11 qodob oo ay kooxda Aala-Sheikh ee Sh Shariif kaga fiican yihiin Dam-Jadiid

Waxaan sahmiyay 11-ka Qodob ee ugu muhiimsan oo kooxdii hore ee Sheekh Shariif ee ‘Aala Sheekh’ ay uga fiicanyihiin kooxda ‘DamJadiid’ ee Xasan Sheekh.

1 – Kooxda DamJadiid waxay dalka ku soo hoggaamiyeen ciidanka Tigreega Itoobiya, oo aan oggoleyn jiritaankeena dadnimo, diin ahaan iyo dhul intaba, waxay noo badasheen koofida ciidan, howlgalkooduna waa dil iyo xirig, halka Kooxda Aala Sheekh iyagoo kaashana Soomaali oo idil ay wadanka xabad iyo wada hadal uga saareen ciidanka Itoobiya oo 2006 nagu soo duulay. Itoobiyaanku waxay dileen dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 30,000, waxay dhac iyo bur-bur u geysteen hanti Soomaaliyeed oo lagu kor u dhaafeysa 3 bilyan oo dollar.

2 – Kooxda DamJadiid haba yaraatee wax macaamiil ah lama lahan shacabka Soomaaliyeed, taasina waa midda keentay dib u dhaca siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo nololeed, halka kooxda Aala Sheekh ay ka war hayeen shacabka iyo halka xaaladiisu mareyso, isla markaana oggolaa in lagala doodo masiirka iyo mustaqbalka dalka, xiriir toos ahna la lahaa muwaadiniinta dal iyo dibad.

3 – Kooxda DamJadiid iyo madaxweynahoodu waxay si gaaban u fahmeen dowladnimada, eeg waxa ka socda Madaxtooyada, madaxweynuhu wuxuu isku soo wareejiyay rag ku heyb ah, oo hadana ku xisbi ah, laga soo billaabo qolada nadaafadda u qaabilsan madaxtooyada ilaa agaasimaha madaxtooyada waa hal qolo, halka kooxda Aala Shekh ay ahaayeen dad Soomaali oo idil ka kooban, waxaan u soo joogay madaxweyne Sheekh Shariif oo Turjubaankiisa, agaasimihiisa madaxtooyada, xogheyntiisa gaarka ah, la taliyaashiisa iyo dadka sirta madaxtooyada haya ay ahaayeen Soomaaliweyn isku dhafan, halka Xasan SHeekh uu isku badashay agaasimayaal midna wiilkiiisa yahay, midna aanu ka dheereyn.

4 -. Kooxda DamJadiid waxay aaminsantahay in dadka fikikooda heysta ama xisbigooda ka mid ah maahane inta kale ay rooti yihiin, ma jirto qof ay u roon yihiin, eeg sida ay bannanka u dhigeen dadkii wax qabadka heybadda iyo kartida u lahaa ee Saacid, Tarzan, Mayan Qaasim, Fiqi, Yusra Abraar, General Diini, Shariif Sheekhunaa iyo muwaadinin kale oo xirfadleyaal ahaa.

5 – Kooxda DamJadiid uma qorna qorshe waqti dheer ah oo ay ummada Soomaaliyed uga saari lahaayeen dhibaatada ay ku jirto, laakiin sida muuqata waxaa waqtigooda dheer uu hada yahay sidii ay 2016 ku soo noqon lahaayeen oo kaliya, taasna hadda ayay qorshaheeda ku jiraan, waxay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda ka dhigeen Faarax Cabdulqaadir oo diyaarinaya qorshe cusub oo ah in afka laga sheego in doorashada soo socota ay dadku codeyn doonaan, laakiin xaqiqadu ay tahay in dabayaaqada sanadka ay ku dhawaaqaan inaan doorasho nuucaas ah aysan dhici karin markaasna ay diyaariyaan tiisa hadda ay ku guuleysteen oo kale, taas oo sida la aaminsanyahay aheyd iibsi madaxweyne, halka kooxdii Sheekh Shariif ay fikir intaas ka ballaaran oo wadaniyadeed ay ku jirtay qorshayaashooda hore ee xilliga dheer. FG: Shaki ayaa ku jira inayba gaari doonaan 2016.

6 – Kooxda DamJadiid waxay dalka uga faa’iideyn waayeen fursada ay heystaan oo ah dowladnimo buuxda oo codkeedu shaqeynayo, waxay kasban waayeen aaminaadii caalamka, waxay meel marsiin waayeen soo xero galinta dhaqaalihii ay wadadiisa diyariyeen kooxdii Sheekh Shariif, sida The New Deal oo ka dhashay shirkii 1-aad ee London February 2012. Sidoo kale waxaa halis ku jira taageeradii walaalaha kaliya ee Soomaaliyeed ee Turkey.

7 – Kooxda DamJadiid waxay dayaceen dalka iyo dadka, waxayna na galiyeen baqdin ah in Soomaaliya ay ka baxdo qariiradda caalamka, waayo markii aad aragtid Sawaaxiliga Kenya ee Kukukuuyada ah oo Qunsul u magacaabaya qeyb ka mid ah dalka, Xarifgii qunsulkii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee Islii, Casuumaadii Itoobiya ee C/weli Gaas ee shirkii madaxda geeska Africa, iyo midnimada dalka oo gabaabsi sii mareys, intaas oo dhan markii aad qiimeyso waxaa ku galaya cabsi weyn oo DamJadiid masuul ka yihiin.

8 – Nolosha qofka Soomaaliga ah ee maanta waxay mareysaa meel halis ah, sicir bararka, ammaan la’aanta, abaaraha, biyo la’aanta, abaaraha, raashin yarida iyo colaaduhu waxay saameeyeen guud ahaan qof kasta, Maanta kiishka sokorta ah wuxuu Muqdisho ka joogaa 35 dollar, halka gobolada qaarna uu laba u jibaar lacagtaas marayo, si looga baxo musiibooyinkaas oo dhan DamJadiid kuma jiro fikir is badal ah qiiro wadaniyadeed.

9 – Dhismaha CIidan Qaran, hey’ado dowladeed oo shaqeeyn kara, adeeg bulshada la gaarsiiyo iyo dhaqaalah dalka oo la soo kabo waxay ahaayeen qorshihii ay suuqa ku soo galeen DamJadiid, hase ahaatee waxay ku biya shubteen dhinaca kale ee liddiga ku ah.

10 – Dhaqaalaha dalka Intiisa ugu badan waxay ka soo xaroodan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, ma jirto hanti ka laga helo Boosaaso, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Bar-bara midna, taas badalkeeda waxay kooxda DamJadiid ay si doodi ka dhalan karto ugu ciyaareen dhaqaalaha dalka, eeg Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu safray 42 goor muddo 20 bilood ah, halka madaxweynaha dunida ugu xoogga badan ee Obama uu sameeyay 39 socdaal muddo 65 bilood ah. Waxaa xusid mudan in kooxdii Sheekh Shariif ee Aala Sheekh ay iyagu fureen Dekada iyo Garoonka sanadkii 2006, kuwaas oo xirnaa muddo 16 sanadood ah.

11 – Iyo Ugu dambeyntii Kooxda Aaala sheikh waxay qolada xilligan ee DamJadiid uga wanaagsanaayeen xagga wacyiga iyo soo jiidashada dadka, Sheekh Shariif wuxuu ahaa madaxweyne Aftahan ah oo hadana ku darsaday in marka uu hadlayo uu khudbadiisa ku soo daro quraan iyo axaadiith wacdi ah, waxaa ku jiray ama taageersanaa fikirka Aala Sheekhnimada culimo iyo rag badan sida Allaha u naxariistee Cadow iyo Waayeel iyo Janaqoow, Cabdulqaadir Cali Cumar, Yusuf Caynte iyo Xasan Daahir iyo Mukhtaar Rooboow oo markii dambe argagixiso noqday iyo rag kale oo badan, hase ahaatee weli dhagaheygu kuma soo dhicin Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo hadaladooda ay ku jiraan quraan, axaadiith iyo wacdi midna!!!.

W/Q: Farah Blue

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid