Dowladaha siman ee Somalia ka jira!!

Inkasta oo ay noqonayso arar qofkii arkaa uu isweydiinayo waxa ay yihiin ama aan kala jeedo dowladaha siman ee Soomaaliya ka jira, hadana waxaa xaqiiqdu ay tahay in aan indhaha laga qarsan karin isbarbaryaaca iyo qaabdarada baahsan ee haraysay dhibaatada sii waqti dheereysanaysa ee ka jirta dalkeena Soomaalliya oo duniduna ay u taqaano xabaashii gar-gaarka dalalka isku tilmaama deeq bixiyayaasha caalamka.

Magac xumada intaa oo kaliya nalooguma simine, hadana waxaa naloo sii raaciyaa sida naaneys aan baxsanay oo kale dal ka mid ah meelaha safka hore kaga jira musuq-maasuqa aduunka oo looga jeedo in ay gacan toglaamin amaba aan si kale u iraahdo xatooyo xoolo dadweyne ay ka jirto dalkeena, dakiisuna ay ka gaajeysan yihiin dadyowga kale ee dunida.

Yaaney waxba ila sii fogaanin gogol dhigga qormadeydan, laakiin muwaadin kasta shaki kagama jiro isbar-baryaaca ka dhex jira hogaanka dalka.

Dowladda Federaalka ama tan dhexe.

Maqaam ahaan waa tan haysata sharciyadda dowladeed ee dalka, duniduna ay nagu maaweeliso inay u aqoonsantahay sharciyaddaasi, laakiin hadana waxaa jira tilmaamo dhowr ah oo ka dhigaya ineysan sheekadu ahayn sida aan moodno, balse ay jirto daaha gadaashiisa maamullo kale lagu wato, kuwaasi oo tusaale ahaan mararka qaar ka awood badan dowladda saxda ah ee dalka loo dhisay ee uu Madaxweyne ka yahay Xassan Shiikh, wasiirkeeda Koowaadna yahay Abdi Weli, guddoomiyaha barlamaankana uu ka yahay Maxamed Shiikh Jawaari.

Tusaale maamulada kala ah Puntland, kan kumeelgaarka ee Juba, kuwa iska soo horjeeda ee Baydhaba, shabeelooyinka iskaba daa warkooda, kuna sii darso Hiiraan, wadaadada suufiyada ee Ahlu-sunna ee gobolada dhexe meela kamid ah ka xadreeya hubkana haysta, Ximan iyo Xeeb ilaa Galmudug, dhammaantood waxa mooddaa midba inuu saameyn gooni ah ku leeyahay habka ama hanaanka dowladeed ee dalka, iyada oo loola macaamilo, loona casuumo qaab dowladeed, heshiisyana lala galo, iyada oo xitaa dowladda dhexe aysan ka warhayn, lagulana shiro dalal Soomaaliya deris la ah oo qaarkood ciidamo nabad ilaalin ku tilmaaman ay ka joogaan dalka kana xuquuq iyo nolol sareeya kuwii dalka u dhashay ee ciidanka qalabka sida.

Maamuladan laftooda waa kala saameyn duwan yihiin, kuwa hadda calankooda uu babanayo ee tusaalaha u noqon kara Dowladaha siman ee ka jira Soomaaliya waxa safka hore kaga jira labada maamul ee Puntlandta Gaas oo mar Ra’iisul wasaare kasoo noqdey dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Shiikh Axmed, iyo Axmed Madoobaha Jubba oo mar ka tirsanaa kooxa diimeedyadii dagaalka ka galay soomaaliya, waxana ay muujiyeen labadaas maamul sida ay iskood cilaaqaad lamid ah kan dowladda dhexe ay ula yeelan karaan wadamada kale, si gaar ah dalalka deriska nala ah oo noqdey kuwa loo kala dhuunto oo lagulana gorgortomo dowladda dhexe ee dalka.

Puntland waxay madaxdooda aadeen safaro boos ahaan dowladda dhexe ay munaasab ku ahayd ka qayb galkeeda oo ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaarayaal, welibana aysan wax xog ah ka ahayn dowladda dhexe oo noo sheegtay inay xariif ku tahay oo ay hagaajisay siyaasaddeeda arrimaha dibadda guud ahaan, gaar ahaan tan dalalka gobolka oo ay ugu horeeyaan Kenya iyo Ethiopia.

Jubba, maamulka weli la isku haysto ee Axmed Madoobe si KMG ah loogu sharciyeeyey shir dowladda dhexe iyo iyaga lagu dhex-dhexaadinayey oo Addis oo Ethiopiada ah ka dhacay, iyagu waxayba muujiyeen arrin aad loola yaabay oo xitaa shaki galisay qarinimada soomaaliya in la aqoonsan yahay iyo inkale, taasi oo ah markii madaxdeedu ay soo dhaweeyeen nin ay soo dirsatay Dowladda Kenya oo ay ku sheegeyso inuu yahay qunsulka Kenya ee Maamulka Jubbaland.

Hogaamiyaha jubba oo aad mooddo inuu si gaar ah isku xejinayo Kenya iyo ciidankeeda Kismaayo ku ilaaliya waxa uu warfaafinta u sheegey in cilaaqaadka dowladda kenya iyo iyaga oo aad u wanaagsan yahay ayna soo dhaweynayaan qunsulka ay u soo magacaawdey dowladda deriska la ah ee Kenya oo ay la shaqeyn doonaan, isaga oo og weliba in dowladda dhexe qunsulkeedii kenya joogay la bahdilay oo xabsiga la baray, bedelkeedana ay si diiran iyaga waa Jubbada Axmed Madoobe ay usoo dhaweynayaan qunsulka Kenya ee dowlad goboleedkooda Jubba ama sida ay jecel yihiinba u dhig ee ay ku doodaan in loogu yeero oo ah Jubbaland.

Shakiga dowladaha siman inkasta oo uu muddaba soo jiitamayay welina aysan meel u dhicin arrintii Somaliland oo gabi ahaanba qabta inay ka go’day Soomaaliya 1991dii, hadana waxaa sheekada xiisa u yeeley ka warqab la’aanta Dowladda dhexe ee waxa ka socda dalka haba ugu horeysee fadhiidnimadooda ay ka gaabiyeen inay hantaan kalsoonida guud ahaan maamulada ka jira dalka, si gaar ah kuwa isku haysta inay la siman yihiin dowladda oo ay kula loolami karaan masraxyada caalamka iyaga oo leh nidaamkooda u gaarka ah.

Madaxweynaha dowladda Xasan Shiikh waxa laga so xigtay inaysan warba u hayn arrintan ugubka ah ee Kenya ay ku dhaqaaqdey ee ah in calaaqaad diblomaadsiyadeed ay la sameysatay Jubba, iyada oo horeyna loogu dhaliilsanaa Madaxweynaha iyo dowladdiisaba sida ay uga aamuseen gabood falka sida gaarka ah loogu hayo dadka ay matalaan ee Soomaaliyeed, iyo sida jilcan oo ay markasta uga hadlaan arrinta adag ee ka taagan dalkaasi oo soomaalida u ahaa mar meel ay ku baxsadeen ganacsi iyo dhaq-dhaqaayo kalena ka sameysteen.

Ha fogeysan oo yaaney wax lala yaabo kula noqon haddaad maqasho safiirka Kenya ee Puntland, Khaatumo, lixda gobol, amaba inta kale ee jirta, waxayna muujinaysaa in dowlado siman ay ka jiraan dalkii beri Soomaaliya ahaa, dowladda Madaxweyne Xassan Shiikhna loogu yeeri doono Dowladda Muqdisho, sida mararka qaarba aan maqalno, una eg qaabka ay hadda u shaqeeyaan oo noqdey mid amarkooda iyo taladooda ay ka bilaabatay Muqdisho, kuna soo idlaatay isla Muqdishadii lagu dhisay oo aysan jirin cid tdowladda dhexe ka tirsan oo tala ama tusaale iyo weliba wakaalad buuxda ku leh deeganada ay noo sheegeen inay ka yimaadeen oo ay matalaan, waana tan aan qabo inay sahashay in dowlada siman ay noo jiran, welibana ay noo sii dheertahay qunbulad duriyad Federal la yiraahdo oo ay beesha caalamka nagu soo dhex tuurtay oo anaa leh deegaankaasta socoto iminka ay usii xuubsiiban karto mid noo bedesha dagaal qabiileedkii hore aan u galnay.

W/Q: Mohamed Yusuf
Stockholm-Sweden.
Email: maxamedyuusuf@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid