Xiisad siyaasadeedka aadan ogeyn ee todobaadkan ka jira dalka Soomaaliya

KAFTANKA SIYAASADDA TODOBAADKA

Waa sheeko siyaasadeed taxane ah oo sawir guud ka bixineysa marxaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo.

Jimcaale: Waxaan fahmi la ahay ujeedada ay ka leeyihiin raggan dowladnimada ku ciyaaraya ee aan waxba kala jecleyn oo tooda keliya ay u caddahay. wallee Soomaali tiih baa ku dhacay. Madaxweynihii wuxuu u dhaqmayaa sidii nin ka taliya Villa Somalia oo kale, magacii dowladnimada waxaa laga dhigtay mashruuc  dhaqaale un lagu uruursado. Soomaaliya xaalkeedu waa cidna uma maqna, ceelna uma qodna.

Jaamac: Ninyahow qof keligii wuu riyoon karaa, laakiin waxaad moodaa Soomaali oo dhan in ay riyo ku jirto saqiir & kabiir. mid Kenya kabo qaad u ah, mid Itoobiya u shaqeynaya, ummad iyagii la isku imtixaanay oo feylaha is goynaya, maxaa dhayi kara oo daawo u noqon kara xaaladda Soomaalida haysata.?

Jimcaale:  Maxaa loo waayey dad caafimaad qaba oo ummadan badbaadiya, Soomaali yaa inkaaray.? Habeen dhoweyto mar aan TV-ga daawanayey waxaan la yaabay dad waaweyn oo inta meel maxfal ah soo istaaga qabiil difaacaya.

Jaamac: Aniga waxa maskaxdeydu ay qaadan la’dahay waxeey tahay,  sida ay u dhaqmayaan in badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo meherad ka dhigtay laaluush, musuq-maasuq & in ay difaacaan maamulada beelaha ku dhisan ee ay ku adeeganayaan Kenyaanka & Itoobiyaanka. Maxaa loo waayey iyaga oo ka doodaya wax dan & maslaxad  u ah shacabka. Kuwa xildhibaannada na looga dhigay waa dad markiidii hore ee la soo xulayey ku yimid qaab xaaraan ah, laguna soo xulay hadba sida ay u kala liitaan.

Jimcaale: Ma maqashay  nin Sacuudiyaan ah oo Kenyaan-ku ay xireen in Sacuudigu ay ku dhawaadeen inay safaaradeedii kala baxdo Kenya. Ka waran kumanaanka kun ee Kenya xabsi ciqaabeedka ugu jira & Madaxweynaheenii oo aad mooda inuu u dhaqmayo qaab calooshiis la ciyaar iska qoslaya.?

Jaamac: Ummad haddii hogaanku ka qaldamo waa in la helaa dad mideysan oo ay daacad ka tahay badbaadada dalkooda, oo dhexda u xirta sidii ay hogaanka ama u sixi lahaayeen ama u dhihi lahaayeen naga hor-wareeg. Midnimo wax lagu waayey tafaraaruq laguma heli karo.

Jimcaale:  Ninyahow adduunka maanta waxa ka dhacaya waa la socotaa, 14-kii sanno ee u dambeeyey adduunka wax weyn baa iska bedelay, muslimiintii baa la isku imtixaanay, wixii gaaladii ay ka xishoonayeen in ay kugula kacaan ayaa muslimkii uu kugu sameynayaa, Soomaalidiinii iyaga oo ajnabi kuwii ugu liitay u adeegaya ayeey is laynayaan.

Jaamac:  Soomaali xaalkeedu ma dhawee waxba haysku mashquuline ka daneyso.

Jimcaale: Walaaloow siddeen uga daneystaa.? Annagii waan mustaqbal-beelnay, ubadkeenii sidoo kale, waxaan is leenahay war bal Soomaali haddii ay sidan ku sii socotaa jiritaankeedii baa baabaįya.

Jaamac: Haddaan ku weydiiyo adigoo raali ah,  Walaaloow Puntland waxaaba la yiraa waa dad halgankii xornimo qaadashada Soomaaliya ka soo qeybqaataye, maxey tahay dadkan madaxda ka noqda ee mar walba horay iyo gadaal Itoobiya ugu soo socdaalaya.? waxeeyba u adeegayaan dadkii xorriyadeena diidanaaye.?

Jimcaale: Sheekada la leeyahay waa halgamayaal waa iska  huu-haa la doonayey in dadka maskaxdooda sida naastarada loogu duubo, in warkaas uu been yahay waxaad ka garan kartaa, dadkii aan xorriyadeena ka ilaalineynay ayeey u sujuudayaan oo ay leeyihiin  maxaan idiin qabanaa.? sheekada la leeyahay waa dadkii xornimada u soo halgamay ha nalaga xiro.

Jaamac: Maxaa dhacay madaxweynaha maamulka Puntland hadduu la shiro R/wasaaraha Itoobiya maxaa ku jaban.? Puntland waa dad Soomaalinimo halkeeda ha joogtee gurigoodii hagaagsaday oo ay ilmahoodii iskuul u tagayaan.

Jimcaale: Ma waxaad mooday in ay dan & maslaxad Soomaaliyeed u tegayaan Addis.? Waxey  adeegayaal u yihiin Itoobiya, waxeyna u tagaan Itoobiya in ay amar ka soo qaataan bes, waa duleysi. Maxey ka wadahadli karaan baad is leedahay C/weli Gaas &  Itoobiya.? waxa uu kala shiri karo ma jireyso, waa dowladdii fedraalka Itoobiya, Puntland na  waa maamul goboleed, teeda kale, kuwa u sacbinaya ee shacabka & saxaafadda-ah ee naawilaya Madaxweynaheena,  ha ogaadaan madaxweynahooda inuu yahay shaqaale u shaqeeya Itoobiya.

Jaamac: Aniga waxey igula quman tahay is eed-eed maanta Soomaali wax u tari maayee, Itoobiyana haddii tegitaankeeda la yiraa qof aan u tegin ma jirtee, in Soomaali danteeda aqoonsato waa muhiim oo qofka Soomaaliga ah uu aamino kan kale ee walaalkii ah, la iskana daayo danaha waqtiga gaaban ah.

Jimcaale: Taas iigu kaadiye, ninyahow ninkii Muungaab ah waaba nin aan waxba isku faleyn oo xishood laheyn, Tarzan baa dhaamey oo la qaataa. Ka waran 16-kii degmo wuxuu ku taxay Hawiye.  Daarood, Isaaq, Digil & Mirifle iyo beelaha kale iyagu gobolka wax kuma lahan miyaa.?

Jaamac: Waa runtiis, wuuna ku saxan yahay taas, adigu bal waxaan ku weydiinayaa nin Muqdisho ka soo jeeda  maamulka Boosaaso wax ma ka noqon karaa.?  Mase la socotaa hantida dekadda Muqdisho ka soo xeroota  in mushaar lagu siiyo xildhibaanada & Wasiirada Puntland. Hantida dowladda federaalka Soomaali oo dhan ayaa  cunta, kii Boosaaso ka soo baxayna iyaga keliya ayaa cuna, aniga tan aan liqi la’ahay waa taas.

Jimcaale: Sideed u aragtaa in Kenya ay qunsul u soo magacowdo Jubbooyinka.?

Jaamac: Kenya kuma ekeysan doonto in ay Guddoomiye soo magacowdee, waxaa xigi doono inaad mar dhow maqashid iyadoo la leeyahay dadka Gobolada Jubbooyinka & Gedo degan waxey u codeeyeen in ay Kenya ku biiraan taas ha sugi waayin.

Jimcaale: Taas ILLAAHEY nama gaarsiiyo. Waxaan aaminsanahay in Soomaali danteeda u midoobi doonto, kana guuleysan doono Insha ALLAAH cid kasta oo jiritaankeedsa ka soo horjeeda.

La soco qeybaha dambe 

Isha: Yoobsannews