15 Qodob oo sabab u ah Horusocod la’aanta Dowladaha Somalia soo mara

Inkastoo ay inta badan Bulshada Soomaaliyeed dhaliilo kala duwan u jeediyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isulwasaaraha iyo gabi ahaan Madaxda ka kala shaqeyso Xarumaha DFS, ayaa waxan go’aansaday in DFS gaar ahaan Madaxda sare u ifiyo halka ay bulshadu ka cabaneyso.

Ruux waliba oo wadani ah xilli waliba waxa uu Dowlada u jeediyaa dhaliil maadaama sida uu isagu jecelyahay aysan dowladu wax u wadin, balse Daraaso aan ku sameynay sababta keentay in Bulshadu ay ka cabato Dowlada ayaa ah isku dhexyaac iyo la xisaabtan la’aan ka dhex jirta Xarumaha DFS waxaana kamid ah Qodobada soo socda.

1- Xafiisada Dowlada oo aan ka socon wax shaqo ah iyo shaqalaha ka shaqeeyo oo Ehel u noqday xulashada Qabiilka.

2- Shaqsiyaad aan laheyn aqoon iyo Taariikhba oo lagu maamuusay Xafiisyada Dowladda gaar ahaan kuwa Qaranka Halboolaha u ah.

3- Daacadnimada, aqoonta, Xirfada oo laga hormariyay Qabiilka oo la qarameeyay.

4- Faragalinta iyo maamul aan Khibrad loo laheyn oo aabo iyo hooyo u noqday Qaranka.

5- Dhalintii aqoonta laheyn oo la baal-maray iyo Damiin aan magaciisa qorikarin oo gacanta loo galshay xafiisada ugu waaweyn Dowlada.

6- Koontarool la’aan ka jirta Xarumaha Dowlada oo dhaqan ka noqotay Xarumaha.

7- Anaa dhahay iyo amarkeyga hala qaato oo talada dalka habdhaqan looga dhigay.

8- Inna ayaa tahay oo Qarankii bur-buriyay

9- Qaladkii dhaca oo aan dib loo saxin

10- Diiwaan-galinta dhacdooyinka Dowlada ugubka u ah, Kulamada, waxqabadka iyo Heshiisyada ay Dowladu gashay oo daaqata laga saaray.

11- Madaxda iyo shaqaalaha oo aan kala amar-qaadaneynin.

12- Xisaab-xir iyo la xisaabtanka Madaxda Xafiisada oo lumay.

13- Madaxda Dowlada oo is hilmaansiisay Musuqyada ka dhex jira Xafiisyada iyo Codka shaqaalaha oo aah u hooseeyo ”Codka shaqaalaha iyo xuquuqdooda oo aan la ilaalin”

14- Codsiyada shaqaalaha Cusub oo lagu ilaabo sanduuqyada iyo shaqaale aan leysla Ogeyn oo la qaato.

15- Madaxda sare DFS oo aan la tashan ama la hadlin shaqaalaha, taasina waxa ay keeneysaa in Madaxda xafiisada ay is dib-mariyaan dhaqaalaha IWM.

Ugu dambeyntii, 15-kaasi qodob waxa ay tusaale u yihiin dhibaatooyinka qaar ee DFS ka heysta dhanka Horumarka iyo Xafiisada, Waxan qodobadaasi raacinayaa Gabay gaaban oo WADANI ah oo ay tirisay Aamina Cali Maxammad (Carkow), waxa uuna Khuseeya Madaxda Dalka gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uuna ku bilaabanayaa sida tan:-

Da’ada gabay baryahan faadumooy waanigaan dayine
Dar Ilaahay Waa taan u nacay dihashadiisiiye
Xalay buu daruuraha samada iiga soo dagiye
Dirir hooray oo kale cirkoo diiqalyada keenay
Ama duunyadoo curatay baan wada da’aayaaye
Bal durduurta Waa taad in badan iga dalbayseene
********************************************
Durbaankii colaadaad baryahan dib u tumaysaane
Darxumada halaagii ka dhacay dagalka soomaali
Dadkii guuray daarihii burburay duunyadii le’atay.
Dumar iyo duqow iyo caruur dacatigii gaadhay.
Nin kastoo damiir lihi qalbigu wuu damqanayaaye
Dagaaladii sokeeyiyo war hooy yaan dib loo noqone
*********************************************
Dagaaladii sokeeyiyo ma rabo dib u xusuustoode
Dulmi iyo xumaan iyo ma rabo doco-docayn jaane
Dowlad baa inoo dhalatay iyo hoos dalaalimo e
Dabkaa noo baxaayaa shacbigu wuu ku diirsadaye
Ka ilaasha dood iyo dagaal yaan dib loo noqone
****************************************************************
Dowladnimadu waa damal harliyo doogga oo kale ee
Waa daruur hilaacdiyo xareed lagu dabaashaayee
Dugsi bay inoo wada tihiyo aqal daroof weynee
Xagal daacinteeduna ka daran duni gadoonkeedee
Ka ilaasha dood iyo khilaaf yaan dib loo noqonee
****************************************************************
Dastuurkiyo nidaamkeey bulshadu dooratooy dhigatay
Dantayadu waxay tahay inaad wada daryeeeshaane
Hadii uu midkiin diido oo daanta ula leexdo
Kii kalena uu dacal ku dhego doontu wey dagiye
Dictatoor ma fiicnee tashiga wadar ha loo daayoo
Ka ilaasha dood iyo khilaaf yaan dib loo noqone
****************************************************************
Madaxweyne diirrane ayaan baaq u dirayaaye
Mid yar oo dardaaranna waan ugu daraayaaye
Duhurkii dharaartii markaad codadka doonaysay
Niyadii laguu doortay oon waliba duugoobin
Farxadiyo damaashaadkii baan kula dul joognaaye
Fursad dahabiyaad haystaa Daa,imkeen magane
Daadihi kalsoonida shacbiga wadarta kuu duubtay.
Ha dayicin kalsoonida shacbiga adi ku soo doortay.

FG. Gabaygan waxaan tirisay Aamina Cali Maxammad (Carkow), waxayna ka tirisay Xaaladaha Siyaasadeed, Qabyaaladeed ee ka soo cusboonaaday Somalia, xillayadii aanu helnay dowladda joogtada ah ee uu hogaaminayo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo halkii aanu filaynay inay arrimahu sii hagaagaan aad mooddo inay dib u caga taagleeyeen. Waxaana Gabayga loogu magac daray ” Yaan Dib Loo Noqone”.

W/Q. Weriye:- Anwar Bakhiit
Email:- wararka@live.se

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid