Maroodigu Takarta saran ma arkee ka kale Takarta saran buu arkaa !!!!

Baarlamaanka soomaaliya oo wakiil ka ah shacabka soomaaliyeed oo dhan waxa ay qaar kamid ahi talo ugu soojeediyeen madaxweynaha soomaaliya Mudane. Xasan sheekh Maxamuud in uu iska casilo xilka madaxweynenimo ee uu hayo. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxa weeye, ma Xasan Sheekh baa ku fashilmay in uu dalka ka saaro dhibaatada haysata mise baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday mid gabay doorkii uu ku lahaa talada dalka?

Tan labaad, hal shaqsi wax kasta oo dhiba oo uu layimaado waa la xalinkaraa laakiin 275- xubnood oo calooshooda u shaqaystayaal ah yaa arintooda si hawl yar wax uga qabankara?

Golaha shacabku waa mid ku dhisan rabitaanka bulshada ay wakiilka ka yihiin, kuwaas oo masuul ka ah in ay gudbiyaan dareenka shacabweynaha Soomaaliyeed una gutaan xilkooda si ay ku dheehan tahay aqoon, karti dheeraad ah, daacadnimo iyo hakrasho la’aan balse baarlamaanka Soomaaliya taa waxa uu u qaatay badelkeeda waxa uu ka shaqeeyaa, ilaaliyaa danaha dadyaw shisheeye tusaale haddii shacabweynaha Soomaaliyeed soo jeediyaan in uu is casilo mid kamida madaxda sare ee dalku dhag jalaq looma siiyo waxuuna dalabkaasi noqdaa hal bacad lagu lisay, laakiin haddii dalalka deriska la ah Soomaaliya ay dalbadaan waxaad arki xubnihii baarlamaanka oo bir la orod ah.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hareeyey qabyaalad iyo nin jeclaysi, gudasho la’aan waajibaadka saaran iyo inay meel kasta u galaan sidii ay u heli lahaayeen xoogaa laaluusha iyagoo samaynaya dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo guracan.

Waxaa wax aad loo qariibsada ah in baarlamaanka Soomaaliya uu noqday mid u adeega danaha dawlado aan wax dan ah u haynin dalkeena iyagoo eegaya daño shaqsi ama qabiil kaas oo duleeyey dalkeena. Waa caddahay in baarlamaanka Soomaaliyeed aanu Xasan sheekh u rideyn daño Soomaaliyeed iyo xitaa mid ay iyagu u arkaan in uu wax kabadali karo xaalada murugsan ee dalka balse waxaa lagu raali galinayaa cadaw dibada ka ah Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ku raaxaystaan huteelo waaweyn iyaga oo ku suga mushahaaraadka xaaraanta ah ee aan ummadda waxba lagaga celin waa gudashada waa jibaadka saarane, mana la xisaabtamaan xukuumada lakin marka teleefan uu ka soo dhaco qabiil ku sheegooda amaba ay xiriir la soo sameeyaan dawladaha madaxa kaga taagan qaranimada soomaaliya si loo carqaladeeyo hanaanka dawladnimo loogana leexiyo hilinkii lahayey ayaa ay hambabaraan oo hal aan loo fadhiyin meesha keenaan taasna waa ceebta xildhibaanada.

Gunaanad, Soomaaliya waxa ay isku laynaysaa kursiga uu haatan ku fadhiyo Xasan Sheekh, kaas oo loo arko janno camal. Haddaba si looga baxo dhibkaas loona nacsiiyo kuwa ku ordaaya xilkaas baabi’iyeyna Soomaaliya waa in salka loo dhigaa oo madaxweyne kastaa dhamaystaa xilli mudeedkiisa(term).

W/Q: Rufaaci Xaaji Khaliif
Lascaanood-Somaliya
Email: rufaaci14@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid