13-kan Qodob haddii laga waayo DFS, Muqdisho Nabad kama dhalaneyso.

Madaxweynaha iyo Madaxda Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Akhristayaasha sharafta leh dhammaan waxa aan halkaani ugu soo gudbinayaa Qodobo muhiim ah oo aan is leeyahay waxaa lagu xaqiijin karaa Ammaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeen-daaban waxaana kamid ah:-

1- Wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarto DFS iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

2- Hub ka dhigis dhab ah oo lagu sameeyo Maleeshiyo beeleedka ku dhex jira Muqdisho.

3- Diiwan-galinta Hubka noocyadiisa kala duwan oo lagu sameeyo Qoryaha ay wataan Militeriga, Boliska iyo Nabadsugida.

4- In dharka ay wataan Ciidamada Dowlada loo sameeyo ‘’Jeebka korkiisa Magaca askariga wata dharka’’ waxa uu sahlaaya howlbadan.

5- In Ciidamada badankooda ay noqdaan Nabadsugid iyo Militeri, halka Boliskuna laga qaadanaayo tiro macquul ah, inta ay Dowladu ka yeelaneyso awood buuxda.

6- Isla shaqeyn dhex marta DFS, ganacsatada Suuqyada iyo dhalinyarada ka ganacsata shaqooyinka gacanta sida Caseeyayaasha, kuwa gawaarida dhaqo IWM.

7- Xisaabtan lala sameeyo Ciidamada DFS, lana soo bandhigo ciqaabaadka uu leeyahay Askariga fal dambiyeed lagu qabto.

8- In Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga laga dhex saaro Magaaladda, waayo waxa ay had iyo jeeral qoryaha ku taagan shacabka ama waxa ay si maalayacni ah u ridayaan xabad aan laga fiirsan.

9- In Saraakiisha DFS ay sameyso barnaamijo lagu xisaabinaayo Xabadaha qoryaha ugu jiro Ciidamada si loo xaqiijiyo askariga iibsanaayo rasaasta ama kan sida caadiga ah u rido xabada xisaab la’aan.

10- In DFS ay sameyso Barnaamijo taxane ah oo lagu wacyi galinaayo Bulshada aan wax ka garaneynin qiimaha ay leedahay nabadgalyada iyo wadaniyada.

11- In la helo shacab la socdo dhaqdhaqaaqyada dadka la degan guriga iyo in la helo bulsho aaminsan Dowladnimada.

12- In Ciidamada ay ixtiraam gaar ah siiyaan shacabka si ay u wanaagsanaato wada shaqeyntooda.

13- Ugu dambeyntii, Waxaa Madaxda Dalka looga baahan yahay inay dhex galaan Bulshada gaar ahaan inay xaadiraan goobaha banooniga lagu dheelo IWM.

 

W/Q. Weriye Anwar Bakhiit
Email:- wararka@live.se

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid