25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Xasan iyo Geelle oo caawa ka wadahadlay qodobo xasaasi ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kadib safar uu galabta ku tegay dalka Jabuuti.

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa bogaadiyey walaalnimada iyo iskaashiga labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah uga mahadceliyey doorka walaalaha reer Jabuuti ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa lagu xasuustaa kaalintii ay toddobaadyo ka hor ka qaateen dagaal qaraar oo dadka reer Hiiraan iyo ciidamada qaranka ay la galeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la jebiyey markii ay dagaalka ku soo biireen Ciidamad Jabuuti oo loo yaqaano Hiil-Walaal.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Xasan Sheekh caawa u cadeeyey in Jabuuti ay marwalba garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xusay in Soomaaliya ay si gaar ah uga taageeri doonaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News