27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Puntland oo si yaab leh uga soo jawaabtay gogoshii uu ku baaqay Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay gogosha wada hadalka dagaalka Khawaarijta iyo siyaasadda dalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay saamileyda siyaasadda iyo hoggaamiyaasha bulshada rayidka ah.

Puntland ayaa sheegtay in ay dagaal kula jiraan Khawaarijta Daacish, isla markaana aysan waqti u heyn baaqa Xasan Sheekh iyo gogosha uu sheegay inuu fidinayo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gogosha ay dowladda federaalka u fidisay ay tahay mid ka timid beesha caalamka, wuxuuna sheegay in lagu amray inuu dadka isku keeno.

“Xasan waxaa dadka isku keen ku tiri Beesha Caalamka, Deni waqti ma hayo uu Xasan ku hor fariisto, rasaas iyo tuute ayuu qaybinayaa, waa abaanduule dagaalka Daacish hoggaaminaya,” ayuu yir Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa jawaab u ah gogosha uu sheegay Xasan Sheekh ku baaqay oo la aaminsan yahay in Puntland ay muhiim u tahay.

Siyaasiyiinta qaar iyo aqoonyahanka ayaa Xasan Sheekh kula taliyey inuu raadiyo Puntland iyo Jubbaland, inta iska dhaafo siyaasiyiinta kale, si uusan waqti uga sii lumin.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo isna maanta hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uga digay in qorshe xumo looga qabsado magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Waan ka xunnahay in labadii kantarool ee Afgooye iyo Balcad ay Shabaab iyo xagjir ah joogaan. Waan ka xunnahay, laakiin maanta wax ma tari karno,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan leenahay dowladda Soomaaliyeed ku mashquul cadawga dalkii qaybo kamid ah qabsaday in aysan caasimadda qabsan.”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa caddeeyay in maamul ahaan ay masuuliyadda koowaad ee saaran tahay sidii argagixisada looga suulin lahaa guud ahaan deegaannada Puntland, xilli maamulka uu haatan wado guluf ka dhan ah kooxda Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News