaas kadib iway diiyey oo waxa uu yiri: dadkii aan laayey xoolohoodii kawaran? Al-awzaaciyi waxa uu yiri: hadii ay xalaal kuu ahaayeena xisaab ayaa kuu danbaysa, hadii ay xaaraam kaa ahaayeena ciqaab ayaa kuu danbaysa. Intaas markay dhacday ayuu wuxuu iyiri kiiskan dahabka ah qaado. Al-awzaaciyi waxa uu yiri: anigu maal/xoolo marabo, markaas ayaa waxa iqanjiiriyey mid wasiiradiisii ka mida isagoo ujeeda in aan xoolaha qaato, kiiskii ayaan qaatay, ciidankiisii ayaana uqaybiyey isagoo faaruq ahna waan tuuray markii aan sii baxyeyna waxaan iri: “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil” markii aan ugalayna waan iri hada oo aan kasoo baxoyana waan iri.

Ukhtii, boqorkii sodonka kun oo qof dilay ufiirso sida geesinamada iyo talasaarnimida Illaahy ay sabab ugu noqotay in uu Ilaahay kabad baadiyo caalimkaas, naftiisa, waqtigiisa iyo maalkiisaba ku dhameeyey in uu xadiiska Rasuulkeena ururiyo, si uu inoo soo gaadhsiiyo kiisa saxiixa ah, kiisa daciifka ah, ama laqoraya(mawduuca ah ) inoogu sheego. Ukhtii, Illaahay xifdi marka aad barwaaqaysantahay, oo nicmadiisa aad ku dhex jirtid, isaguna maalinta aad baahantahay, dhibataysantahay ayuu ku xifdin doonaa, Insha Allah.

Geba Gebo.

Ukhtii, Naseexooyinka faraha badan ee aan kuu soo qori doono, oo aan rajaynayo in ay ku anfici doonaan hadii Ilaahay ku waafujiyo inta aad aduunka joogtid iyo aakhiroba, Towxiidkan aan sida kooban ugu hadlay ayeey dhamaan tood soo wada hoos gelayaan. Sidaa darted, guri albaab baa laga galaaye, albaabka Toxiidka waa meesha diinteena laga soo galo, qofkii albaabkaa fure adag ku soo galaa weligii kama baxo, waxa uuna uga sii gudbaa albaabada kale ee khayrka ee aadka u farabadan. Furaha towxiidku waa furaha furayaasha (masterkey). Sidaa darted, ukhtii, furahan, baro sida loo sameeyo, loo xifdiyo, looga ilaaliyo shaydaanka, bidcada, fuduurka (in aad diintaada ka gaabiso), quluwiga (diinta oo aad laysugu adkeeyo), Ukhtii, furahan waxa aad gashataa meesha aad ku qarsato: dahabkaaga, masruufkaaga, waxa aadna u jeclaataa sid aad u jeceshaya: naftaada, hooyadaa, caruurtaada, ninkaaga iyo aduunkaaga oo dhan. Ukhtii, sidaa hadii aad yeesho furahani si sahlan kaaga hoos biximaayo, in aad sidaa u xifdiso ama uu sidaas macno kuula yeeshona waxaa sabab kuugu noqonaya in aad furahan laftiisa si fiican ubarato, u baadho, uga fikirto, dadkii kaa horeeyey ee furahan siduu ahaa u qaatay taariikhdooda akhrido, hadii aad sidaa yeesho, ukhtii, waxaa hubaal ah in jinni iyo insi midna aanuu kaa hoos saarikarin furahan, Ilaahy idankiis.

Inta aynu albaabada kale ee aan kuugu naseexayn doono aynu ku kulmi doono, ukhtii, waxa aan kaaga tegayaa ducadan: Ilaahay xaqa hakusugo, haku jeclaysiiyo, dadka ehelka u ah xaqa Ilaahay marwalba haku ag joojiyo. Mid xaqa ku seexata, kusoo toosta, dadka farta wanaaga, xumaant ka reebta, wanaaga lagaga daydo, sabir badan, salad badan soon badan, sadaqo badan, waang oo dhan leh, Ilaahay hakaa dhigo. Aaamin.

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

abdul_454@hotmail.com