Qiso cajiiba oo uu qoray Sheikh Shibli: Ayaan darane Cali C/Sacuud Maxamed “Xeydarah” Taliyaha 2-da aag miyaa?”

Qeybtii 4aad

–          Waxaan qormadan 4aad ku soo qaadanaynaa qiso aad u yaab badan oo aad ila wadaagi doontaan qeybaheeda kala duwan ee aan soo bandhigi doono.

–          Waxaan ka codsanayaa aqristaha in uu iigu dulqaato dheerarka qisadan oo hadii laba jeer la kala qoran kala dhantaalmaysa, haddii la is raaciyo hal marna dheeraanaysa kase fiican in ay kala dhantaalanto.

Qissada Oo Qodobaysan:

  1. Cali C/Sacuud Maxamed ” Xeydarah”: Waa nin Masar u dhashay, hadana ku nool meel  Maraykanka kamid ah.
  2. Aabihii ayaa ahaa sarkaal ciidamda, waxyna taasi fursad u siisay in uu helo waxbarasho tayo leh, waxuu si fiican ugu hadli jiray luqadaha Carabiga, English-ka, French-ka & Cibriga (Luqadda Yuhuuda), waxay arrintaasi siisay mudnaan gaar ah iyo in uu fursado banda helo.
  3. Waxuu ku biiray ciidamada Masar, waxuu kamid ahaa ciidamo Marakanku si gaar ah u tababaray, waxaana loo diyaariyay ilaalinta mas’uuliyiinta iyo dublamaasiyiinta.
  4. Waqtigii la dilay Anwar Al-Saadaat 1981, waxuu tababar u joogay Maraykanka, xerada ciidamda ee “Fort Bragg” kadib markii uu qabsaday Xusni Mubaarak  ayuu kamid noqday saraakiil yar yar oo laga saaray shaqadii ciidamada 1984, ayagoo looga shakiyay fikir Islaami ah hase ahaatee lama xirin.
  5. Waxuu shaqo ka helay hay’adda ilaalinta nabadgalyada garoonka diyaaradaha ee Qaahira oo ay dawladu leedahay, waxuuna ka shaqeeyay waqti, waxaase markii danbe laga saaray shaqadii asaga oo laga shakiyay lamase xirinmarkan kalena.
  6. Waxuu la xiriiray sanadkii 1984 safaaradda Maraykanka ee Qaahira waxuuna u gudbistay in uu la shaqeeyo hay’adda CIA, hadday baareen waxaa uga digay hay’adda nabadsugida Massar oo siiyay xaaladda ay ka aaminsan yihiin Xeydarah, laakiin waxaa iska dhaga tiray CIA-da oo ayaduba taqiinay Xeydarah, waxaana qaatay laanta u joogta Germany oo sidaas ayuu ku tagay Germany.
  7. Waxaa loo diray in uu soo basaaso xarun Masjid ah oo taageersanaa XizbullaahLubnaan, waxaana dhacday in uu isu sheegay qoladii loo diray,waxaa warkiisaas soo tabiyay basaas kale oo ku dhex qarsoonaa, shaqadiina waa laga saaray, waxay dawaladda Maraykanku ku dartay liiska dadka laga shakisan yahay ee ay tahay in la iska ilaaliyo.
  8. 6/9/1985: Waxuu ka degay garoonka Kennedy ee Maraykanka, asaga oo ku jiray liiska aan soo sheegnay, hadana waxaa ka caawiyay galitaanka CIA-da sidaasna waxuu ku galay Maraykanka.
  9. Waxuu Xeydarah ku sii bartay diyaaradda gabadh Maraykan ah, xoogaa dhawr todobaad ah kadibna way is guursadeen, sidaasna waxuu ku helay deganaansho ku danbeeyay in uu qaato jinsiyadda 1989-kii asaga oo wali ku jira liiska adadka laga shakisan yahay.
  10. 15/8/1986: Waxuu codsi gaystay in uu ku biro ciidamada Maraykanka, waana la aqbalay, waxuu muujiyay adadayg badan tababarkii, waxaa lagu qaatay darajada Saajin, waxaa la geeyay xeradii Fort Bragg ee uu ku soo tababartay 6 sano kahor asagoo ah askari Masar ka socda.
  11. Waxuu Xeydarah kamid noqday ciidamda gaarka ah ee loo yaqaano Marine Corps oo badda & barrigaba ka dagaalami kara, waxuuna ka soo qeyb qaatay dagaalo maraykanku ku galay meelo kamid ah qaaradda America.
  12. 1987: Waxuu ka qeyb galay dhoolatus ay wada sameeyeen ciidamda Masar & Maraykan oo ka dhacay saxaraha Siinaay, waxaana markale ka digay dawlada Masar , waxaana laga saaray ciidamadii gaarka ahaa laakiin ciidamda guud ayaa loo daayay in uu kamid ahaado.
  13. 1988: Waxuu u sheegay ninkii madaxa u ahaa in uu doonayo fasax uu ku aado Afghanistan, fasaxii wuu siiyay laakiin waxuu uga digay aaditaanka Afghanistan oo culays ku keeni karaya dawladda Maraykanka maadaama uu yahay askari, hase yeeshee wuu iska dhagatiray waxuuna ka soo bixiyay tababar xeryaha Al-Qaacida, haduu soo laabtay ma qarin shaqadii uu soo qabtay, waxaana warbixin ka gudbiyay madaxiisii laba jeer hase yeeshee waxba lagama soo qaadin !!!.
  14. 1989: Waxuu tababar siiyay Abuu-Khaalid & Saciid Nasiir oo uu baray hubka sida loo isticmaalo, waxuuna guriga Saciid Nasiir ku kaydiyay xogo muhiim ah oo uu ka soo xaday Ciidamada Maraykanka & tababaradooda, waxuuna isaga baxay ciidamadii markii uu qaatay jinsiyadda Maraykanka.
  15. 5/11/1990: Saciid Nasiir ayaa dilay (Mira Kahn)  oo kamid ahaa Culimada Yuhuudda aadna u taageeri jiray dawladda Yuhuuda, waxaana la qabtay Saciid Nasiir, waxaa laga helay gurigiisa xogtii uu ku qarsaday Xeydarah hase yeeshee waxba lama dhihin !!!.
  16. 1990: Isla sanadkii ayuu Xeydarah gaystay codsi xafiiska FBI-da si uu turjubaan ugu noqdo, waraysi kadib waxaa loo qaatay basaas qarsoon.
  17. 1/3/1991: Waxaa gurigiisa lagu dilay nin la dhihi jiray Mustafa Shalabi oo ahaa reer Masar, ayna is wadaado kale oo uu ku xirnaa Xeydarah, waxaana lagu tuhmay Xeydarah in uu ku lug lahaa, hase yeeshee waxba lama dhihin!!.
  18. 1991 – 1993: Waxuu tababaro ka soo bixiyay xeryaha Al-qaacida ee Sudan, Afghanistan  &  Pakistaan, waxuu ka qeyb qaatay ilaalinta amaanka Bin Laaden, waxuuna ku soo laabtay Maraykanka.
  19. June 1993: Waxuu ku sugayey garoonka diyaaradaha ee Canada nin kala qeyb qaatay ilaalinta Bin Laaden (Xusaaam Marzuuq), waxaa la qabtay Xusaam oo watay Passaport been ah, waxaana lala qabtay Xeydarah, laakiin markii lala xiriiray FBI-da ayaa la siidaayay !!!.
  20. Haddii uu shaqadii ku soo laabtay waxaa waraystay ninkii madaxa ka ahaa, asagana waxuu u sheegay dhamaan shaqooyinkii uu soo qabtay & tababaradii uu soo bixiyay !!!.
  21. Waxaa laga soo diray wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon 2 nin oo khubara ah si ay ula yeeshaan waraysi gaar ah, markii ay waqti danbe dalbatay FBI waraysigii waxay Pentagon sheegtay in ay tirireen oo aanay wax kayd  ah ka haynin waraysigii !!!.
  22. 1993 & 1994: Waxuu Tagay NairobiKenya, waxuuna ka qeyb qaatay sahan lagu samaynayay safaaradda Maraykana ee dib laga qarxin doono, waxuuna 1994 kula kulmay Nairobi AbuuXafs Al-Masri ( Muxamed Caadif) oo ahaa madax ciidamada Al-Qaacida, waxaa aad uga sheekeeyay Faazuul xasuus qorkiisa ( الحرب على الإسلام).
  23. 1994: Waxaa guriisa tagay FBI-da oo raadinaysa asaga oo jooga Nairobi ayay u soo sheegtay xaaskiisii in deg deg loo doonayo, kadibna waxuu aaday Maraykan waxuuna u sheegay shaqada uu ka qabaney Nairobi & kuwii horeba.
  24. Waxaa la qabtay nin la dhihi jiray Wadiic Al-Xaaj, waxaana gurigiisa Nairobi laga helay telefoonada Bin Laden & Xeydarah taas oo keentay in FBI-du ka shakido kaalinta uu kaga jiro ururadan !!!.
  25. 1997: Waxaa kulan casha ah la yeeshay FBI-da waxuuna qiray in uu siiyay tababaro Al-Qaacida, In ay Al-Qaacida ku lug lahaayeen ciidamdii Maraykanka ee lagu laayay Muqdisho-Somalia, in uu jeclyahay Bin Laden, in uu la dagaalamayo Maraykanka oo yahay cadowga islaamka, hadana waa iska daayeen !!!.
  26. 7/8/1998: Waxaa la qarxiyay safaaradihii Maraykanka ee Narobi & Daarassalaam, waxayna gashay FBI guriga Xeydarah oo ay ka heshay caddaymo tilmaamaya kaalinta uu ku lahaa diyaarinta qarxintaas & xogo kale oo muhiim ah.
  27. Xeydarah waxuu isku dayay in uu u safro Qaahira, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradda, waxaa la geeyay Maxkamad, waxuuna sheegay xogo muhiim ah oo keentay in la geeyo xabsi qarsoodi ah.
  28. 20/10/2000: Waxuu ka hor qirtay maxkamad heer federal ah in uu qeyb ka ahaa dhibaataynta Maraykan & kalintii uu ku lahaa qaraxintii safaaradaha, waxuuna dhagaysigii ku dhamaaday saacad gudaheed.
  29. Qaadigii kuma dhawaaqin xukunkii ee waxuu u dib dhigay fadhi kale, fadhigii kale wali ma dhicin ilaahaddana file-kii waa daboolan yahay asaga oo shaabadaysan, mana ahan xaalad caadi u ah maxkamadaha Maraykanka.
  30. Tan iyo intii waqtigaas ka danbeysay waxuu kala shaqeeyaa FBI-da si loo saadaaliyo meelaha ay Al-Qaacida & ururada la hadafka ah beegsan karaan.
  31. Magaca Cali Maxamed ( Xeydarah) meelna kagama qorna xabsiyada heer federal ee Maraykanka, sida uu wadanka ku joogana lama yaqaan oo waa la qarinayaa, ma jiro go’aan maxkamadeed oo ku dhacay.
  32. Waxaa dhici karta in la sii daayo, magacana loo badalo, kadibna la dejiyo meel aamin ah oo qarsoon.

Maxuu ahaa Cali C/Sacuud Maxamed “Xeydarah”:

Waxaa laga dhiibtay 2 aragti oo kala  duwan waxa lagu tilmaami karo shaqada uu hayay ninkan:

1)      Aragtida 1aad: Waxuu ahaa nin la shaqeeya Jihaadiyiinta, Maraykankana siray oo basaasay.

Waxaa sidaas sheegay Maraykanka sida lagu faafiyay baraha internet-ka, waxaana lagu magacaabay (Triple Cross: Bin Laden’s Spy in America ), waxaad ka daawataa aragtidaas halkan: https://www.youtube.com/watch?v=tLWJgKUOj78

Waxaa sidoo kale aragtidaas qaba Fazuul Al-Qamarayi oo ku sheegay xasuus qorkiisa, waxuuna ku saleeyay in uu yaya nin Muslim ah, in uu shaqadaas ka tagay iyo in ay ka muuqatay daacadnimo badan.

2)      Aragtida 2aad: Waxuu fulinayey shaqo uu maraykan-ku raali ka yahay oo dadka kale ayuu basaasayay.

Waxaa sidaas qaba Mustafa Xaamid Abul-waliid Almasri sida uu ku sheegay kitaabkiisa (صليب في سماء قندهار) oo ku saleeyay dhawr arrimood:

  1. Waxuu ahaa sarkaal shaqaale ah, oo dhawr jeer inta soo safray hadana shaqadii ku noqday, mana dhici karto in aan la ogayn waxa uu qabanayey.
  2. Tababarada uu ku bixinayey Afghanistan (sida afduubka dadka iyo diyaaradaha) waxay ka waynaayeen baahida ka jirtay xilligaas Afghanistan, waana u diyaarin marxalad soo socota.
  3. In dhaqanka Maraykanku yahay in dhibaatada la abuuro, kadibna khatarteeda la buunbuuniyo, kadibna qiima qaali ah lagu beeciyo sidii looga badbaadi lahaa.

Is Waydiin

  1. Waxaa la isku raacay in uu labada dhinacba la shaqayn jiray ee midkee ayuu daacad u ahaa?!!!
  2. Maxay CIA ugu fududaysay galitaanka wadankooda asaga oo ku jira liiska dadka khatarta ah shaqadiina ka eriday?!!!
  3. Asaga oo ku jira liiskaas, CIA-na shaqada ka cayrisay maxaa ciidamada gaarka ah loogu ogolaaday ?!!!
  4. Asaga oo liiskaas ku jira, danbiya kalena lagu hayo sida dilka Yuhuudiga, xogo muhiim ah oo la xaday iwm maxay hadana u qaadatay FBI-du?!!!.
  5. Asaga oo lagu qabtay Canada maxay FBI-du uga soo daysay?.
  6. Sidee ku dhacday in uu labada dhinacba ka noqdo madax ama sarkaal sare? Taliyaha labada aag ma la dhihi karaa?

Waxaa horay loo yiri:

1)      Hashu maankayga gadaye ma masaar ayay liqday?

2)      Allahayow adigaa yaqaanna hebal ee ma runtiibaa?

3)      Maxaa tuug shaafii qaadi?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamuud Shibli 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid