Magacyada, beelaha & qorshaha 8-da xildhibaan ee wada mooshinka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay olole ka dhan ah madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud si xilka looga qaado.

Haddaba Caasimada Online, ayaa daba gal ku sameysay kooxda hormuudka u ah xildhibaanadan, iyo beelaha ay kasoo jeedaan iyo sidoo kale ujeedada mid kasta uu lee yahay. 

1 – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali

  • Xiligii Doorshada wuxuu xildhibaanku sheegay inuu codadkii uu helay wareega 1-aad oo ahaa 28 cod uu ku wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan  uu ka filayey inuu siin doono lacagtii ka gashay ololihii doorashada, lacagtaas oo uu sheegay inaan weli waxba laga siinin.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir wuxuu sheegay in shirkad uu wax ku lahaa oo lagu magacaabo Deeqo oo shidaalka siin jirtay diyaaradaha Garoonka Muqdisho yimaada laga dhigay tartan furan haatana shirkad kale la siiyey. Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu aaminsan yahay in Beesha Warsengeli xilalkii iyo ilihii dhaqaalaha ee ay maamuli jireen Xiligii R/W Cali Geedi iyo Madaxweynihii hore Shariif inay hoos u dhacday. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wuxuu sidoo kale olole u galay in loo magacaabo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, oo uu ku fashilmay.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble wuxuu aaminsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Beesha uu kasoo jeedaba (Waceysle) dalka hogaamin Karin, uuna isaga beel ahaan (Harti Abgaal)  iyo shaqsi ahaanba uga fiican yahay inuu dalka hogaamiyo, arintaas oo siyaasiyiin iyo Xildhibaano dalka degenaanshihiisa diidaya dhegta ugu sheegeen.

2 – Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan

  • Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kasoo jeeda Asharaaf, Digil iyo Mirifle wuxuu ku riyoodaa in Mar loogu yeero Madaxweynaha Koofur Galbeed ee 3-da gobol si uu taas u gaarana wuxuu aaminsan yahay in ay caqabad ku yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari si uu taas u gaarana wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u korayaa in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Meesha laga Saaro, sida ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.
  • Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aden ayaa aaminsan in dhowaan fadeexaadii  siyaasadeed ee kula soo dhacday Baydhabo mar uu booqasho ku tagay oo aheyd in markii ugu horeysay ee Beel weynta Digil iyo Mirifle ay si cad u diideen siyaasadda Shariifka iyo inuuba gudaha usoo galo Magaalada Baydhabo uusan gacan fiican ka helin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sidaa daraadeedna wuxuu ka shaqeynayaa in Madaxweynaha isagana la dhaawaco, siyaasiyan, dadkiisana laga horkeeno.

3 – Xildhibaan Cabdulqadir Cali Cumar

  • Wuxuu tabanayaa in Agaasimihii Madaxweynaha Kamaal Guutaale, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Saleebaan ee Habar-Gidir xilka laga qaaday laguna badelay wiil kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha oo lagu magacaabo Taabit.
  • Sida ay sheegeyso xogta Caasimada Online, xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in Gudoomiyanimada Degmada Xamarweyne oo laga qaaday beesha Saleemaan, isla markaana aan laga siinin Gudoomiye ku xigeen, iyadoo ku xigeenada la siiyey Beelo kale,  Sidoo kale inaan Beesha Saleemaan laga siinin gudoomiye ama ku xigeeno degmooyinka kale ee Muqdisho intii ay horey ku xigeenada ka ahaayeen.
  • Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in balan qaad ahaa wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo Madaxweyne Xasan Sheikh uu horey ugu balan qaaday beesha Saleemaan uu uga baxay, isaga oo Madaxweynaha Beesha ku eedeeyey in Xiligii Riditaanka Raisul wasaarihii hore Dr Saacid aysan beeshu gacan ka geysan.
  • Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa In xuquuqdii guud ahaan beesha Habargidir gaar ahaan Saleemaan inuu ku tuntay Madaxweyne Xasan Sheikh, taageerada beesha u heysayna uusan tixgelin, xuquuqdoodiina uu dhaafsiiyey.
  • Xildhibaanku wuxuu tabanayaa Xubinta Wasiirnimo ee Beesha Habargidir aan xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha lagala tashan, jagadaasna la siiyey nin firqo diineed kasoo jeeda oo lagu Magacaabo Cabdikariin, shaqsigaas oo aan aqoonin amni, dalkana geliyey dib u dhac weyn, sida dad ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online.

4 – Xildhibaan Cumar Finish

  • Xildhibaan Cumar Finish wuxuu rabay in Degmada Wadajir Gudoomiye looga dhigo wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Qoondhe, arintaas oo uu Xildhibaanku ku fashilmay.
  • Xildhibaan Cumar Finish oo markii uu ku guuldareystay in wiilka uu adeerka u yahay Axmed Daaci lagu bedelo u sheegay Axmed Daaci inuusan xilka wareejin, taas oo Axmed Daaci ku gacan seyray si sharf lehna uu xilka u wareejiyey, sida ay horey u werisay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Cumar Finish wuxuu ku doodayaa in Beesha Daa’uud Wacbuudhan ay ku yar tahay 3 degmo in laga siiyo magaalada Muqdisho, ayna tahay in looga badiyo.

5 – Xildhibaan Sanyare

  • Xildhibaan Sanyare wuxuu ka soo jeedaa Puntland wuxuuna u joogaa Xamar inaan Caasimada Dalka degin, Kanbaniyada Turkigana laga joojiyo shaqooyinka dib u dhiska Garoonka, Jidadka iyo Dekeda Muqdisho.
  • Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay in Hogaaminta Dalka ay leedahay Beesha Majeerteen, suurtagalna aysan ahayn in Dawlad Majeerteen uusan Madaxweyne ama Ra’iisul wasaaraha ka ahayn aysan shaqeyn, fikirkaas oo uu taageero uga heysto Maamulka Puntland, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Sanyare oo la sheego inuu Mushaar labaad ka helo Puntland inuu u joogo Muqdisho in Xamar laga ilaaliyo siyaasad degan, sidoo kalana is fahanka laga ilaaliyo siyaasiyiinta reer Muqdisho.
  • Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay Magacaabida Gen Muungaab ee loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir, lana hoos keenay Laamaha amniga Gobolka Banaadir ay suura gal tahay in ay keento Muqdisho oo nabad ah, Muqdisho oo nabad ahna ay keeni karayso in Muqdisho Xisaabtanto, lana timaado in ilaha dhaqaalaha (Dekedaha, Garoomada, Canshuuraha) Gobolada Soomaaliya dhaqaalaha lagu wadayo DF Soomaaliya la isku darsado, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.

6 – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig

  • Xildhibaan Xidig wuxuu kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu aad u taagersan yahay Maamulka KMG ah Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, wuxuu doonayaa in Xaalada siyaasadeed ee Caasimada Muqdisho laga ilaaliyo degenaanshaha si aan dawladu ugu mashquulin in ay codsato in lagu wareejiyo Maamulka Dekeda iyo garoonka Kismaayo.
  • Xildhibaanku wuxuu dhaqaale badan ka helaa Hogaamiyaha KMG ah ee Juba si aan baarlamaanka DF Soomaaliya loo horkeenin heshiiskii lagu aqoonsaday MKG ah ee Juba, wuxuuna markasta kiciyaa xasarad taabanaysa siyaasiyiinta Muqdisho.
  • Xildhibaan Xidig wuxuu mushaar labaad ka qaataa maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Kenya, wuxuuna difaac uga jiraa in Heshiiskii dawladu ku aqoonsatay MKG ah Juba la horkeeno Baarlamaanka,  xildhibaanka dantiisu waxaa weeye inuu xasarad iyo qalaanqal joogto ah lagu haayo Madaxweynaha, Wasiirka amniga iyo Wasiirka arrimaha Gudaha, si dawladda looga mashquuiyo arimaha Kismaayo.

7 – Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur

  • Xildhibaankani wuxuu kasoo jeedaa Beesha Waceysle, wuxuu doonayey in loo magacaabo Wasiiru Dawlaha madaxtooyada, taas oo uu ku hungoobay.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur oo aad uga dagaalamay in Madaxweyne Xasan   Sheikh soo galo Baarlamaanka xiligii xulida Baarlamaanka, isaga oo booska xildhibaanimo u rabay Cabdiraxmaan Sheikh Xuseen Goley oo ka mid ahaa Xerta Macalin Nuur, arintaas oo Xildhibaan Cabdulqaadir ku guul dareystay, ilaa haddana dagaalkaasi ku jiro, sida ay Caasimada Online ka war-hayso

8 – Xildhibaan Mahad Cawad

  • Xildhibaan Mahad Cawad oo kasoo jeeda beesha Dir/Sure ayaa dhaqaale ka hela  siyaasiyiinta diidan horumarka Muqdisho, wuxuuna inta badan baarlamaanka keenaa mooshinada caqabada ku ah horumarka Muqdisho, Xildhibaan Cawad ayaa kamid ah xildhibaanada ku qanacsan inaysan Xamar degin, dhaqaalaha Xamar kasoo baxana loo qeybsado 5 beelood ama wasaarado beelahaas metelaya, aana marna laga hadlin dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoomada kale ee Soomaaliya, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Mahad Cawad ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu u eg yahay nin dhaqaale ku soo qaatay in dhamaan Kanbaniyadda Turkiga iyo Mashaariicda Dalka Turkiga ka wado Muqdisho in tushuush lagu furo ama Baarlamaanku joojiyo, sida Kanbanigii balan qaaday dib u dhiska Dekeda Muqdisho, Kanbaniga haatan gacanta ku haaya Garoonka Muqdisho oo balan qaaday dib udhis balaaran inuu ku sameyn doono garoonka Muqdisho.
  • Xildhibaan Mahad Cawad ayaa la shegayaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta aaminsan in Beesha Hawiye la isugu keeno Muqdisho, Muqdishana laga dhigo meel shirko lagu yahay,  Koofurtana laga soo barakiciyo isaga oo qeyb ka ah siyaasadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu ku doonayo in Kooxda Kaanbooniyiinta Gacanta loo geliyo Gobolada Jubada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Gedo, sidoo kalana Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose gacanta loo geliyo Kooxda Shariif Xasan, sidoo kalana madaxweynaha xilka laga qaado ama laga dhigo Madaxweyne maqaarsaar ah oo aan awood lahayn.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

Caasimada@live.com