Maxay tahay arrinta ay Ukraine ka cabsi qabto haddii uu guuleysto Donald Trump?

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay haddii Donald Trump uu ku guuleysto madaxweynenimada Mareykanka in uu joojinayo taageerada milateri ee Ukraine la siiyo.

Trump ayaa sanadkii hore ballan-qaaday hadii uu ka adkaado Joe Biden in uu jarayo taageerada militeri ee Ukraine, dagaalkana uu ku soo afjarayo 24 saac.

Dadka ka agdhow Trump ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay qorshe uu soo jeediyay oo lagu siinayo Ruushka gobolada bariga Ukraine iyo sidoo kale Crimea, si dagaalka daba dheeraaday loo soo afjaro.

Madaxweyne Zelensky wuxu ku adkeystay in dalkiisa uusan aqbaleynin qorshe ceynkaas ah iyo in Ruushku ku qasbanaan in dalkiisa ka haro fakarka ah in ay ku biiraan mustaqbalka NATO.

2019-kii ayuu Trump weydiisay Zelensky inuu baaro dhaq-dhaqaaqa Hunter Biden oo ah wiilka Biden.

Waxaa la aamisan yahay sida xog qarsoodi loo helay inuu ku hanjabay Trump inuu joojinayo gargaarka Mareykanka uu siiyo Ukraine hadii baarista aan lagu helin in Mr Hunuter uu xad-gudub sameeyay.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaan Joe Biden ayaa si weyn isku garab taagay Ukraine, isaggoo booqashaddii ugu horreysay horraanta sanadkii hore ku tegay dalkaasi, tan iyo billowgii dagaalka, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Biden ayaa xilligaasi wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

“Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yiri Biden.

Ukraine ayaa ka cabsi qabta xilligaan in taageerada milateri iyo garab istaagii Mareykanka ay meesha ka baxdo haddii uu doorashada ku guuleysto Mr Trump, taasi oo madaxweynaha dalkaasi uu si adag uga digay.