Yaa ku caan baxay WAX-QABAD la’aan: Xasan, C/Weli mise xildhibaannada?

Bismillah

Waxaa iga yaabiyay rag sheeganaaya iney matalaan umada soomaaliyeed oo hadana qarankii laga rabey iney horumariyaan luga gooynaaya? Maalin dhaweyd ayay aheyd markii rag xildhibaano ah iney isku imaadeen oo dheheen waxaan rabnaa inuu madaxweeynaha is-casilo maxaa yeeley shaqadii loo igmadey muukasoo bixin. Suaal, qodobada aad soo saarteen oo madaxweeeynaha ku dhaliileysaan ma asagaa laga rabaa mise xukuumada iney kasoo baxdo?

Xildhibaano barlamaanka kamid ah ayaa yiri madaxweeynaha ayaa naga dalbadey inaan cayrino R.W Saacid maxaa yeeley waan isfahmin weyney, su’aasha laga rabey inaa weydiinsaan soo ma aheyn ma umada Soomaaliyeed baad ushaqeeynaa mise madaxweeynaha? soona adinkii dhahaayay Saacid anagaa shaqo laantiis uridnay oo xataa ceebtiina udiideen inuu barlamaanka horyimaado oo idiin sharaxo waxey xukuumadiisa soo qabatey? Taas waxaa kasii darin waxaad sameyseen bil kadib waxaad ansixiseen xukumadii Cabdi Wali oo ay ku jireen wasiiradii aad ku dhaliilineyseen shaqo yaraan. Adinka ma waxaad rabtiin marba inaad dhinacaad rabtiin qaranka u leexisiin mise sanad kasta inaad madaxda wadanka badashiin?

Marka sadexaad, waxaa barlamaanka horyaala afar iyo toban sharci oo ubaahan inla ansixiyo oo wax shuqulba iska saarin sey u egtahay, maxaa yeeley arrimo macno aan ku fadhin baad ku mashquusheen shaqadiinina waad ilowdeeen. Intee sharci baad ansixiseen sanad iyo barkii aad jirteen? Shan maka badna. Markaas baad cid kale ku tilmaameysiin shaqo gaabis. Adinka yaa idinla xisaabtami?, maxaa yeeley xaqiiqo ahaan waddankii iyo shacabkiisi waad ilowdeen. Haddii xaqiiqo idin ka tahay xildhibaanimada, maad ka hadashaaan Soomaalida Kenya lagu dhibayo, shacabka biyo la’aanta la dhimanaaya iyo difaaca sharafta wadankeena oo mar kasta lagu tilmaamo hoyga argagaxisada iyo gaajada markaas baan idinku tilmaameynaa dad na matala.

W/Q Eng. Mahad Farah
mahadfarah365@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid