Baroorta Orgiga ka weyn: Mooshinka Xasan: Qabiil u cuqdadeysan mid kale

Sheekooyinka ka soo cusboonaaday Somalia maahan wax cusub oo hadda bilowday, balse waa wax soo taxnaa oo marba heer soo maray. Waa arrin ay ku mashquulsanaayeen siyaasiyiin ka soo jeedda beelaha Daarood oo aan marna raali ka noqoneen haku xukuno Hawiye sababtana ay tahay wax iska cad oo qof kasta uu fahmi karo.

Runta marka aan isu sheegnana Soomaalidu waa dad sideedaba eed sheeg badan, oo hadba ka waddanka xilkiisa qabtaa uu la kulmayo dhib iyo eedo fara badan. Bal dib u fiiri madaxdii dalka soo martay, mid aan wax laga sheegin oo la dhibaateyn ma lahan, haddana marka mid kaloo cusub yimaado si sahalbaa loo iloobaa kii hore, waxaa kawaanka la saaraa kan hadda xilka haya. Waxaan maraynaa heer Maxamed Siyaad Barre aan ku tilmaamno inuu ahaa nin muwaaddin ah oo aad u wanaagsan innagoo wada og dhibkii uu dalka u gestay ay u sabab noqotay waxa Somalia ka dhacay.

Dalkan waxaa ka dhacay wax lagu tilmaamo dhul gariir aad u weyn kaasoo u baahan in si tartiib tartiib ah loo farsameeyo loona dhoodhoobo. Waxaase dhoodhoobkaas had iyo jeer aan raalli ka noqoneen kuwa aan dantooda gaarka ah meesha ku jirin, ha ahaato mid shaqsi amaba mid reer. Tan ugu daran oo ah in koox ka soo jeeda hal beel ay istusaaleeyeen in dhaqdhaqaaqa ka socda Muqdisho iyo isbeddelka ay u arkeen in koox kaliya ay qayraadkii dalka gooni u qabsatay, oo ay ku takri falaan. Uma arkaan in dhibka dhacay si tartiib tartiib ah loogu gudbi karo, uma arkaan Muqdisho iney tahay caasimaddii waddanka una baahan in waxyaabo badan laga qabto inta aan loo gudbin magaalooyinka kale ee yar yar. Muqdishoo hagaagtaa waxay horseedeysaa in ay hagaagaan magaalooyinka kale oo ay madaxda u tahay. Haddiise wanaagga loo arko in madaxweyne Xasan Sheikh uu si gaar ah uu u naasnuujinayo waa wax aan u maleynayo in aysan macquul ahayn.

Horumarka ka socda Muqdisho waxaa eedo badan lagu gaarsiiyey ha’ado u guntaday in ay wax ka beddelaan muuqaalka caasimadda. balse looguma simane eedo kulul iyo aflagaaddo ayaa loo daba dhigay meeshii laga rabay in ay u mahad celiyaan shaqadaas ay ka qabteen caasimadda. Waxay u arkeen in caasimadda Muqdisho aysan ahayn caasimaddooda ayna doorbideen in tuulooyin kale loo wareejiyo dhismayaashaas iyo horumarkaas. Ma lihi qalad ma jiro balse qalad weyn oo aad loo buunbuuniyaa waqtigan ma jirro. Madaxweynaha wuu qaldami karaa wuuna qaldamay marar badan balse in ay gaarto waxa hadda ay wadaan qaar ka mid xildhibaanada maahan xal haboon xiligan aadka u xasaasiga ah.

Bal si fiican u fiiriya ragga horboodayo mooshinkaan, hal hal u soo qaata oo mid kasta si fiican u taxliiliya sababta ku qasabtay arrintan. Waa mid dano qabiil wada sida runta ah oo aaminsan in laga sadbursaday dhinac kasta, iyadoo waliba ay jirto oo xaqiiqa ah in iyagu sadbursi aan caadi ahayn ay ku hayaan dalka. waxay aad u dardareen jahawareerna ku rideen madaxda dalka iyo hay’adaha caalamiga ah taasoo aad mooddo in ay ku guuleesteen. waxay maanta mareysaa in guddoomiye maamul gobol oo sida uu doono u dhaqmo isagoo gaaray in uu waddan kale madaxdiisa ugu sareysa uu kulan la qaato waliba ka codsado in safiir ay ka furtaan dalkaas. Ka waran haddii guddoomiye gobol oo reer koonfur ka soo jeeda uu sidaas sameyn lahaa maba sameynayaane. Waa dad dhib meel kasta iyo waqti kasta u taagan haddana adiga kugu eedeynaya in aad tahay dhib wade weyn.

Runta waa ay caddahay oo sida ay wax u socdaan waa loo wada jeedaa, Xasan Abshir Faarax/ Cali Khalif- Gaandi- Juriile- Mohamed Cabdi Yusuf oo wacad ku maray in aysan raalli waligood ka noqoneen in madaxweyne Hawiye ka soo jeeda uusan marna hoggaamin dalka. maahan mid hadda bilaabatay balse waxay ka soo bilaabatay dalka dibaddiise oo kulamo uu hogaaminayey Cali Khalif Galeyr uu meel kasta u maray in Xasan Sheikh uusan sii wadin hoggaanka dalka. Waxay kaloo soo urursadeen kuwa iyana ka xanaaqsan madaxweynaha oo la jaan qaadi kara mucaaridnimada. Runta waxay tahay wuu qaldamay madaxweynaha Somalia oo meeshii laga filayey kama uusan soo bixin wuxuuna ku sifoobay dabacsanaan iyo wax kasta laga sameestay haba ugu badnaadaan baadda ay ku hayaan beelaha daarood oo ka qaylo dheeraaday kuwa la mid ka ah oo ay isku xuquuqda yihiin. Waa dad xarfaan ah oo wacad ku maray in jid kasta ay u maraanba ay ka go’antahay in ay dalka Somalia mid iyaga ka mid ah ay xukumaan, caasimaddana dhinacooda loo wareejiyo. Haddii aysan taas dhicin ay dabka shidmay ay gaas ku sii shibi doonaan.

W/Q: Abdi Abdulle (Run sheeg)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid