Marinhabowga AXMED MADOOBE iyo garasho la’aanta madaxda DF Somalia

Inkastoo Soomaalidu ay ka wada simantahay dayacaada Dalka iyo Kheyraadka hadana waxa aan qoraalkeygu si kooban tooshka ugu ifin doonaa kuwa dayacay dalka gaar ahaan Dowlada iyo Maamulka KMG Jubba ee uu Hoggaanku u hayo Axmed Madoobe.

Dhulka Somalia waxa uu fiinta hore ugu jiraa dalalka qaniga ku ah Kheyraadka noocyadiisu kala duwan sida Badda, Qudaarta, Xoolaha iyo Batroolka waxaana xiligii hore loo aqoon jiray ‘’Dhulkii Fooxa’’ waxaana Khilaaf xiligaasi ka dhashay magac-bixinta ‘’Soomaali’’ wuxuuna si weyn Magaca Somalia u hirgalay markii gumeysigu reer Yurub sahminayeen Africa iyo Barriga Fog, hayeeshee waxaa Taariikhda Somalia qalday Siyaasadaha iyo qaad-qaadka Qabiilka.

Waxaa lumay hadafka Siyaasadeed ee Soomaalida, waxaa loo jiheestay soo dhaweysiga Dowladaha Ehelka u ah Burburka Somalia 23-sanno, inkastoo Caalamku uu Siyaasiyiinta Soomaalidu ku micneeyo maangaabyo hadana waxaa taasi tuseele kugu filan qaabka ay u dhaqmayaan iyo sida ay uga wada mideysan yihiin kala goos-goosashada Dalka.

Waxaa meesha ka baxay Nidaamka Dowladnimo, waxaana shaki galay in Gobolada Dalka ay hoos imaadan DFS, iyadoo ay tusaale kaga filantahay Ficilka uu Madaxweynaha MKG Jubba Axmed Madoobe sameeyay, isagoona la tashan Madaxda DFS u aqbalay ruux lagu sheegay inuu yahay Qunsulka Kenya u fadhin doono Magaaladda Kismaayo taasoo loo fasiran karo ‘’Socon weynayee ma Oradnaa’’Inkastoo taasi ay ka turjumeyso Ogaal la’aanta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kan dibada oo iyagu laga rabay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Dowladaha dariska iyo kuwa Reer galbeedku ee ka howlgalo gudaha dalka.

Dowlada Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheikh Maxamuud waxa ay iyadu u hanqal taageysaa qabashada Dalka gaar ahaan Muqdisho iyo inta ku heerarsan, balse waxa ay si muuqda iyo si dadbanba u lumisay kaalinta kaga aadaneyd xakameynta Gobolada Dalka, hayeeshee waxa ay qadka kasii saartay Maamulada qaar oo ay ugu horeyso Jubba, waxa ayna xuriyad u siisay dhan waliba taasi ay tusaale kaga filantahay Ficilada dhaqanka u noqday Hoggaamiyaha Raaskambooni oo isagu ismoodo inuu yahay muwaadin u dhashay Dalka Kenya.

Siyaasad iyo Mab’da ahaanba Hoggaamiyaha Raaskambooni waxa uu aaminsan yahay in gabi ahaan Somalia loo gacan galsho Kenya, maadaama uu inta badan noloshiisu ku noola duurka ama bahalo galeenta taasina waxa ay soo ifbixisay xumaha uu aaminsan yahay Axmed Madoobe iyo Makriga uu la damacsan yahay Somalia.

QALADAADKA HOGAAMIYAHA RAASKAMBOONI:-

1- Siyaasada dalka waxa uu hoos geeyay Kenya.
2- Waxa uu aaminay in Somalia ay ka tirsan tahay Gobolada Kenya ‘’Aqoon dari’’
3- Arrimaha kala dhexeeya DFS waxa uu kala tashanayaa Kenya.
4- Ciidamada Raaskambooni waxa ay ka amarqaadan karaan Saraakiisha Kenya, kama amar qaadan karaan Saraakiisha DFS ee Kismaayo.
5- Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo uu la kala saxiixday heshiisyo ay DFS banaanka ka joogto.
6- Qaad-qaadka qabiilka ama reerka uu kasoo jeedo, taasi oo caro ku riday Reeraha ama qabaa’ilada kale ee ku nool Kismaayo.
7- Waxa uu beeniyay ama inkiray in Qaranka iyo Midnimada Somalia ay tahay muqadas ama lama-taabtaan.
Dhammaan qodobadaasi waxa ay muujinayaan in Hoggaamiyaha Raaskambooni uu ka Marinhaboway Siyaasada, dhaqanka, Dal jaceylka iyo Wadaniyada, inkastoo ay u gacan haatineyso Dowlada Kenya hadana waxaan jirin kalsooni iyo wadaniyad uu ku maareyn lahaa Naftiisa.

Sidoo kale waxa uu dhaqan iyo caado u yeeshay inuu had iyo jeeral ka talaabo heshiisyada uu la galo DFS, waayo waxa uu aaminsan yahay cashirada looga soo maan-guuriyo Magaalada Nairobi iyo Addis Ababa, waxa uuna is moogeysiiyay in lama huraan ay tahay in leysugi imaan doono Qaranka Somalia.

Dhanka kale, Waxaa soo ifbaxeysa Garasho la’aanta Madaxda Dowladda Federaalka oo iyagu aanba ka warqabin xaalada dalka iyo Siyaasadaha hoos qulqulaayo Dowladda.

Waxa ay Ogaansho la’aantooda keentay in qeybo kamid ah Dalka loo gacan galsho Dowladaha dariska, iyadoona ay muuqaneyso in Wasiirada qaar aysanba war ka heyn waxa Somalia kusoo kordhay iyo wixii ka baxay, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo la aaminsan yahay inay gabeen howlihii kaga aadana Dalka TUSAALE:- Wasiirka Arimaha gudaha waxa uu dhowr maalin kadib kusoo baraarugay in Dowlada Kenya ay Kismayo usoo magacowday Qunsul, halka Wasiirka arimaha dibada uu isaguna ka warqabin xaaladaha Qaxootiga Soomaalida ee ku kala nool daafaha caalamka sida Kenya, mana aysan dhicin inuu ka shanqariyo Erayo lid ku ah Dalka Kenya kana turjumeyso in Qaxootiga Somalia ay leeyihiin dad iyo dal.

Ufiirso inta badan Madaxda Dalka wey ka warqabaan shir waliba ee ka dhici doono Caalamka iyo dhaqdhaqaaq waliba ee muujinaayo in Beesha Caalamka ay dhaqaale ugu yaboohayaan Somalia, Lakiin ma jiro dareen muujinaayo in il-gaar ah lagu eego dalka iyo dadka dibadaha ku nool xaaladooda.

QALADAADKA IYO GARASHO LA’AANTA DOWLADDA FEDERAALKA:-

1- Mareyn la’aanta Dhaqaalaha ka soo xarooda Caalamka.
2- Xakameyn la’aanta Siyaasadaha dal iyo dibad.
3- Tacaamul wanaag la’aan kala dhexeyso dhanka Maamul goboleedyada.
4- Xisaabtan la’aan u dhexeysa DFS iyo Maamul goboleedyada, Hay’adaha ajnabiga, Dalxiisayaasha.
5- Fulin la’aanta balamaha.
6- Habacsanaanta dhanka Ammaanka.
7- Heshiisyada oo isla goobta looga dhaqaajiyo.
Cinwaanka Maqaalka waxa uu salka ku hayaa wax wada qabsasho la’aanta Soomaalida iyo sida Ruux waliba uu u jecel yahay inuu u meel mariyo waxa isaga u cuntamo, taasina waxa ay micnaheedu tahay Is aaminaansho la’aan ka dhex jirta Soomaalida taa oo ah mida ay Caalamku ku aqoonsadeen ducfiga iyo Mab’da la’aanta Soomaalida.

GABOGABADII

Marka ay Bulshaweynta Soomaaliyeed ee Nabada jecel arkeen dhaqamada qalafsan ee Siyaasiyiinta waxa ay is weydiiyeen ‘’Aawday rajadii laga qabay Somalia’’ waxaana usoo baxday in xaalku uu yahay mid aan la saadalin karin islamarkaana ay faraha kasii baxeyso Siyaasada dalka lagu dhaqi lahaa.

W/Q. Weriye Anwar Bakhiit
Email:- wararka@live.se

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid